Ururka Suxufiyiinta Gabiley oo si Kulul u Cambaareeyey Xadhiga Wariye Jimcaale Dayib Cali oo Seddex Maalmood Sharci Darro ugu Xidhay Magaalada Gabiley.

0
Monday December 11, 2017 - 18:22:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Suxufiyiinta Gabiley oo si Kulul u Cambaareeyey Xadhiga Wariye Jimcaale Dayib Cali oo Seddex Maalmood Sharci Darro ugu Xidhay Magaalada Gabiley.

    Ururka Suxufiyiinta Gabiley oo si Kulul u Cambaareeyey Xadhiga Wariye Jimcaale Dayib Cali oo Seddex Maalmood Sharci Darro ugu Xidhay Magaalada Gabiley.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Suxufiyiinta Gabiley oo si Kulul u Cambaareeyey Xadhiga Wariye Jimcaale Dayib Cali oo Seddex Maalmood Sharci Darro ugu Xidhay Magaalada Gabiley.
Hargeisa (Xogreebnews) Wariye Jimcaale Dayib Cali oo ka Tirsan Bahda Warbaahinta Shabakada Haldoornews.com ayaa Muddo Seddex Maalmood ah Sifo Sharci Darro ah ugu Xidhan Magaalada Gabiley.
Wariyaha oo Safar Khaas ah ku Tagay Gabiley ayaa lagu Xidhay Xabsiga magaalada Gabiley waxaana Maanta loo Gudbiyey Jeelka Wayn ee Degmada iyada oo aan Wax waaran ah Loo keenin isla markaana Boolisku Awood u isticmaalay Xadhiga Wariyahan.
Xeer Ilaalinta Gobolka oo aanu wax ka Waydiinay Xadhiga Wariye Jimcaale Dayib Cali ayaa Noo sheegay in uu uxidhanyahay Maayarka Gabiley oo Booliska Amray in la qabto.
Lama garanayo illaa hadda Dacwada Loo haysto balse ilo ku dhaw Booliska Gabiley ayaa Warbaahinta u sheegay in loo Haysto Website-yo uu Sameeyey oo Daabacay maqaalo Dhaliilo loo jeediyey Dawlada Hoose ee Gabiley.
Maayarka Gabiley ayaa hore Heshiis Cabudhinaya Saaxafada uga Sexeexay Wariyeyaasha Gabiley kuwaasi oo lagula Nuxurkiisy ahaa in aanay Wax dhaliil iyo Tabasho bulsho Toona ka Gudbin Karin Maayarka Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Dheere isaguna Wararka oo lacagtooda siin doono markay ay Sexeexaan.
Wariyaha oo aanu ku Booqanay Saldhiga Gabiley ka hor intaan loo Gudbin jeelka wayn ayaa noo Sheegay in uu Sameeyo Website-yada isla markaana isagu yahay (Web Designer) sidaa Awgeed Warbaahinta gabiley iyo Kuwa somalidaba usameeyey Website-yo badan oo ay ka soo Dalbadeen dhawr sanno ka hor, isaga oo Xusay in Qofka Websiteka loo sameeyey iskaa leeyahay wixii ka yimaada Masuuliyadiisa maadaama oo uu isagu iibsaday Mulkiyadiisana leeyahay.
Wariyahan oo ka mid ahaa Macalimiinta (Trainers) Saxaafada Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeisa isla markaana ka mid ahaa Farsamo yaqaanada Tv-yo ka Hawlgala Wadanka, sidoo kalena ahaa Agaasimaha Shabakada Haldoornews ayaa Xadhigiisu kusoo Beegmayaa Xili kala Guur ah oo laba Xukuumadood Xilka la kala Wareegayaan.
 
Bahda Suxufiyiinta Somaliland ayaa Cambaareeyay Xadhiga Wariyaha oo aan loo marin Sifii Sharcigu lahaa oo Loo Qabtay sidii Qof wax Dilay oo kale.


Ururka Suxufiyiinta Gabiley



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured