Shaqsigii Ugu Musuq-maasuqa Badnaa Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Siilaanyo oo Madaxweyne Muuse Biixi ka Baryeya inuu u Magacaabo Xil Wasiirnimo....

0
Sunday November 26, 2017 - 18:10:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqsigii Ugu Musuq-maasuqa Badnaa Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Siilaanyo oo Madaxweyne Muuse Biixi ka Baryeya inuu u Magacaabo Xil Wasiirnimo....

    Shaqsigii Ugu Musuq-maasuqa Badnaa Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Siilaanyo oo Madaxweyne Muuse Biixi ka Baryeya inuu u Magacaabo Xil Wasiirnimo....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqsigii Ugu Musuq-maasuqa Badnaa Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Siilaanyo oo Madaxweyne Muuse Biixi ka Baryeya inuu u Magacaabo Xil Wasiirnimo....
Hargeysa(Xogreebnews)-Akhriste taxanihii hore waxaanu ku soo qaadanay mid ka mid ahaa xubnaha loogu neceb yahay xukuumadii wakhtigeedi dhamaaday ee Siilaanyo kaasi oo ahaa Wasiir Cadaaniga Ooya,maanta waxaan qalinka u qaatay waa wasiirka khatarta badan ee macdanta iyo tamarta oo la odhan karo waa midi jiifta oo halis ku ah dhaqaalaha iyo dawlad wanaaga,hore ayey soomaalidu ugu maah maahday"Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa, waadaadna dad u eki”. Dhaqanka wasiirka Macdanta iyo tamarta oo ahaa ninkii galaaftay wasiirkii ugu wanaagsanaa xukuumadii Siilaanyo bilowgeedii ee ahaa wasiirka maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi kadib markii wasiirka maaliyadu wakhtigaasi ku eedeeyey musuq maasuq iyadoo ay ka marag kacday baadhitaan kadib jariiradii afka dheeray ee HAATUF oo soo bandhigtay cadeymo buuxa oo ka marag kacayey in wasiirka macdanta iyo tamartu uu musuq weyn faraha kula jiro balse aakhrikii ilaa maanta oo aynu joogno oo ay taariikhdu tahay 11/26/2017 ay jariiradaasi u xidhan tahay wasiirka macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale,wakhtigaasi wasiirkii maaliyaddu ku eedeeyey wasiirka musuqa oo uu u dalbaday hanta dhawr ayuu wasiirka oo adeegsanayey awooda adeerkii Siilaanyo ka shaqadii ka eryey wasiirkii waxqabadka ee Xukuumadii Siilaanyo Eng Maxamed Xaashi Cilmi.


Hadaba khatarta weyn ee jirta ee umadda Somaliland meel kasta oo ay joogto wadnaha farta ku haysa waxa weeyi xubnihii loogu necbaa xukuumadda Siilaanyo ee wakhtigeedii dhamaaday oo quudaraynaya inay dib ugu soo noqdaan xukuumadda cusub ee dhawaan la filayo in uu ku dhawaaqo Madaxweynah cusub ee la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyadoo ay xusid mudan tahay in hadii Madaxweyne Muuse Soo celiyo wasiiradaasi inay sababi karto niyad jab weyn oo soo gaadha shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan oo rajo weyn ka qaba in uu madaxweyne Muuse Biixi Soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo sumcadii dawladnimo soo celin karta oo masuul looga dhigo dad sumcad weyn bulshada dhexdeeda ku leh.
Fadlan mudane madaxweyne umadda ku dooratay ha ku soo celinin xubnaha wasiirada ah ee umaddu nacday ee isla wakhtigan la joogo mashquuliyey gurigaaga iyagoo mid kasta uu xidhan tahay suudhkii ugu danbeeyey oo uu ka iibsaday hantida umadda isla markaana uu dharka u soo toshay inaad xil u magacawdo.Mudane Madaxweyne xubnahani waa qaar cadeystay maamul xumo iyo musuq maasuq hore ayey Soomaalidu ugu maah maahday "Abuur iyo waano ,abuur baa horreysey” mudane madaxweyne . Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha ayaa la yidhi ee ka fiirso xubnaha wasiirada cusub aad ka dhigayso.
La soco taxanaha danbe


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured