Musuq-maasuqa Xadhka Goostay ee Maamulaha Waaxda Cashuuraha beriga Saaxil Dhex-dabaalanayo, Miyey la Qabtaa Madaxda sare ee Wasaaradda Maaliyaddu?. W/Q Farxaan Guuleed Warsame Cali.

0
Tuesday February 27, 2018 - 04:41:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musuq-maasuqa Xadhka Goostay ee Maamulaha Waaxda Cashuuraha beriga Saaxil Dhex-dabaalanayo, Miyey la Qabtaa Madaxda sare ee Wasaaradda Maaliyaddu?. W/Q Farxaan Guuleed Warsame Cali.

    Musuq-maasuqa Xadhka Goostay ee Maamulaha Waaxda Cashuuraha beriga Saaxil Dhex-dabaalanayo, Miyey la Qabtaa Madaxda sare ee Wasaaradda Maaliyaddu?. W/Q Farxaan Guuleed Warsame Cali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musuq-maasuqa Xadhka Goostay ee Maamulaha Waaxda Cashuuraha beriga Saaxil Dhex-dabaalanayo, Miyey la Qabtaa Madaxda sare ee Wasaaradda Maaliyaddu?. W/Q Farxaan Guuleed Warsame Cali.
Maamulaha Cashuuraha beriga magaaladda Berbera Ciise Muxumed Raagge, ayaa dhex dabaalanaya Bad-weyn musuq-maasuq, isagoo Waaxda Cashuuraha beriga degmada Berbera ka dhigtay Meherad u leeyahay oo u qasnadeeda kolba wixii uu doono kala baxaaya. 
Musuq-maasuqa Maamulaha cashuuraha Berbera, Ciise Muxumed Raage, waxa uu ka dhigtay Waaxdaas meel uu dadka ku baado, isla markaana sidii Budh-cad Badeeda oo kale madax furasho badeecadeed bulshada kaga qaato dhaqaale ka madax banaan cashuurta ku waajibtay muwaadiniinta Somalilanderka ah. 
Sidoo kale waxa uu Maamulaha Cashuuraha Berbera soo kordhiyey dhaqan cusub, mudadii uu ay joogtay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, isagoo sheegta inuu Wasiirka Maaliyada ka awood badan yahay, isla markaana u ka dhigan yahay "Dameeri isku halayn ayey Hooyadeed dabada-uga nuugtaa".
Haddaba, dhaqaqaalihii dalka markii musuqmaasuq iyo laaluush lugu dhammaystay waxa hadda bilaabmatay in ilihii dhaqaale ee "Qaranka Naaska Irmaan u ahaa la lagu baadho shacabka, isla markaana shacabka dibnaha laga jaro” Sawirka ugu quruxda badan ee arrintaa maanta aan u qaadan karaa waa sheeko Soomaalidan; "Waraabe ayaa Hal irmaan naasaha ka goostay, nirigteediina dibnaha ayuu ka cunay, waxaana laga hayay, maxay ku nuugi? Maxay’se ka nuugi?” 
Musmusuqmaasuqa Xatooyada Hantidda Ummada.
Musuq-masuqa ka jira Waaxda Cashuuraha beriga Saaxil, waxa uu lamid yahay xatooyadda hantida qaranka oo ah musuqa ugu badan ee ka dhex jira Somaliland, kasoo noqday mid xadhkaha goostay , waxaana dhacda xatooyo isugu jirta boob lacageed iyo hanta ma guurto ah.
"Geela duqiisu durduriyo aarankiisana maxaad u malayn.” Meesha masuulkii ugu sarreeyay uu shaadh Dawladeed cashuur jeebkiisa u gaar ah ku dhacayso, miyaa laga filaya in Xukuumada Madaxweyne Muuse biixi la dagaalamayso musuq-maasuqa ragaadiyey Somaliland.
musuqmaasuqyada aan kor kusoo xusey waxay sababi kartaa , Dhiig ummadeed oo daata , roob la’aan ka dhalata ,, dib u dhac ku yimaada horumarka dalka , qabyaalada oo sii korodha iyo is nacayb ka dhex dhaca dadka dhexdooda , waana arrin lagaga bixi karo in dadku isku tashado oo marka hore laga fiirsado cida lagu aaminayo masiirka Ummada iyo masuuliyadda waaxaha cashuuraha qaranka. Waxanay arrintani noqon doontaa mid musuq-maasuqa dhiirigelisa, hadii aanu degdeg talaabo uga qaadin Wasiirka Maaliyadu, waana hal-xidhaale horyaala Wasiirku oo lagu kala ogaanay inuu hantida umada ilaalinayo iyo inuu musuq-maasuqa qayb ka yahay.
La soco qaybaha dambe 
W/Q
Farxaan Guuleed Warsame Cali.
Berbera/Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured