Shirkadda Sagal-jet Waxay Baal Dahab ah kaga Jirtaa Soo Nooleynta Afka Soomaliga iyo Dhaxalka Taarikhda Haldooradii Bulshada, Siyaasi iyo Gabayaaba Kumanaan Buug ayey Daabaceen

0
Wednesday January 10, 2018 - 04:00:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1881
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Sagal-jet Waxay Baal Dahab ah kaga Jirtaa Soo Nooleynta Afka Soomaliga iyo Dhaxalka Taarikhda Haldooradii Bulshada, Siyaasi iyo Gabayaaba Kumanaan Buug ayey Daabaceen

    Shirkadda Sagal-jet Waxay Baal Dahab ah kaga Jirtaa Soo Nooleynta Afka Soomaliga iyo Dhaxalka Taarikhda Haldooradii Bulshada, Siyaasi iyo Gabayaaba Kumanaan Buug ayey Daabaceen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Sagal-jet Waxay Baal Dahab ah kaga Jirtaa Soo Nooleynta Afka Soomaliga iyo Dhaxalka Taarikhda Haldooradii Bulshada, Siyaasi iyo Gabayaaba Kumanaan Buug ayey Daabaceen

Hargeysa(Xogreebnews)-Shirkadda Sagal-jet, waa mid ku shaqeysaa Farsamada casriga ahi ee aduunku waxku daabacdo, waxay jirtaa muddo ilaa 10-sanno ah, taasoo samaysay horumar iyo qaan-gaadhnimo ay dheeratay inta lamid ah, sidoo kale waxay Somaliland kusoo kordhisay, xadaarad iyo ilbaxnimo aan hore uga jirin. Shirkadda Sagal-jet waxay sahashay inay dalka keento adeegyo kor-u-qaaday ganacsiga heer walbaa oo u yahay, iyaddoo lagaga maarmay in dalal shishiiyee loo doonto adeega daabacada casriga ah.

Shirkadda Sagal-jet waxa ay daabacdaa Boodhadhka ugu bilicda san ee Meheradaha ganacsi ee Somaliland oo dhan, waana shirkadda loogu isticmaalka badan yahay dalka, sababta ay u kasbatay qulubta ganacsatada iyo shacabka Somaliland, waxa lagu tilmaama inay tahay xadaarad, shaqo wanaag iyo ilbaxnimo ganacsi oo ay dheer tahay taakuleynta dadweynaha ama garab-qabashadooda. Sagal-jet waxa ay qabataa adeegto waxtarkooda aan la qiyaasi Karin, waxanay qaybka tahay ama qurxisaa hanaanka shaqo ee Hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa dawliga ahba, iyaddoo dalka kusoo kordhisay adeegyo kor-u-qaadaya nidaamka aqoonsiga shaqo ee qof walbaa.

Haddaba, iyadoo ay badan yihiin adeegyada lagu badhaadhay ee Shirkadda Sagal-jet bulshada u qabato, ayaa waxan jeclaystay inaan Maanta qormadan kusoo qaadano, waxtarka ugu weyn ee ay Shirkadda Sagal-jet ugu deeqdo Taarikhda iyo dhaxalka Haldoorkii Umadda Soomaaliyeed, hadday tahay Siyaasi, hadday Tahay Abwaan iyo hadii uu yahay shaqsi ka shaqeeya arrimaha bulshada. Shirkadda Sagal-jet waxa ay caanku tahay daabacadda Buugaagta, kuwasoo lagu soo ururiyey Suugaantii ay lahaayeen labeenta Abwaaniinta Soomaaliyeed, iyadoo xilliyo kala duwan Shirkadda Sagal-jet daah-fur soo bandhigistooda u samaysay. Sidoo kale Buugagta Shirkadda Sagal-jet soo bandhigtaa kuma koobnaa Suuganta ama gabayada oo kaliya, waxa kaloo kamid ah dhaxal iyo taarikhda Siyaasiyiinta ama haldoorkii Umaddu lahaayeen.

Bugaagta Shirkadda Sagal-jet daabacdo, isla markaana la kaashato aqoonyahanka dalka ama dadka ururiya dhaxalka Taarikhda Umadda qaybaheeda kala duwan ee haldoorku, Bugaagta ay qoreen waa kuwo aad u tiro badan, balse waxaynu halkan kusoo bandhigeynaa Buugaag badan oo ay daabacday Shirkadda Sagal-jet, waxana kamid ah. buug laga qoray taariikhdii rabbi naxariistii Janno ha ka waraabiyee marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxa kaloo kamid ah, oo ay Shirkadda Sagal-jet daabacday Buug Laga Qoray Ibraahin Maygaag Samatar, oo ahaa dadka dhaxalkooda Siyaasiga ah wax laga baranaayo. Waxa kaloo ay Shirkadda Sagal-jet daabacday Buug uu qoray aqoonyahan Maxamed Cali Bile, oo isna kamid ah aqoonyahanka maskaxda furan, waxa kaloo kamid ah Buugaagta ay daabacday Shirkadda Sagal-jet Laba buug oo ay qoreen Laba hablood oo kala ah Nada Yuusuf Cumar Iyo Muna Axmed Cumar, kuwasoo arrimaha bulshada lagaga faallooday.

Waxa kaloo kamid mid ah, adeegyada ay bulshada ka kafaalo qaaday shirkada Waddaniga ah ee Sagal-jet, soo nooleynta afka Soomaaliga iyo qoraalada taarikhiga ah, waxanay Shirkadda Daabacaadda SAGAL JET sannaadkii tagay 100 Buug Ugu Deeqday Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaacil Cumar Geele. Intaasoo kaliya kuma koobnaa Buugaagta ay Daabacdo Shirkadda Sagal-jet, hase-yeeshee tiro iyo cadad toona ma lahaa, waxana kamid ah kumaankun Buug oo kala duwan, waxanaynu kasooo qaadan karnaa Buugaagta ay daabacday shirkada Sagal jet, Buug laga qoray taariikhda Xaaji Cabdi waraabe, Buug laga qoray Faarax Oomaar, Buug laga qoray Maxamuud Axmed Cali, Buug laga qoray Gab-yaagii weynaa ee caanka ka ahaa geyiga Soomaaliyeed Ilahay ha u naxariistee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), waxa kaloo kamid ahaa Buug laga qoray Abwaan Ibraahim Gadhle, waxa kaloo kamid ahaa Buug laga qoray Abwaan Cabdi Qays, waxa kaloo kamid ahaa Buug laga qoray Abwaan Xasan Ganay iyo kuwo kale oo badan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured