Heshiiskii DPWorld 1/3/2017 la gashay JSL Waxaa ka soo wareegtay sanad ee maxaa ka qabsoomay ? qalikii A/rahman fidhinle

0
Thursday March 01, 2018 - 03:42:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 990
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heshiiskii DPWorld 1/3/2017 la gashay JSL Waxaa ka soo wareegtay sanad ee maxaa ka qabsoomay ? qalikii A/rahman fidhinle

    Shirkadan lagu magacaabo Dubai Port World ( DPW ) Waa shirkad weyn oo macaash doon ah oo ku caan baxday in ay laba listo oo maalgashato Dekedaha dayacanee qaaradaha aduunka kufiliqsan ka soo bilow Brazil ilaa iyoShiinaha,laakiin waxay ku fashilantay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadan lagu magacaabo Dubai Port World ( DPW ) Waa shirkad weyn oo macaash doon ah oo ku caan baxday in ay laba listo oo maalgashato Dekedaha dayacanee qaaradaha aduunka kufiliqsan ka soo bilow Brazil ilaa iyoShiinaha,laakiin waxay ku fashilantay oo fadeexad qaawani karaacdayDekado badan oo mandaqadeena ku yaala sida: Dekeda Daaroole ee Jabuuti ,Dekeda Sinigaal,Dekeda Lubnaaniyo Dekeda Cadanku waasoo ay dhamaanmaxkamado caalami ah isla galeen oo lagaga guuleysatay dacwadii shirkada DPW.
Heshiiska DPWorld iyo Somaliland wadagaleentaariikhdii 9/5/20016 ayaa laysku wada raacay in uu ahaa heshiis lagu deg-degay oo xaqul qalin yar la siistay.Heshiiskaas oolagu heshiiyeyin Shirkada DPWorld Dekeda Berbera ku maalgelisolacag dhan$430 milliondollar mudo 30 sanadood ah iyada oo ka fuudhyeelaysa dhismaha wadada Berbera Corridor ee isku xidhi doonta Wajaale iyo Berbera. Heshiiskaaayaa hada qarka u saran in uu burburo maadaama ay shirkada DPWorlday diidan tahayin ay dhamaan tunka uridato dhaqaalaha ku bixi doonadhismaha wadada Berbera corridor oo lagu qiyaasay lacag dhan$240 million.


Shirkada DPWorld waxaa Dekeda Berbera lagu wareejiyey taariikhdii1/03/2017taa soo ilaa iyomaanta aanay ka qaban hawl muuqata oo la taaban karo oo maalgelin lagu tilmaami karo.Hadabasu'aasha qarnigu waxay tahay maxay shirkadu ka qabatay Dekeda Berbera mudadaasanadka ah eeay maamulaysay Marsada berbera? Jawaabta oo koobani waa waxba.!! ee Xaalku wuxuu iska ahaa "Aan ka Fuudee Allow Fii haa " !!

Shirkada DPWorld waxay ku fashilantay dhamaan qalabeyntii iyo horumarintii Dekeda Berberawaxaana aad hoos ugu dhacay intii ay maamulka Dekeda hagaysay bedeecadii iman jirtay iyo heerkii hawl gudashada adeega bulshada ee Dekeda, Waxaana dekeda ka dhacay mudadii ay DPW dekeda maamuleysay khasaare badan oo naf iyo maalba leh, waxaa isku duqeeyey maraakiib Dekeda dhexdeeda, waxaa dab qabsaday Dekeda iyo Maraakiib ku xidhan, waxaana ku dhintay barxada Dekeda labashaqaale, waxaana ku dhaawacmay shaqaale badan oo aan xaq la siin.Waxaa iyana shaqadoodii iyo xuquuqdoodiiba ku waayey shaqaale tiro badan oo mudo dheer Dekeda ka xoogsan jiray.

Shirkadan lagu magacaabo Dubai Port World ( DPW ) Waa shirkad weyn oo macaash doon ah oo ku caan baxday in ay laba listo oo maalgashato Dekedaha dayacanee qaaradaha aduunka kufiliqsan ka soo bilow Brazil ilaa iyoShiinaha,laakiin waxay ku fashilantay oo fadeexad qaawani karaacdayDekado badan oo mandaqadeena ku yaala sida: Dekeda Daaroole ee Jabuuti ,Dekeda Sinigaal,Dekeda Lubnaaniyo Dekeda Cadanku waasoo ay dhamaanmaxkamado caalami ah isla galeen oo lagaga guuleysatay dacwadii shirkada DPW.

Shirkada DPWorld waxay ku caan baxday in ay kala xado oo kala laaluushto madaxda ay heshiisyada la galaan waxaa kale oo ay ku caan baxday in ay dabino u daadiso madaxda ay kala xaajoonayso heshiisyada iyada isticmaalaysa mar kasta xaqul qalin iyo kala laaluush ayxadhkaha ugu soohanaysosi kasta oo ay heshiisyada u kala khiyaamayn kartosida ay Jabouti ku samaysay hadana ay damacsan tahay in ay Somalilandkusameyso. Bal ka warama durba lacagtii$240 millionee ay ku balan qaaday in ay ku maalgeliso mashruucii dhismaha wadada Berbera ilaa Wajaable (Berbera Corridor )oo ay kuleedahay waxaan awoodaa$80 milliondollar oo keliya? Bal ka warama iyada oo aan Somaliland weli u dhisin Dekedii 40 kamitir aheyd iyo Airportkii madaniga ahaa ayey iskadhisteen dhismahaDekad Ciidan iyo Airportkii SaldhigaCiidamadaintaysidii lagu yaqaanay ay gacmaha is dhaafsadeen xubno shidhkaugu jiray heshiiska waqtigii dawladii Siilaanyoay sii dhacaysay ee aydanta guudiyo duunyadaba carabka sii marinayeen.

Heshiiska Somaliland la gashay shirkada DPWorld wuxuu ahaa heshiis aan laga fiirsan oo shaqsiyo aan la mahadin oo gaar ahi ku macaasheen kuna taajireen.Wuxuu ahaa heshiis meel ka dhac ku ah qaranimada iyo qowmiyada Somaliland sidaa daraadeed waa in Xukuumada cusubidib u sax buuxa ku sameysaa qalalaadkaa faraha badan eekugedaaman heshiiskaas.

Madaama aan sife sharci ah markii horeba loo soo marin ansixinta heshiiskan ee la wada ogaa in lacag laaluush ah oo gaadhaysa$10 kunoo doolar loo laabayXil-madhibeyaashiitira da badnaa ee ansixiyey heshiiskaas iminka iyo haatana ay Xukuumada cusubi ka qaylisay kana dhawaajisay in weli heshiiskaa uumugdi iyo mad-madow badani ku gedaaman yahay, waxaaXukuumada cusub looga fadhiyaain ay Laasho ama hakiso mashruucaa ama ay ummadda u soo bandhigto mudo cayiman ( time line )taa soo ay Shirkada DPW mashaariicda maalgelinta heshiiskaa ku qoranay ku bilaabayso kuna dhameynayso.


Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured