Wasiirka Macdanta Somaliland oo Sheegay in aanu Wakiil Cusub u Magacaabin Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil "..Waxan idin sheegaya mashruucaasi waxa uu leeyahay Wakiil, Waana Axmed Abokor".Wasiirka Macdanta Jaamac Maxamuud Cigaal.

0
Wednesday February 28, 2018 - 18:52:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Macdanta Somaliland oo Sheegay in aanu Wakiil Cusub u Magacaabin Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil "..Waxan idin sheegaya mashruucaasi waxa uu leeyahay Wakiil, Waana Axmed Abokor".Wasiirka Macdanta Jaamac Maxamuud Cigaal.

    Wasiirka Macdanta Somaliland oo Sheegay in aanu Wakiil Cusub u Magacaabin Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil "..Waxan idin sheegaya mashruucaasi waxa uu leeyahay Wakiil, Waana Axmed Abokor".Wasiirka Macdanta Jaamac Maxamuud Cigaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Macdanta Somaliland oo Sheegay in aanu Wakiil Cusub u Magacaabin Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil "..Waxan idin sheegaya mashruucaasi waxa uu leeyahay Wakiil, Waana Axmed Abokor".Wasiirka Macdanta Jaamac Maxamuud Cigaal.
Berbera(Xogreebnbews)-Wasiirka Macdanta Somaliland Jaamac Maxamud Cigaal, ayaa sheegay inaanu qof kasoo jeeda Beesha kowaad ee gobolka Saaxil aanu u magacaabin mashruuca Sahaminta Shidaal ee gobolka Saaxil. Hase-yeeshee Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil u Mareeye ka yahay Axmed Abokor oo ay isku beel yihiin Wasiir. Isla markaana ah masuulka rasmiga ah ee Shirkada Sahaminta Shidaal ee laga bilaabay gobolka Saaxil.
Sidaas waxa uu Wasiirka Macdanta Somaliland Md Jaamac Maxamuud Cigaal waxa uu sheegay mar ay magaaladda Hargeysa kula kulmeen Saxafiyiin madaxbanaan, walow Wasiirku diiday in aanu si toosa u hadlay,  balse Wasiirka oo kaasii cararaya Wariyaasha ayaa yidhi sidan.
"..Adeer diyaar uma ihi inaan arrimahan ka hadlo, waxanan idinka Codsanayaa inaad Kamaradaha iga xidhan. Waxan idin sheegaya mashruucaasi waxa uu leeyahay Wakiil, kaasoo hore u hayey xilkaas, isla markaana ah Nin weyn Saaxil laga ixtiraamo oo maareeye ku xigeenka ahaa mudo badan (Axmed Abokor)". 
Intaas kadib waxa uu Wasiirku degdeg ku koray Gaadhigiisa.
Teeda kale mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gubanka Berbera, ayaa maalinba maalinta ka dambaysa waxa uu noqday mid kasii daraya, isla markaana faraha kasii baxaya oo murankiisi iyo xiisaddiisu cirka isku sii shareerayso. Kaddib markii uu wasiirka macdantu eex iyo kala xigtaysi kusoo xushay shaqaalaha mashruuca Sahamintu, isagoo shaqaalaha kasoo qortay beeshiisa oo ah midda saddexaad ee gobalka Saaxil, halka aanu haba yaraatee wasiirku waxba ka siin shaqaalaha mashruuca beesha kowaad ee gobalka Saaxil. 
Si kastaba ha ahaato  dhawaqan Wasiirka Macdanta Somaliland Md. Jaamac Cigaal, ayaa waxba kama jiraan ka dhigaya warar maalmihii u dambeeyey la isla dhex maraayey kuwasoo sheegayey in Wakiil cusub loo soo magacaabay mashruuca Sahaminta Shidaal ee Berbera. Sida ka muuqata hadalka Wasiirka waxa mashruuca Gudoomiye ama mareeye ka ah Mareeye ku xigeenka Dekedda Axmed Abokor. La soco warbixinta goordhow.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured