Xeerkii Wakiiladdu Ansixiyeen ee lagu dhimay Tirada Xilalka lagaga qaadi karo Maayiradda oo Hurdada u diiday Maayirada Berbera, Gabiley iyo Hargeysa + Dalabyo Laalush oo ay u Bandhiigeen Wasiir Maxamed Kaahin oo Ay Guul-darro kala huleeleen+ Soltelco Madaxtooyada Micin-biday+Cidin oo Xaga Xididnimada kasoo Maray Wasiirka Iyo Maxamed Aamin oo la Waayey Meel uu Jaan-dhigay

0
Wednesday January 24, 2018 - 02:45:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1784
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeerkii Wakiiladdu Ansixiyeen ee lagu dhimay Tirada Xilalka lagaga qaadi karo Maayiradda oo Hurdada u diiday Maayirada Berbera, Gabiley iyo Hargeysa + Dalabyo Laalush oo ay u Bandhiigeen Wasiir Maxamed Kaahin oo Ay Guul-darro kala huleeleen+ Soltelco Madaxtooyada Micin-biday+Cidin oo Xaga Xididnimada kasoo Maray Wasiirka Iyo Maxamed Aamin oo la Waayey Meel uu Jaan-dhigay

    Xeerkii Wakiiladdu Ansixiyeen ee lagu dhimay Tirada Xilalka lagaga qaadi karo Maayiradda oo Hurdada u diiday Maayirada Berbera, Gabiley iyo Hargeysa + Dalabyo Laalush oo ay u Bandhiigeen Wasiir Maxamed Kaahin oo Ay Guul-darro kala huleeleen+ Soltelco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeerkii Wakiiladdu Ansixiyeen ee lagu dhimay Tirada Xilalka lagaga qaadi karo Maayiradda oo Hurdada u diiday Maayirada Berbera, Gabiley iyo Hargeysa + Dalabyo Laalush oo ay u Bandhiigeen Wasiir Maxamed Kaahin oo Ay Guul-darro kala huleeleen+ Soltelco Madaxtooyada Micin-biday+Cidin oo Xaga Xididnimada kasoo Maray Wasiirka Iyo Maxamed Aamin oo la Waayey Meel uu Jaan-dhigay
Hargeysa(Xogreebnews)-Maayirada Magaalooyinka Berbera, Gabiley iyo Hargeysa, ayaa saska qaaday Xeer ay 21-kii bishan ansixiyeen golaha Wakiiladda Jamhuuriyadd Somaliland, kaasoo nuxurkiisu ahaa in Maayirada xilka lagaga qaadi karo Cod hal-dheeri ah, halka markii hore uu ahaa in lagu bedeli karo Cod u dhigma laba meelood golaha uu Xukumo Maayirku.
Xeerkan cusub oo dhaqan-gal ah, ayaa hurdada u diiday saddexdaas Maayir oo cabsi ka qaba ama aan kalsooni ka haysan golayaasha ay Xukuman iyo kalsoonida shacabka midna.
Ma jiro War kasoo baxay maayiradan, hase-yeeshe Warar u dhuun-daloola dhaqdhaqaaqyada sadexdaas Maasir, ayaa daaha ka fayday inay gooni-gooni ula kulmeen Maayiraddu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin. Waxana wararku intaa raaciyeen inay Wasiirka Maayiraddu kala hadleen inaanu aqbalin wax mooshin ah oo ka dhana iyaga xilkooda.
Maayiradda laftooda waxa uu mid kastaaba goonidiisa wasiirka usoo bandhigay waxyaabo uu ku kasbanaayo, hadday dhaqaale tahay iyo hadii ay tahay mid kaleba. Dhinaca kale dalabyadaas, ayuu wasiirku sida la sheegay ganafka ku dhuftay, isagoo sida iluhu tilmaameen ku dooday inaanu wax sharci ah ka diffaaci Karin, wallow ay saddexda maayirba xata wasiirka usoo bandhigeen inay shaqsi shaqsi kaalin wayn uga ciyaareen oloollihii Xisbiga Kulmiye dalka taladiisa mar kale ku qabtay.
Maayiradan werwerka xoogani lasoo dersay, ayaa la sheegay inuu midba jiho u dhaqaqay markii ay waji-gabax iyo kalsooni ka waayeen wasiirka arrimaha gudaha, tusaale ahaan Maayirka caasimaddu Mr. Soltelco waxa uu madaxtooyadda u kaxaystay ashkhaas ay si weyn Madaxweynaha isugu dhow-dhow yihiin, waxanu Madaxweynaha ka doonay in la hor istaago waxkastaa oo ka dhan ah mansabka uu hayo. Walow aanay wararku faahfaahin in laga aqbalay Codsigiisii Maayir Soltelco.
Halka Maayirka Magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin uu isaggu Odayaal Beeshiisa ah u diray Wasiirka arrimaha gudaha oo ay Xidid yihiin,  si ay odayaashi wasiir Maxamed Kaahin ugu qanciyan inuu Maayir Cidin gar iyo gardaro labada ku garab galo wixii kasoo horjeedana uu uga difaaco, walow wasiiirku la sheegay inuu ka aqbalay Md. Cabdishakuur cidin iyo odayaashiisa codsigoodii. Balse wararka ay heshay Shabakada Xogreebnews.com ma sheegin meel uu jaan iyo cidhib dhigay Maayirka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi.
La soco wixii kasoo kordha..



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured