Daawo Xogreeb Tv: "..Xukuumadda intaas oo Sirdoon ah leh ayaa laba Jilib oo yaryar oo Somaliland ku nool oo meel wada dega intaas sannadood Dagaalka socda la ogaan kari la'yahay sababtiisa..Waaka Rasaasta bixinaya, waaka kaa wax dilaya Qarinaya, waaka sahanka u ah ee u warramaya ka wax dilaya". Sheekh Aadan Sııro

0
Saturday January 27, 2018 - 04:08:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Xogreeb Tv: "..Xukuumadda intaas oo Sirdoon ah leh ayaa laba Jilib oo yaryar oo Somaliland ku nool oo meel wada dega intaas sannadood Dagaalka socda la ogaan kari la'yahay sababtiisa..Waaka Rasaasta bixinaya, waaka kaa wax dilaya Qarinaya, waaka sahanka u ah ee u warramaya ka wax dilaya". Sheekh Aadan Sııro

    Daawo Xogreeb Tv: "..Xukuumadda intaas oo Sirdoon ah leh ayaa laba Jilib oo yaryar oo Somaliland ku nool oo meel wada dega intaas sannadood Dagaalka socda la ogaan kari la'yahay sababtiisa..Waaka Rasaasta bixinaya, waaka kaa wax dilaya Qari

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo Xogreeb Tv: "..Xukuumadda intaas oo Sirdoon ah leh ayaa laba Jilib oo yaryar oo Somaliland ku nool oo meel wada dega intaas sannadood Dagaalka socda la ogaan kari la'yahay sababtiisa..Waaka Rasaasta bixinaya, waaka kaa wax dilaya Qarinaya, waaka sahanka u ah ee u warramaya ka wax dilaya". Sheekh Aadan Sııro

Hargeysa (Xogreebnews.com) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jicmaha ee Maanta kaga hadlay Dagaalkii dhawaan labada Beelood ee Walaalaha ah ku dhex maray deegaanka Dararweyne oo hoos tagta degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag.

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay in dagaalka Dararweyne soo noqnoqday, laakiin Xukuumadihii kala dambeeyay iyo Madax-dhaqameedku ka seexdeen inay ogaadaan sababta uu u soo noqnoqonayo, si Xal kama dambaysa ah looga gaadho.

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi "Waxaynu ka hadlaynaa Islaamku siduu u ilaaliyey Dhiigga Qofka Muslimka ah, sababta aynu uga hadlaynaana waxa weeyaan Dagaalkaa inta badan soo noqnoqday ee Ceel Af-weyn. Taariikhda aynu soo joognay waa wax ku cusub  Dagaalkaa aynaan sababtiisa garanayn, 26-kaa sannadood ee Somaliland xorta ahayd dhib buu ku hayaa Dagaalkaa Ceel Af-weyn, wax lagu fasiro sababta la isku dilayana wax cad maaha, laakiin waxaynu caddaynaynaa inay tahay Masuuliyad ay ka gaabiyeen inta Caqliga leh ee Xalka ka gaadhi lahayd.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu sheegay oo kale "Islaamku Cid buu qoorta u sudhay arrimaha qaarkood, markaa Arrinta halkaa ka socota (Dagaalka Dararweyne) marka koowaad Xukuumadda ayaa u qoolan ama Xukuumaddan cusub ha noqoto ama tii ka horreysay ha noqotee, Cidda ugu horreysa ee Masuuliyaddaa qaadday ee ILAAHAY hor-taagan, waxna laga waydiinayaa waa kuwaasi (Xukuumadihii kala dambeeyay), kuwa labaadna waa Culimada, Culimadu waa inta aqoonta leh, waxa kale oo u qoolan inta kale ee aqoonta leh ee Bulshada ka midka ah, waxa kale oo u qoolan inta qaadday Masuuliyadda Qabaa’ilka (Madax-dhaqameedka), waxa kale oo u qoolan inta ILAAHAY Caqliga siiyey ee Hal-abuurka loo yaqaanno, intaasi waa inta waxna xidha waxna furta.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Dagaalka Dararweyne aanu sabab la’aan u soo noqnoqon, balse ay jirto Sabab loo baahan yahay in la ogaado "Wax kasta oo Adduunka ILAAHAY keenay Sabab bay leeyihiin, markaa Dagaalkaasi waa dagaal Sabab leh, laakiin Dadkii ay Shaqadooda ahayd ka seexdeen inay ogaadaan sababta Dagaalkan keenaysa si wax looga qabto.”

Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu ka warramay sida ILAAHAY (SW) uu Qur’aankiisa ugaga hadlay waxa laga yeelayo Cidda diidda heshiisyada nabadeed ee la dhex dhigo Cid ay dagaalameen "ILAAHAY wuxuu yidhi ‘Hadday Dad Muslimiin ahi is-dilaan heshiisiiya, hadday mid heshiiska diiddo taa iskugu taga’..” ayuu yidhi Sheekhu, waxaanu intaa sii raaciyey in Islaamku diiday Dadka isku dira Dadka "Qof Dadka isku dira ama sabab u noqda in Dadka la laayo, Awoodda uu doono ha yeesho Islaamku wuu diiday, Cidda Heshiiska diidda dhammaantiin iskugu wada taga ayuu ILAAHAY yidhi…”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey wuxuu Xukuumadda ku canaantay inay ogaan kari waydo Cidda wadda Dagaalka Dararweyne "Xukuumadda intaas oo Sirdoon ah leh ayaa laba Jilib oo yaryar oo Somaliland ku nool oo meel wada dega intaas sannadood Dagaalka socda la ogaan kari la’yahay sababtiisa, oo mar walba la leeyahay waa la heshiisiiyey, illaa goorma ayaynu sugaynaa waalla heshiisiiyey, ma marka Dagaalku uu meel walba ku fido…” ayuu sheegay, waxaanu intaa ku daray oo uu ka warramay sida ILAAHAY uga digay Dilka Dadka Muslimiinta ah "Qofa dila Qof Muslim ah isagoo u kasaya Ilaahay wuxuu yidhi Jahanaba ayuu gelayaa oo wuu ku waarayaa, Ilaahayna wuu u cadhooday, Naxariista ilaahayna waa laga fogeeyay, ayuu ILAAHAY ku sheegay Qur’aankiisa.”

Sheekh Aadan wuxuu tilmaamay oo kale "Dagaalkaa Ceel Af-weyn ee soo noqnoqday wax walba waa la isticmaalayaa, ma Qof rasaas samaystaa jira, ma Qof keligii Shidaal soo saaraa jira, mise waxa jira Qof leh Gaadiidka oo dhan, Maya. Qofka Dil Qof kale ku caawiya kalmad badhkeed waxa la soo saarayaa Maalinta qiyaamaha isagoo labadiisa indhooda dhexdooda ay kaga qoran tahay ‘kaasi Naxariistii Ilaahay wuu ka quustay’ ayuu Rasuulku yidhi (CSW)…” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "…(Kaasi) Waaka Rasaasta bixinaya, waaka kaa wax dilaya Qarinaya, waaka sahanka u ah ee u warramaya ka wax dilaya.”

Sidoo kale, Sheekh Aadan-Siiro wuxuu farriin u diray Xukuumadda cusub ee Somaliland "Inkasta oo Xukuumaddan Duruuf badan ku xeeran tahay, haddana marnaba fursad lama siinayo (Dagaalka) oo waa in Dagaalka la joojiyaa, waa in Xuuraanka oo dhan la isticmaalo, waa in la ogaado Cidda dagaalka wadda, ama Qof ha noqdo, ama koox ha noqdaan ama Boqol ha noqdaan, maxaynu jeelasha u samaysanay, hadday Kun Qof yihiin sow maaha inaynu kunkaba jeelasha geyno, waayo? Dagaalkaasi hadduu innagu sii fido aad iyo aad ayuu inoogu adkaanayaa (Xalkiisu), iyagana (Beelaha Dagaalamay) waxaanu leenahay waar dagaalka joojiya, innagana waxa innala gudboon dagaalkaa inaynu ka gun gaadhno oo Cidda wadda Go’aan laga qaato.”

Ugu dambayn, Sheekhu wuxuu yidhi "Waxaanu leenahay Madaxweynuhu wuxuu ku saxan yahay ee uu ku toosan yahay ILAAHAY ha ku gargaaro, wixii isaga iyo Xukuumaddiisu ku khaldan yihiina waynu tilmaamaynaa.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured