Waayo aragnimo la'aantu waa cudurka ugu weyn ee ku dhaca Hogaaminta.W/ Q barkhad-ladiif mohamed omar

0
Tuesday January 02, 2018 - 01:39:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waayo aragnimo la'aantu waa cudurka ugu weyn ee ku dhaca Hogaaminta.W/ Q barkhad-ladiif mohamed omar

    Waayo aragnimo la'aantu waa cudurka ugu weyn ee ku dhaca Hogaaminta.W/ Q barkhad-ladiif mohamed omar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waayo aragnimo la'aantu waa cudurka ugu weyn ee ku dhaca Hogaaminta.W/ Q barkhad-ladiif mohamed omar
Dhowaan ayey ahayd markii gudoomiyaha hay’adda shaqaaluhu shaaciyey in loo baahan yahay 21 qof oo shaqayn doonna muddo laba bilood ah, Kuwaas oo fulin doonna mashruuca madax taabashada shaqaalaha dawladda ee la filayo inuu qabsoomo toddobaatanka cisho ee soo socda.
Waxa goboladda oo dhan ka kala yimid dad lagu qiyaasay shan kun oo qof,kuwaas oo maanta imtixaankaasi u fadhiistay Jaamacadda Hargeysa, hadaba talaabadda uu Gudoomiyaha dhalinyarta ku shaaciyey 21 boos dalka xiisaynaya inay ka qayqaataan ay yimaadaan magaaladad Hargeysa, waxay ku keentay dhalinyartii shaqo doonka ee ku kala sugna gobolada dalka oo awalba la ciir ciirayey camal la’aanta waxay waajib kaga dhigtay odhaahda gudoomiyuhu inay yimaadaan caasimada Hargeysa.
Wiilka ama gabadha ka iminya Ceerigaabo ee usoo socdaalaya Hargeysa ugu yaraan waxay ku qaadatay in laba cisho gudahood uu soo gaadho magaaldad Hargeysa, arrintasi waa culays kale oo xagii wakhtiga ah, ugu yaraan Sodan dolar oo nooli ah ayaa kaga soo baxay muwaadinkii dhallinyarta ahaa ee awalba koobka shaaha ah wixii uu siisto aan haysan, inuu kaga jawaabo baaqa dadweynaha ee shaqada Hargeysa imtixaankeeda loo soo doonanayo.
Haddii aynu tusaale usoo qaadano gobolka Awdal ee ugu dhow caasimadda waxa Imtixaankan u yimid Hargeysa ugu yaraan 1,500 oo qof, kuwaas oo imaanshiyahooddu ku kacay dakhi dhan toddoba kun iyo shan boqol (1500 qof x 5 doolar oo nooli=7500 dollar ), marka ay noqdaana intaas in leeg ayaa ka baxaya 7500 dollar, marka la isku geeyana 15,000 doollar ayaa kharashka nooliga kaga baxday noqonaysa sii socod iyo soo socod, waxa iyaduna marag ma doon ah in kharashaadka kale ee nolol maalmeedkooda la xidhiidha sida Cuntadda, hurdadda, iyo kharashka yaryar ee la socda marka la isku geeyo ay ka badan doonaan kharashka ku kacay 15,000 dollar ee ahaa kharashkii kaga baxay Safarkii ay ku yimaadeen Hargeysa.
Haddii gobolka Awdal ee ugu dhowaa caasimadda Hargeysa uu kaga baxay kharash ku dhow labaatan kun oo dollar waxa is waydiin leh kharashaadka la xidhiidha kuwa aynu hore usoo sheegnay ee ka bixi kara guud ahaan da’yarta shaqo doonka ah ee ka soo jarmaaday goboladda Sanaag, Sool, Togdheer iyo Saaxil ????????.
Gudoomiye Sharmaarke Geelle wuu ku amaanan yahay naadinta si furan loogu tartamayo shaqaale dawladeed, balse waxa aanu taladda ku darsan in yeedhmadiisu ku kaliftay in aabayaasha iyo Hooyooyinka la daalaadhacaya nolosha ay aafeeyeen Sicir bararka, abaaraha iyo waayo nololeed ee qalafsan ay ku kaydin lahayd kharashaadka kumanaanka kun ee dollar ee kaga baxay shaqada ay usoo safrayaan Hargeysa. 
Maxa la gudboonnaa si aanu kharashkaasi uga bixin shaqo doonka goboladad fog fog jooga
Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha waxa la gudboon inuu u kala jajabiyo shanta gobol marka laga reebo caasimadda gobol walba saddex xubnood ay ku tartamaan, isla caasimadda gobolkoodda (5x3=15) oo gobol walba saddex boos loogu tartamo oo saddex qof ee ugu sareeya la qaato, halka 6-da qof ee  soo hadhay la siin lahaa dhalinyarada ku nool caasimada Hargeysa oo ah gobolka ay ku nool yihiin tiradda  u badan ee shaqo raadiska ahi.
Guntii iyo gabogabaddii, caadifadda iyo qiiradda ayaa waxay astaan u tahay dhalinyaradda ku cusub hogaaminta dawliga ah, sideedana waxa sunne ah marka hogaamiye ummadeed oo loo xil saaray shaqo aad doonayso inaad go’aan qaadato inaad talada ka qaybgaliso ruug cadaaga iyo waayo araga ku hareeraysan xafiiska aad masuulka ka tahay.
Gudoomiye sharmaarke Geelle waxa hareero buuxa ruug cadaa muwaadiniin ah oo soo shaqaynayey tan iyo markii qaranka dhidibada loo taagay balse talaabadiisani waxay u muuqata mid ka aradan la tashi la’aan uu ku hogaaminayo hay’adda qarankan uga masuulka ah shaqo galinta dhalinyarada Somaliland.
Ugu dambeyntii xaajadan ka qaloocantay gudoomiyaha hay;adda shaqaaluhu waxay ku soo beegmaysa wakhtigan da’yarta Somaliland ee u codeeyey isbedelka xisbiga KULMIYE, isla markaana dhalisay guusha madaxweyne Muuse Biixi oo turtaba u muuqda hogaamiye rajo badan ka qaba isla markaana aaminsan in dhalinyaradda lagu ababiyo hogaaminta dawliga ah, hadaba waxay su’aal dul dhigaysa qalinka la filayo in madaxweyne Muuse u magacaabo dhalinyar ku cusub saaxadda siyaasadda Somaliland.
Fursadan la siiyey gudoomiye Sharmaarke waa fursad la siiyey guud ahaan dhalinyarta Somaliland, talaabo kasta oo u u qaaday dhanka wanaagsan waa mid amaan iyo wanaag u ah taariikhda dambe ee laga qabo dhalinyartu inay ka qaybqaataan hogaaminta qaranka, sidoo kale talaabo kasta oo ka qaloocatay waxay iyana bar madow ku tahay  dhalinyaradda hamigoodu yahay inay ka qaybqaataan hogaaminta qarankan curdinka ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured