Waali Cas...Gudoomiyaha Awal-galbeed Yuusuf Cilmi oo Madaxweyne Muuse ku Eedeyey in Aanu Gabiley Siin Saamigii ay Lahayd, iyadoo laba Blood gudahood uu Saddex masuul u magacaabay Gabiley..."Waxa Muuqda In Muuse Biixi Codkii Iyo Taageeradii Gabiley Hal Maamay". Gud. Awal-Galbeed Yuusuf Cilmi Ayaanle

0
Wednesday January 31, 2018 - 03:25:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waali Cas...Gudoomiyaha Awal-galbeed Yuusuf Cilmi oo Madaxweyne Muuse ku Eedeyey in Aanu Gabiley Siin Saamigii ay Lahayd, iyadoo laba Blood gudahood uu Saddex masuul u magacaabay Gabiley..."Waxa Muuqda In Muuse Biixi Codkii Iyo Taageeradii Gabiley Hal Maamay". Gud. Awal-Galbeed Yuusuf Cilmi Ayaanle

    "Anigu Dalka Intiisa kale ka Hadli Maayee Waxaan ka Hadlayaa Gabiley Iyo Tabashada Digreetooyinka,Waxa Muuqda In Saaxiibkey Muuse Biixi Codkii Iyo Taageeradii Gabiley Hal Maamay",Gudoomiyaha Awal-Galbeed Yuusuf Cilmi Ayaanle (Yuusuf Dabal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Anigu Dalka Intiisa kale ka Hadli Maayee Waxaan ka Hadlayaa Gabiley Iyo Tabashada Digreetooyinka,Waxa Muuqda In Saaxiibkey Muuse Biixi Codkii Iyo Taageeradii Gabiley Hal Maamay",Gudoomiyaha Awal-Galbeed Yuusuf Cilmi Ayaanle (Yuusuf Dabalule)

Gabiley(Xogreebnews)-Gudoomiyaha Awal-galbeed Yuusuf Cilmi Ayaanle(Yuusuf-dabalule),ayaa markii u horeysay Saluug ka muujiyey Digreetooyinka uu Xilalka kusoo magacaabayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,uu ku tilmaamey inaaney aheyn sidii la moodayey ee Codadkii Doorashada Madaxtooyada iyo wax la halmaala.

Yuusuf Dabalule Oo Warbaahinta ugu waramay khadka Telefoonka  isagoo ku sugan Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ayaa,sheegay in ay siweyn u saluugeen digreetooyinka Magacaabista ah ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku magacaabayo xilalka Qaranka taas,oo maalinba maalinta ka dambeysa kasii dareysa islamarkaana, ka cadheysiineysa sida uu hadalkiisa u dhigey dadkii taageerada aadka iyo laxaadka ah u muujiyey halgankii dheeraa ee uu usoo Marey Kursiga.

"Hadalkeyga maanta la odhan maayo’ ‘iidoor Sal Fududaa Wuxuu Sugayo Muu Dhawro’ Anigu dalka intiisa kale ka hadli maayee Waxaan ka hadlayaa Gabiley iyo tabashada Digreetooyinka,waxa muuqda in Saaxiibkey Muuse Biixi codkii iyo taageeradii Gabiley’ Arabsiyo usoo rarey, waanaan ogeyne shaw Arabsiyo xididbaa u aasnaa,awalba inta aanu banaanka ka joogney Xukuumadihii Somaliland soo marey Rayaale ilaa Siilaanyo,waa intaa Arabsiyo garatey,oo aanu garan weynay lagaagama fadhiyo Gobolka intiisa kale hadey tahey Gabiley,hadey tahey Tog-Wajaale,hadey tahey Alleybadey iyo Deegaanada faraha badan Botor ilaa Galooley Madaxweyne Anaku Toddoba iyo Toban Sano ayaanu banaanka joogney,marka lagu daro intii aad wax dooneysay ee Dagaalkaagu Cirrada naga soo saarey inta calaf na gaadhsiiyo waa u adkeysaneynaa Rayaale ilaa Siilaanyo ilaa Muuse Biixi, wa bilaahi Tawfiiq”Sidaa waxa yidhi Yuusuf Cilmi Ayaanle(Yuusuf-dabalule),Gudoomiyaha Awal Galbeed, oo ka dareen celinayey Digreetooyinkii Madaxweyne Muuse Biixi ku magacaabey Xilalka.


Yuusuf Cilmi Ayaanle(Yuusuf Dabalule),ayaa kamid ahaa ragii taageerada xoogan u muujiyey ka hor intii aanu Murashaxa jagada Madaxweyne ku guuleysan Madaxweynaha xilka haya Muuse Biixi Cabdi,iyadoo la filayo inaaney is arag tan iyo intii Xilka qabtey.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured