Xeer-ilaaliyaha Guud Qaranka Xadgudubyada Iyo ku Tumashada Sharciyada Dalka Ma Aqoon-daraa ka haysa Mise waa U kas xeer-Ku Tumasho ?

0
Monday December 11, 2017 - 00:47:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1030
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeer-ilaaliyaha Guud Qaranka Xadgudubyada Iyo ku Tumashada Sharciyada Dalka Ma Aqoon-daraa ka haysa Mise waa U kas xeer-Ku Tumasho ?

    Xeer-ilaaliyaha Guud Qaranka Xadgudubyada Iyo ku Tumashada Sharciyada Dalka Ma Aqoon-daraa ka haysa Mise waa U kas xeer-Ku Tumasho ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer-ilaaliyaha Guud Qaranka Xadgudubyada Iyo ku Tumashada Sharciyada Dalka Ma Aqoon-daraa ka haysa Mise waa U kas xeer-Ku Tumasho ?
Xal u Helidda Cadaalad-daradda Somaliland ka jirta , waa mid u wadda taal dhammaan Somaliland-ta degta inta u dhaxeysa Lowyacadde & Yoocadda, taasi oo inta badan dadka Somaliland waxay dhibaatada dalka ka jirta dhamaanteed dusha ka saaraan Maxkamadaha . Hadaba Dadweynaha Somaliland ayaa si cad ugu eedeeyay, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka . inuu ku-xigeenka xeer ilaliyayaasha Goboladda inuu faro-gelin toos ah ku hayo gaar ahaan shaqadoodda xeerku siiyey.
Xeer-ilaaliyaha Guud Qaranka Mr. Xasan Axmed Aadan ayaa xilka qaranka waxaa loo magacaabay markii uu tallaada dalka la wareegay, Madaxweyne Siilaanyo. kuma uu imaan Aqoon ama Karti-shaqo oo uu hore u lahaa, hase-yeeshee Waxa uu mansabkaa qaran ku helay hab qabiil ama saami Beeleed ku dhisan.
Waxaa jirta in maanta Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mr. Xasan Axmed Aadan uu shaqadda Qaran ee xilkeedda uu sito ka dhigtay , mid sida uu doonayo ugu xad-gudba sharciyadda wadanka iyo muwaadiniinta S/landba.
Waxyaalaha la yaabka leh ee uu si cad uu u garab-maray. Xeer ilaaliyaha Guud. Waxaa ka midda Qaynuunka denbi-oogista Maxkamaddaha Goboladda iyo Rafcaanka oo sifo baal-marsan : In kiis cad oo ay markhaatiyaal badan ay fureen . ayna goob-joog yihiin dhibanayaashii . Inay ka shaqeyn Kari waayaan ku-xigeenadiisii oo uu leeyahay waxii aan anigu doono ayaa soconaaya (Sidaasina kiiska waa inaad u oogtaan). oo uu faraha kula jiro Madax-banaanidda kiisaska . taasi oo ku qaldan hab dhaqanka sharci iyo cadaaladdaba. sidoo kale Hab-socodkii kiisaska oo ay iyagana ragaadinayaan.
Tani waddo cusub ayay noqon doontaa oo sameyn taban ku yeelaysa Cadaaladda iyo Nabadgel-yadda oo dhan saamayn doonta haddii aan laga hor-tegin: Waxaase isa-weydiin mudan : Xeer-ilaaliyaha Guud wax awood ah ma u leeyahay inuu si sharci-daro u fara-geliyo shaqadda Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaasha iyo in Sharciga dalka u yaal uu ku tunto ? Waxaa is-weydiin leh xeer ilaaliyaha Qaranka ma jaahil ayuu ka yahay xeerarka iyo qaynuunadda dalka u yaalla mise waa u kasay.
Sida Muuqata Mr. Xasan Axmed Aadan magaca uu Qaranka u hayo waa xeer ilaaliyaha guud . Shaqadiisu waa Danbi-Oogis ama Xeer- ilaaliye. Waxaa hoos yimaadda isaga . Ku xigeenadda Xeer ilaaliyaasha Goboladda . Iyaddoo ay sidaasi tahay dadka muwaadiinta ee la soo eedayaa waxay u baahan-yihiin Cadaalad dhaba , looma baahna hab laga dareemayo far-gelin iyo inay sifo sharci daro ku tahay isaga. ama qof denbi galay inuu soo fara-geliyo Xeer ilaaliyaha Guud oo uu ku khasbo Xeer ilaaliyaal ku xigeenadda inay difacaan Denbilayaal uu isagu dan ka leeyahay ama doonayo inay ka duwaan danbiyo ku cadaaday siiba kiisaska xasaasiga ee dilku ugu horeeyo . isla-markaana uu u caga-jugleeyo Markhaatiyadda dhabta iyo dadka dhibanayaasha ee dilka loo geystay. isagoo u sii maraaya ku xigeenka xeer-ilaaliyaha ee kiiskaasi denbi oogaha ka ah. oo isaga hoos yimaadda sharci ahaan.
Madexweynaha Cusub Mudane Muuse Biixi Cabdi , waxaad aad Barmaamij-siyaasaddeedkii Xisbiga Kulmiye ku gashay Ololaha Doorashada , oo ka mid ahaa, Wax ka qabashada Cadaalad-daradda ka jirtay Maxkamadaha Bulshada loogu Gar-qaado iyo habka ay xeer ilaalintu denbiga u oogantaba. , iyadoo dhowr jeer intii xukuumadda Kulmiye xilka haysay isbedelo sameysay. sida  Gud. Maxkamadda Sare Prof Adan Xaaji Cali oo la magaacabay badhtankii sanadkii 2015 . sida waafaqsan qodobka 105 ee distoorka Somaliland. sidoo kale ay ansixiyeen labadda Golle JSL. Gudoomiyaha Maxkamadda Sare . ayaa ku guuleystay arimo badan dhinaca garsoorka ah , isagoo guul ka gaadhay . mudaddii koobnayd ee 2sano iyo badhka ahayd ee uu xilakaasi ku magacownaa. waxuuna qaaday talaabooyin qasdigoodu daaran-yahay , dib u habaynta Caddaaladda iyo Hay’addaha ka shaqeeya.l akiin marna hoos looma eegin Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. halka danbiyadda laga soo oogo .
Hadaba Md madaxweyne Xeer ilaaliyaha guud wuu leexiyey habkii cadaaladda Somaliland gaar ahaana kiisaska dilka . Waxaana ay umaddu kaaga baahan-tahay In aad u hiiliso . oo ay helaan Xeer –ilaaliye guud oo Qaran oo cadaaliya aqoon sharcina leh. si loo suuliyo ficiladda xad-gudubka ee uu kiisaska uu ku hayo. Lana helo Madax-bananidda Garsoorka . Ku-dhaqanka sharciga iyo kalsoonida shacabka Somaliland ku qabaan hanaanka cadaladeed oo Garsoor. Si ay hawshoodda u gutaan Ku-Xigeenadda Xeer-ilaaliyaasha Goboladdu .Taasi oo ku qotanta hab dhexdhexaadnimo ku sifeysan.
Madaxweyne cusub Mudane Muuse Biixi :  Waxaan Ka Codsanayaa inuu soo Magacaabo: Rag dhalinyaro ah oo Aqoon leh, kuna dhaqmaaya shuruucda iyo qaynuunadda dalka u yaalla, sida Gudoomiyaha Maxkaamda Sare . Pro Aadan X Cali Axmed. waxa’se nasiib darro ah inuu weli meesha sii joogo shaqsi (Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka) Cadaalada caqabad ku ah.
W/Q: Garyaqaan Siciid Wersame Ali



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured