Guriga Madaxwaynaha La Doorta Muuse Biixi Cabdi Oo Ceeryoon Noqdey Iyo Ilaaladiisa Oo Uu Ku Amar Ku Siiyay Inaanay Usoo Deyn Wasiirada,Ku Xigeenada Iyo Agaasimayaasha Guud Ee Xilalka Ka Haya Xukuumadda Siilaanyo

0
Sunday November 26, 2017 - 18:58:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guriga Madaxwaynaha La Doorta Muuse Biixi Cabdi Oo Ceeryoon Noqdey Iyo Ilaaladiisa Oo Uu Ku Amar Ku Siiyay Inaanay Usoo Deyn Wasiirada,Ku Xigeenada Iyo Agaasimayaasha Guud Ee Xilalka Ka Haya Xukuumadda Siilaanyo

    Guriga Madaxwaynaha La Doorta Muuse Biixi Cabdi Oo Ceeryoon Noqdey Iyo Ilaaladiisa Oo Uu Ku Amar Ku Siiyay Inaanay Usoo Deyn Wasiirada,Ku Xigeenada Iyo Agaasimayaasha Guud Ee Xilalka Ka Haya Xukuumadda Siilaanyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guriga Madaxwaynaha La Doorta Muuse Biixi Cabdi Oo Ceeryoon Noqdey Iyo Ilaaladiisa Oo Uu Ku Amar Ku Siiyay Inaanay Usoo Deyn Wasiirada,Ku Xigeenada Iyo Agaasimayaasha Guud Ee Xilalka Ka Haya Xukuumadda Siilaanyo
Hargeysa-(Xogreebnews.com)-Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa amar adag ku soo rogay Golaha Wasiiradda Xukumadda Siilaayo waxaanu Madaxwaynaha la Doortay amarkiisa faray Illaaladiisa joogta guriga uu ka deggan yahay magaalada Hargaysa.
Muuse Biixi ayaa waxaa u faray in aan la soo deyn wasiiradda tirada badan ee buux dhaafiyay barxada gurigiisa kuwaas oo olole ugu jira siddii ay markale ugu mid noqon lahaayee Golaha Wasiiradda Xukumaddiisa.
madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi ayaa gurigiisa uu ka dagan yahay magaalada Hargeysa uu noqday ceeryoon isla markaana ay hor tuban yihiin siyaasiyiin,madax-dhaqameed iyo masuuliyiin xilal ka haya xukuumadda hadda xilka kasii degeysa ee uu gaadh wadeenka ka yahay madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo,waxaana dhammaantood ay doonayaan in lagu daro liiska xukuumadda cusub ee soo dhisi doono madaxwaynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi dhawaan Insha Allaah.
Waxaana xoguhu ay tibaaxeen in ilaalada gurigiisu ay celiyeen masuuliyiin kala duwan oo xilal ka haya xukumadda hadda xilka kasii dagaysa,kuwaas oo ay ku wargeliyeen inaanay u geli karin.
Madaxwaynaha cusub ee la doortay Muuse Biixi Cabdi ayaa xukuumadda uu so dhisi doono waxay bulshada Somaliland ay aad isku weydiinaysaa inay kamid ahaanayaan wasiiradda hadda xilalka ka haya xukuumadda iyo in uu soo magacaabi doono wajiyayaal siyaasadda ku cusub .
Guud ahaa waxaa amarkan ilaalada lagu faray in aanay u ogolaan waxii wasiir ah ee aan ballan ka haysan Madaxwaynaha la Doortay.
Arrinkan ayaa waxaa waji gabax badan ay ku noqonaysaa wasiiro badan oo ay saaxiibtimo dhawi ka dhaxaysay Muuse Biixi, kuwaas oo rajaynayay in ay markale ku soo noqdaan saaxada siyaasada.
Wali lama hubo wasiirada soo noqon doona ee ka tirsan haatan golaha wasiiradda Siilaayo Ee xilku ka sii dhammaanayo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured