Maareeyaha Mudada-yar Joogay Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo Ku Guuleystay Xalinta Khilaafyadii Wajiyada Badna+ Qorshaha Isla Jaan-qaadka labada Maamul ee Dekedda Iyo Guusha Madaxweynaha Cusub Muuse Biixi oo Kaalin weyn ka galay. W/Q Farxaan Guuleed Warsame

0
Saturday December 02, 2017 - 03:24:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Mudada-yar Joogay Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo Ku Guuleystay Xalinta Khilaafyadii Wajiyada Badna+ Qorshaha Isla Jaan-qaadka labada Maamul ee Dekedda Iyo Guusha Madaxweynaha Cusub Muuse Biixi oo Kaalin weyn ka galay. W/Q Farxaan Guuleed Warsame

    Maareeyaha Mudada-yar Joogay Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo Ku Guuleystay Xalinta Khilaafyadii Wajiyada Badna+ Qorshaha Isla Jaan-qaadka labada Maamul ee Dekedda Iyo Guusha Madaxweynaha Cusub Muuse Biixi oo Kaalin weyn ka galay. W/Q F

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Mudada-yar Joogay Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo Ku Guuleystay Xalinta Khilaafyadii Wajiyada Badna+ Qorshaha Isla Jaan-qaadka labada Maamul ee Dekedda Iyo Guusha Madaxweynaha Cusub Muuse Biixi oo Kaalin weyn ka galay. W/Q Farxaan Guuleed Warsame
Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa guulo waaweyn oo waxku ool ah, kasoo hooyey hawlihii shaqo ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland u igmaday, kasoo si daacad ah u gutay hanankii shaqo ee saxda ahaana kusoo celiyey Dekedda Berbera,  waxanu ku guuleystay ama Xaliyey dhamaan khilaafyo kala duwan, oo hore maaro loogu waayey, isla markaana albaabada u laabay shaqada Dekeda.
Maareeyaha faraca Somaliland maamusho ee Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu ku Guuleystay mashaakilad badan oo ay tahli kari waayeen masuuliyiintii isagga xilka uga horreeysay, Tusaale ahaan waxa uu soo af-jaray xiisado ama kacdoono maaradooda la waayey oo ragaadiyey shaqada Dekedda, kuwasoo kala ahaa sidan. Xalinta Khilaafkii Shaqaalaha Muruq-maalka Dekeda iyo Dp World ka dhex-taagnaa, khilaafkii kale ee isna cirka isku shareeray ee Bulshada Deeganka Saaxil ku diidanaayeen gacanku haynta DP World ee Dekedda Berbera, Shaqaaqadii iyo murankii albaabada u xidhay dekeda ee u dhexeeyey Ganacsatada dalka ee isticmaasha Dekedda iyo maamulka DP World, iyo sidoo kale arrimo ay Kamid yihiin Xuquuqda shaqaalaha dekeda, Tayeynta adeegga Dekedda, 
Isla jaan-qaadista maamulka DP World iyo Somaliland, ku Wada-shaqeynta heshiiskii la galay, dayactirka qalabkii hore ee Dekeda iyo mid cusub oo horraantiisi hadda timi, intii kale ee mashaaricda la fulinayey oo hadda jidka kusoo jirto.
Guulaha iyo waxqabadka noociisa aan weli hore loo arag, ee Maareeyaha faraca Somaliland ee Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ku tallaabsadday, ayaa lagu sheegay waxyaabaha u fudeydiyey, inuu daacad ka noqday gudashada waajibaadkiisa shaqo ee uu qaranka uga waakiil yahay.
Tusaale ahaan, arrinka xalinta shaqa joojintii Muruq-maalka Dekedda sida joogtada ah u sameyn jireen, xiligii hore waxa uu maareeyuhu ku dhammeeyey waqti yar oo kooban, iyaddoo arrimaha u fudeydiyey ay Kamid ahayd, inuu daacad ka ahaa, arrimaha, isla markaana aanu dhicna u xaglin, waxanu dul istaagay halka sartu ka qudhuntay ee is-faham waagu ka taagnaa. Waxanu aakhirkii ku får daamiyey inuu wax walbaa sidoodii caadiga ahayd kusoo dabaalo dedaal dheer, kaddibna waxa uu ku guuleystay in aanay dib isku taagin shaqo maalmeedkii Dekeddu.
Sidoo kale, waxa xusid mudan,  inuu Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, uu sabab u noqdo, yareeyntii ama soo af-jaradii xiisadii mucaaridnimada lahayd ee shacabka Somaliland ku diidanaayeen Shirkadda Maalgelinta ku samaynaysaa Dekedda Berbera ee Dp World, oo hadda maamusha Dekedaas. Iyadoo arrimaha maalgelinta ama dhismaha Dekedda cusub, hore loo hakiyey arimo ay Kamid ahaayeen doorashadii Madaxtooyadda ee dhowaan dalka ka qabsoontay.
Dhinaca kale, Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu Kamid ahaa shaqsiyaadkii ku suntanaa Guusha taariikhiga ah ee Xisbiga Kulmiye ku hantay tallada dalka markale, waxanu mudo dheer kala soo shaqeynaayey Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, inuu soo gaadho mansabkan qaranka laga hoggaamiyo, waxanu Kamid ahaa saaxiibada gacanta Midig ee Madaxweyne Muuse Biixi. La soco qaybta dambe
W/Q
Farxaan Guuleed Warsame.
Berbera /Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured