Fadeexad weyn: Dhacdooyin Muujinaya Hanti-Boob Iyo Musuq-Maasuqii Ugu Cuslaa Abid Uu Saddexdii Sanno Ee U Dambeeyay Dalka Ka Dhacay Iyo Shirkado Ganacsi Oo La Ogaaday

0
Saturday December 02, 2017 - 18:16:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad weyn: Dhacdooyin Muujinaya Hanti-Boob Iyo Musuq-Maasuqii Ugu Cuslaa Abid Uu Saddexdii Sanno Ee U Dambeeyay Dalka Ka Dhacay Iyo Shirkado Ganacsi Oo La Ogaaday

    Dhacdooyin Muujinaya Hanti-Boob Iyo Musuq-Maasuqii Ugu Cuslaa Abid Uu Saddexdii Sanno Ee U Dambeeyay Dalka Ka Dhacay Iyo Shirkado Ganacsi Oo La Ogaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhacdooyin Muujinaya Hanti-Boob Iyo Musuq-Maasuqii Ugu Cuslaa Abid Uu Saddexdii Sanno Ee U Dambeeyay Dalka Ka Dhacay Iyo Shirkado Ganacsi Oo La Ogaaday

Hargeysa(Xogreebnews)-Iyadoo guud ahaan shacabka Reer Somaliland ay qabaan tuhuno musuq

maasuq oo ay Ku Kacday Xukuumadda Xilka ka degaysa ee Madaxweyne Siilaanyo wakhtigii ay Xukunka haysa,ayaa haddana Waxa soo baxaya Cadaymo Muujinaya oo marag unoqon kara Arimahaasi,waxaana jira Dhacdooyin hadda isasoo taraya oo muujinaya ama daaha ka rogaya Musuq Maasuq Baahsan,wax isdaba marin iyo hanti boob cad oo dalka ka dhacay Sannadadii u dambeeyay.

Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa tibaaxaya inay jiraan Wasaaraddo Xukuumadda ka tirsan oo huursanaya Daymo xad dhaaf ah kuwaasi oo maagan inay xil wareejinta Labada Madaxweyne ku soo daraan,iyadoo arintaasi baalmarsan tahay Amarkii Madaxweyne Siilanayo dhawaan uu faray Golihiisa Xukuumadda ee uu shirka aan caadiga ahayn ee Todobaadkii hore ugu sheegay inaanu jeclayn inuu dayn wareejiyo,isagoo sidoo kalena u sheegay in Masuulkii Xukuumaddiisa ka tirsan ee Wax dayn ah ah wareejiyaa uu isagu Tunka u ridan doono, arintaasi oo cabsi badan galisay Golaha wasiiradda iyo dhamaan Hay’addaha Dawlada,waxa uu sidoo kale go’aankaasi madaxweynuhu farxad galiyay Madaxweynaha ama Xukuumadda Xilka la wareegaysa oo ka cabsi qabtay dayn culus oo lagaga cararo.

 

Haddaba waxa hadda soo shaac baxaya arimo wal wal iyo Walaac leh,kuwaasi oo daaha ka rogay in Musuq maasuqii ugu badnaa uu dalka ka dhacay Saddexdii sanno ee u dambeeyay Xukunka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Waxa ay wararku sheegayaan inay jiraan Shirkado ganacsi oo dayn xad dhaaf ah sheeganaya kuwaasi si toos ah ugu lugleh ama uga qayb qaatay musuq maasuqaasi dalka ka dhacay sannadadii u dambeeyay oo la sheego in gacmo kale Faro galiyeen Xukunka Dalka,Shirkadahaasina waa kuwo caan ah oo si gaar ah loo garanayo islamarkaana si weyn uga dhex muuqday Mudooyinkii u dambeeyay Muraayada Dawlada.waxa sidoo kale jira in dhulkii danta guud ee Bannaanaan ama dad ay kujireen in dhamaan gacanta la sii mariyay bilihii u dambeeyay.waxaanay Xogohani iftiiminayaan in Lacag kor u dhaafaysa 90 Milyan oo dollar ay wareejinayso Xukuumadda Siilaanyo,arintaasi oo la doonayo inay Xukuumadda Cusubi ku jahawareerto Mudda xileedka Labada Sanno ee hore.

 

Arimaha ugu layaabka badan ee dhawaan bulshada hor iman doona ee Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa waxa ka mid ah Macrad qudha oo Gaadiidka lagu iibiyo oo kuyaala Magaalada Hargeysa oo sheeganaya Lacag Dayn ah oo cadadkeedu dhan yahay Lix Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah,arintaasi oo si weyn looga hadal hayo Madaxtooyadda iyo Xisbiga Kulmiye islamarkaana fajiciso ku riday dadkii maqlay ama soo arkay warqada Daynta ay ku sheegannayaan,waxa sidoo kale jira Wasiiro Xukuumadda ka tirsan oo tiradooda lagu sheegay Laba illaa saddex Wasiir,kuwaasi oo iyaguna dayn shaqsi ah oo malaayiin Doolar gaadhaysa sheeganaya,Waxaanay wararkani sheegayaan inay Wasiiraddani ku doodayaan inay jeebkooda lacagtaasi uga saareen qaranka oo ay ku bixiyeen hawl qaranka loo qabtay, waxaanay arintaasi taagan tahay oo la ogaan doonaa dayntan iyo kuwa kaleba Maalinta Xil Wareejinta ee ay Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynihii hore Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo xilka lakala wareegayaan oo ku beegan Bishan aan kujirno 13-keeda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured