Fadeexad Dul Hoganaysa Gudoomiyaha Hay 'ada Shaqaalaha Mr . Sharma'arke Iyo Musuq Maasuq Ka Soo If Baxay Dhaqaalihii Baanka Aduunku Ugu Tala Galay Tayeynta Shaqaalaha Dawlada Somaliland + Dareenada Ku Xeeran…

0
Friday January 26, 2018 - 20:21:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad Dul Hoganaysa Gudoomiyaha Hay 'ada Shaqaalaha Mr . Sharma'arke Iyo Musuq Maasuq Ka Soo If Baxay Dhaqaalihii Baanka Aduunku Ugu Tala Galay Tayeynta Shaqaalaha Dawlada Somaliland + Dareenada Ku Xeeran…

    Fadeexad Dul Hoganaysa Gudoomiyaha Hay 'ada Shaqaalaha Mr . Sharma'arke Iyo Musuq Maasuq Ka Soo If Baxay Dhaqaalihii Baanka Aduunku Ugu Tala Galay Tayeynta Shaqaalaha Dawlada Somaliland + Dareenada Ku Xeeran…

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexad Dul Hoganaysa Gudoomiyaha Hay 'ada Shaqaalaha Mr . Sharma'arke Iyo Musuq Maasuq Ka Soo If Baxay Dhaqaalihii Baanka Aduunku Ugu Tala Galay Tayeynta Shaqaalaha Dawlada Somaliland + Dareenada Ku Xeeran…
Hargeisa(Xogreebnews)-Hay’ adda shaqaalaha dawladda ayaa sannadkii 2016 kii waxaa mashruuc loogu magac daray tayaynta shaqaalaha dawladda iyo madax taabashada shaqaalaha ku jira beyroolka ay siiyeen baanka adduunku , mashruucaas oo lagu qiyaasay lacag gaadhaysa $ 10 Milyan in lagu fuliyo mashruuca. Mashruucan oo loogu talo galay in ay soo marto guddiga qandaraasyadda qaranka ayaa haba yaraate aan soo marin guddiga qandaraasyadda , kaasi oo uu guddoomiyaha hay’adda shaaqalaha dawladdu bidhkii loogu tallo galay inuu soo maro guddiga qandaraasyadda qaranka uu guddomiyaha hay’adda shaqaalahu musuqmaasuqay . Guddoomiye Sharmaake Maxamed Geelle ayaa Shirkad Magaceedu yahay SSG siiyey bidhkii soo mari lahaa guddiga qandaraasyadda qaranka , shirkadaas oo qaadatay mashruucii dib u habaynta shaqaalaha iyo madax taabashadda ee bilaabmay markay taariikhdu ahayd 22 .01 .2018 -ka .
Sida warar xogagaal ahi nagu soo gaadhayaan ayaa sheegaya in shirkadda mashruucan la siiyey ay ku qaadatay lacag dhan 590 .000 oo dollar , lacagtaas oo uu baanka adduunku ugu tallo galay in mashruucan lagu fuliyo. Lacagtan Baanka aduunku bixiyeey ayaa qeyb ahaan loogu tallo galay in lagu soo iibiyo qalabka lagu shaqayno muddo 70 cisho ah , lacagtaas oo ahayd lacag gaadhaysa 160.300 oo dollar.
Guddoomiyaha iyo shirkadda uu qandaraaska siiyey ayaa qalabka ay shaqada ku bilaabeen waxay ka soo kiraysteen shirkaddii fulisay mashruucii diwaangalinta codbixiyaasha ee doorashaddii dalka ka dhacday 13 .november 2017 .
Shirkaddasi oo magaceedda la yidhaahdo Sahal Technology , waxay qalabka iyo shaqaalahaba ay kaga kiraysteen lacag gaadhaysa 65 .000 oo dollar, marka ay dhammaato 70 ka cisho ee ay u qoondeeyeen in madax taabashadda shaqaaluhu ay shirkaddu la noqon doonto qalabkeeda .
Baanka aduunka ayaa ugu tallo galay lacagtan qalabka lagu soo iibinayey in ay hay’adda shaqaalaha dawladda ay u hadho oo ay noqoto hanti qaran ay leedahay dawladdu, taasi oo hada meesha ka baxday.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wakhtiigi uu olalaha ugu jiray Jagada Madaxweynaha aad ugu celcelin jiray in musuq maasuqa uu la dagaalami doono , waxaana la dhawrayaa talaabada uu ka qaado masuuliyiinta hay’adda shaqaalaha dawlada .



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured