Madaxa Napoli Oo Albaabada U Furay In Cavani Iyo Tababaraha Kooxda Ay Bixi Karaan.

0
Sunday March 24, 2013 - 12:21:39 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxa Napoli Oo Albaabada U Furay In Cavani Iyo Tababaraha Kooxda Ay Bixi Karaan.

    Madaxa naadiga Napoli De Laurentiis ayaa albaabada u furay in ay kooxda ka tagi karaan tababaraha haatan Walter Mazzarri iyo xiddiga kooxda Edinson Roberto Cavani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa naadiga Napoli De Laurentiis ayaa albaabada u furay in ay kooxda ka tagi karaan tababaraha haatan Walter Mazzarri iyo xiddiga kooxda Edinson Roberto Cavani
marka uu dhaamado xilli ciyaareedkaan isaga oo carabka ku adkeeyay in kooxda aysan wax iska badaleyn xittaa haddii ay ka tagaan.

De Laurentiis ayaa bogga Italian Football News u sheegay ” ma doonayo in aad niyada ka jibiyo taageerayaasha kooxda balse hadii Cavani uu baxo oo uu kooxda Mazzarri joogo waxaan aamisnahay in wax weyn qaban karano .

” Haddii Mazzarri baxo kooxda wax ay sii ahaaneysaa mid wanaagsan , aniga shaqsiyan Massarri tababare kale kuma badalayo balse arimaha waxa ay ku xeran yihiin isaga” ayuu sii raaciyay.


Madaxa Napoli waxa uu intaas sii raaciyay ” Mazzari anaa doortay sanado ka hor, haddii uu doonayo in tijaabo kale soo sameyo taasi isaga ayay gacantiisa ku jirtaa , aniga xageyga waxaan ka shaqeynayaa in uu kooxda sii joogo “.


Mar uu ka hadlayay arinta Cavani ” laba koox kaliya ayaa awooda in ay iibsadaan Cavani sidaa darteed waxaan aamisanahay in uu joogayo , mar waliba waxa uu muujiyaa jaceylka uu u qabo kooxda balse waxaad ogataa in dalabyo badan ay hareeyeen laacibka”.

Tababare Mazzarri ayuu hishiiskiisa dhamaanayaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan waxa uuna diiday in uu ka hadlo in kooxda uu joogayo iyo in kale .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured