Fadeexad: Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland Sharmarke Geelle oo Marin-habaabiyey Ujeedada Kulan Dhex-maray Madaxweynaha Cusub iyo Dhaqano Ugubku ah Siyaasada Dawladda oo u kusoo Kordhiyey dalka

0
Sunday December 24, 2017 - 02:45:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2038
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad: Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland Sharmarke Geelle oo Marin-habaabiyey Ujeedada Kulan Dhex-maray Madaxweynaha Cusub iyo Dhaqano Ugubku ah Siyaasada Dawladda oo u kusoo Kordhiyey dalka

    Fadeexad: Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland Sharmarke Geelle oo Marin-habaabiyey Ujeedada Kulan Dhex-maray Madaxweynaha Cusub iyo Dhaqano Ugubku ah Siyaasada Dawladda oo u kusoo Kordhiyey dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexad: Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland Sharmarke Geelle oo Marin-habaabiyey Ujeedada Kulan Dhex-maray Madaxweynaha Cusub iyo Dhaqano Ugubku ah Siyaasada Dawladda oo u kusoo Kordhiyey dalka
Hargeysa(Xogreebnews)-Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland Sharmarke Geelle, ayaa dhaqan guracan oo ugub ah kusoo kordhiyey siyaasada dalka iyo nidaamka dawladnimo,  kaasoo saddexdii todobaad ee u dambeeyey hantidii umadda ku fan-gareynaaya Amaan dhalanteed ah oo la xidhiidha shaqsiyadiisa. Waxanu dhaqaale aad u badan ku bixiyey Been abuur iyo borobagaando lagu amaanayo oo la baahinayo, isla markaana lagu faafinayo in Gudoomiyaha Hay'adda shaqaalaha Madaxweynaha cusub Muuse Biixi Cabdi aanu bedelin ama ku samayn xilka qaadis.
Gudoomiye Sharmarke oo hore gacan-yare ugu ahaa Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, isla markaana aan mudadii hore tacab iyo talo midna gashan Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa samaystay kooxo iskugu jira Dhalinyaro oo hantidii ku siinaya "i Amaan" iyo xubno Weriyaal ah, kuwasoo baraha bulshaddu ku xidhiidho ee 'Facebook' ku baahinayey fariimo nuxurkoodu ahaa Madaxweyne Ha bedelin Gudoomiye Sharmarke iyo wax la mid ah.
Hase-yeeshee waxay tahay falka ugu cajiibsaa ee u soo maleegay Gudoomiyaha Hay"adda shaqaalaha Dawladdu, oo runtii Fadeexad laf jab ah ku ahaa Madaxweynaha cusub Muuse Biixi, kaddib markii Sabtidi doraad kulan uu la qaatay Madaxweyne Biixi guddida sare ee Hayada shaqalaha dawladda oo sharmarkena ka yahay Gudoomiyaha, kulankaas oo Madaxweynuhu guddida Hayadda shaqaalaha kala hadlaayey arrimo qaran iyo shaqaaleynta dawlada, hakinta muddo kooban.
Ayaa waxa layaabka leh waxa uu yahay, inuu Gudoomiyaha Hay"adda shaqaaluhuu uu marin habaabiyey nuxurka kulankoodii Madaxweynaha, isagoo gacan-yarayaashiisa uu hantida umadda siiyo Xalay ilaa shalay baahinayeen in Madaxweyne Muuse Biixi u damaanad qaaday inaanu bedelayn Gudoomiyaha Hayada shaqaala Mr. Sharmarke yare.
Arrinkaas oo baadhis dheer ay shabakadda Warbaahinta Xogreebnews.com ku samaysay, lagu oggaaday inaan kulankaa uu la qaatay Madaxweynaha cusubi Gudoomiyaha Hayadda shaqaalaha, marna aan lagaga hadal inuu madaxweyne Muuse Biixi u daynaayo mansabka, balse lagaga hadlay masuuliyada iyo shaqada uu hayo iyo weliba amar uu faray Madaxweynuhuu.
Si kastaba ha ahaatee, Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland Sharmarke Geelle, oo muddo hayey xilka, ayaa ku fashilmay shaqadii uu qaranka u hayey, kasoo kaga mashquulay Guulwadeynta Madaxtooyadii hore khaasatana Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi, isagoo intii Xukuumadan cusubi timina shaqo ka dhigtay faafinta warar la xidhiidha borobagaando amaantiisa ah iyo codsiyo Madaxweynaha cusub lagaga codsanaayo inuu xilka u daayo Md. Sharmarke. La soco xogo iftiimin doonaa faashil iyo musuq-maasuqa Gudoomiye Sharmarke iyo weliba hab-dhaqanada guracan ee soo kordhiyey.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured