Khatarta Sahaminta iyo Soo Saarista Shidaalka Somaliland: Macluumad Guud ee Shirkadaha Baadhista Dalka ka wada.

0
Friday February 09, 2018 - 02:42:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khatarta Sahaminta iyo Soo Saarista Shidaalka Somaliland: Macluumad Guud ee Shirkadaha Baadhista Dalka ka wada.

    Khatarta Sahaminta iyo Soo Saarista Shidaalka Somaliland: Macluumad Guud ee Shirkadaha Baadhista Dalka ka wada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khatarta Sahaminta iyo Soo Saarista Shidaalka Somaliland: Macluumad Guud ee Shirkadaha Baadhista Dalka ka wada.

Hargeysa(Xogreebnews)-Labadii sanno ee u dambeeyay, wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland Waxay mashquul ku ahayd sahaminta shidaalka ee gobollo kamida Somaliland kuwaas oo lala galay shirkado kala duwan oo ay kamid yihiin DNO. BGP, RAKGAS iyo Genel Energy.

 

In kasta oo aanu dalku awood sharci u lahayn inuu heshiisyo caalami ah la galo shirkadaha macdanta ee adduunka, waxa haddana cad in heshiisyo dhex mareen qaar kamid ah shirkadaha sahaminta iyo soo saarista macdanta iyo shidaalka ee qaarkood aan kor kusoo xusnay.  waxa iswaydiin mudan in la ogaado shirkadahan iyo taariikhdooda iyo khibradaha sahaminta shidaalka ee ay leeyihiin? sidoo kale waxaynu tilmaami doonaa daroooqinka iyo nidaamada loo maro ama lagu xusho shirkadah sahaminta shidaalka ee caalamiga ah iyo doorka wacyigelinta bulshada arimaha la xidhiidha sahaminta iyo maamulida.

 

 

Shirakadda Genel Energy.

Shirkaddani (Genel Energy) waxay laga aasaasay dalka faransiiska (France) sanadkii 2011 dhawaana waxay xafiisyo shaqo ka furatay dalalka ingiriiska (London), iyo turkiga. Sannadihii u dambeeyay waxa laga diwaan galiyey dalka Britain siiba suuqa iswaydaarsiga lacagaha ee London (London Stock Exchange). Shirkadan soo saarista iyo sahaminta shidaalku waxay hadda uun bilowday sahaminta shidaal iyo soo saaritisaba ee gobolka Kurdistan ee Iraq iyada oo usii balaadhinaysa shaqadeeda woqoyiga Afrika iyo Bariga Dhexe. Si kastaba ha ahaatee Genel Energy waxay hawsheda shaqo ka bilawday dalka saddex ilaa afar sanno ka hor. Genel Energy malaha khibrad iyo waayo aragnimo balaadhan oo u sahalaysa inay ku guulaysato hawlahan sahaminta iyo soo saarista shidaalka waxaanay heshiis (contract) siisay shirkadaha kale ee side Rak Gas, DNO iyo GBP oo ka hawl-galaya block-yada SL-9, SL-11 iyo SL-12.

 

Shirkadda RakGas

Shirkadda Ras al Khaimah oo loo yaqaano (Rak Gas) waxa laga aasaasay Imaaraadka ama UAE (United Arabian Emirates) sannadkii 1984 iyada oo lagu soo saaray dikreeto lagu magacaabayo shirkadan. Haddaba, iyada oo ujeedada loo aasaasay ay ahayd soo saaro gaasta (gas) dalalka Imaaraadka, waxa ay hawlaha sahaminta shidaalka kala duwan ka wadaa dalal badan oo Afrika (Africa) kamid ah. RAKGAS waxay hadda hawlo waxqabadyo ka wadaa gudaha dalalka Imaaradka Carabta sida Oman iyo Qadar, RAKGAS waxa ay xidhiidh toos ah la leedahay dawlada Imaaraadka. Shirkadani waxa hadda ka hawl-gashaa saddex dal oo laba kamid ah la aqoonsan yahay sida Malawi iyo Tanzania iyo Somaliland oo aan aqoonsi adduunka ka haysan. Dhinaca Somaliland waxay sahamin ka wadaa Block 9 & Block 12. Isku soo duubo RAGAS waa shirkad ka waaya aragsan Genel Enegy laakiin malaha waaya aragnimo adduunka ah iyo suurogalnimada fulinta heshiisyada caalamiga ah taasina waxay keenaysa in guul iyo khasaare labadaba laga fisho hawleheeda Somaliland iyo in shaki wayn uu galo ilaalinta bulshada iyo deegaanka sahaminta ama soo saarintu ka socoto.

 

Shirkadda DNO

Shirkadda DNO ASA waxa laga leeyahay dalka Norway waxaana la aasaasay sannadkii 1971. DNO waxay ka hawl-gashaa Barriga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika waana shirkad caalami ah oo si buuxda sahamin shidaalka ee Gas iyo Oil ka wadaa dalalka Iraq, Norway, Oman, Somaliland, Tunisia, UK iyo Yemen. DNO in kasta oo ay kasoo jeedo mid kamid ah dalalka ugu caansan adduunka ee Norway, haddana waxay isku koobsanysaa 50% faa’iidoyinka kasoo baxa soo saarista saliida madow (Oil) ee Block 18 Somaliland. Si kastaba ha ahaatee DNO kuma jirto liiska 60-ka shirkadood ee adduunka ugu horeeya ee sahaminta iyo shidaalka.

 

 

Shirkadda BGP

Shirkadda BGP waxay kasoo jeeda dalka China waana shirkadda ugu da’da wayn shirkadaha Somaliland sahaminta iyo soo saarista shidaalka ka wada waxana la aasaasay 1961. BGP waxa ay xooga saartaa baadhida macluumaadka meelaha la rajaynayo in shidaalku kujiro. BGP oo laga leeyahay dalka China ayaa kaga horaysa shiradaha kale ee DNO, Genel Enegy iyo RAKGAS dhinacyada baadhista macluumaadka block-yada gobollada Somalilamd taasina waa sababta keentay inay usii wakiishaan hawlahooda sahamineed. BGP maaha shirkad aad looga yaqaan adduunka, kamana mid ah 50-ka shirkadood ee adduunka laga dareemo hawlohooda tanina waxay khatar ku keeni kartaa hawl-galkeeda maadama oo aan Somaliland aanay ahayn dal hore usoo galay heshiisyo caalami ah.

 

Guntii iyo gebo gabadii, shirkadahan aan kor kuso xusnay kuma jiraan liiska 100 shirkadood ee sahaminta iyo shidaal soo saarista adduunka tanina waxay shaki galinaysaa kalsoonida shaqada ay ka wadaan Somaliland maadama oo aanay jirin shirkado aqoon u leh maamulka iyo gacan ku haynta shuruucda iyo dabagalka shirkadaha Genel Enrgy, BGP, DNO iyo RAKGAS. Waxa iyana jirta in shirkadahani aanay ku iman tartan iyo in ilaa hadana aan la garanayn waxyaabaha ay ku heshiiyeen shirkadan iyo dawlada Somaliland taasina ay bulshada ku keni karto shaki. Sidoo kale ma jirto haayado dawli ah oo daba-gala in heshiisyadii la galay in sidooda loo fuliyay iyo in kale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured