Xukuumad Noocee ah ayuu soo Dhisi Doonaa Madaxweyne Muuse Biixi?.

0
Sunday November 26, 2017 - 00:30:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1499
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumad Noocee ah ayuu soo Dhisi Doonaa Madaxweyne Muuse Biixi?.

    Xukuumad Noocee ah ayuu soo Dhisi Doonaa Madaxweyne Muuse Biixi?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumad Noocee ah ayuu soo Dhisi Doonaa Madaxweyne Muuse Biixi?.

Maalintii Taariikhdu ahayd 21/11/2017 aynu soo dhaafnay waxaa lagu dhawaaqay in dalka doorashaddii ka dhacday uu ku guulaystay isla-markaana codka kalsoonidda dadka uu helay Madaxweyne Muuse Biixi. kaasi oo Jamhuuriyadda S.land hogaamin doona 5-ta sano ee socota, Hadaba Dadka reer S.land iyo dhammaan dadyowga kale ee daneeya Arimaha S/land , Ayaa arinka keliya ee maskaxdoodda ka guuxaya yahay "Xukuumad noocee ah ayuu soo dhisi doonaa Madaxweyne Muuse Biixi? Ma waxuu soo dhisi doonaa xukuumad si dhab ah u shaqeyneysa, Ma dabooli kartaa baahidda Bulshadeena, Awood ma yeelan-kartaa ilaalinta danaha S.land Gudde iyo Dibadba, mise waxuu soo dhisi doonaa xukuumad magac u yaal ah?

Sidda aan la wadda soconno, Madaxweyne Siilaanyo markii ugu horaysay waxa uu soo dhisay xukuumad ka kooban 26 xubnood oo ahaa 20 wasiir iyo 6 wasiir-xigeeno . taasi oo markii danbe sababo jiray dartood ka dhigtay mid xadka ka baxday. aan sidaasi u fir-fircooneyn, si kastaba ha ahaatee Bisha December Madaxweyne Siilaanyo wuxuu wareejinayaa golle xukuumadeed oo ka kooban 70 xubnood.

Madaxweyne Muuse Biixi ilaa hadda wax-balanqaad rasmiya cidna umuu sameyn . haday noqon lahayd Raga xilalka haya . kuwa xisbigiisa kulmiye ka tirsan iyo Qurba-jooga dalka yimi. oo dhamaantood halgankii doorashadda kala qayb-galay. Sidoo kalena Beelaha S/land ayaanay iyaddana jirin balan-qaad la-midda oo uu iyagana u sameyey. kuwaasi oo gacan ka geystay kaambeynkii doorashadda madaxweynaha oo damac ka qaba xukuumadda cusub. dhamaantood ma jirto cid haysata kalsoonidda Madaxweynaha Cusub. lakiin iyo rajo ama sadaal badan oo ay ka qabaan in xil loo magaaci Doono.

Madaxweynaha cusub ee la doortay waxuu heli karaa hab u sahli kara . inay dowladiisu noqoto mid shaqeysa .isla-markaana inaanu kuba mash-quulin raali-gelinta cidkasta oo la soo shaqeysay. Madaama Madaxweyne: Muuse ayna jirin wax-balanqaadyo iyo caqabado horyaalla taasi oo u suurta-gelinaysa inuu dowlad kooban oo tayo leh soo dhiso iyo wejiyo cusub meesha ka saara kala qayb-sanaanta Bulshadda uu kaga tegay tartankii riiqda dheeraa ee Doorashadda Madaxtooyadda.

Si kasta ha ahatee .Madaxweynaha cusub maanta waxaa hortaal waraaq cad oon saxar lahayn,waxaa aad indhaha lagu hayaa xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo dhisi doono Madaxweyne Md. Muuse Biixi taasi oo hogaanmin-doonta Jamhuuriyadda Somaliland mudadda shanta sano ee soo socota. Iyaddoo looga fadhiyo xukuumad kooban oon ka badneyn 15 wasaaradood iyo wajiyo cusub ah. madaama dadka Somaliland oo ah runtii dad aad u nugul oo ay daashadeen Sicir-Barar iyo Abaaro Daba-dheeraaday . Waxayna dhibane u noqdeen Siyaasiyiin dano gaara leh.

Waxaan leeyahay Somaliland wax guul ah kuma gaadheyso sasabaadda Reer iyo shakhsi jaga-doon ah, oo aan wax qadiyad ah lahayn, isla-markaana adeegsanaya magac qabiil, si ay danahoodda gaarka ah ugu fushadaan, (Ujeedada hadalkan ma aha in loola jeedo dad ama shakhsi gaar ah, waa mushkilad caam ah oo ka jirta guud ahaan geyiga Somaliland, waxaanan u soo qaatay si caam ah).

Aad bay muhiim u tahay in Somaliland fahamto farqiga u dhexeeya ereyadda "Cadaalad, iyo U Dhamaansho. xilligan la joogo waxaynu u baahanahay xukuumad kooban oo aan tirro badneyn, tayo leh, kana kooban shakhsiyaad Aqoon u leh howsha loo igmaday, daacad u ah u shaqeynta S/land, CV-yadoodana ay nadiif yihiin dal iyo dibadba, lana shaqeyn kara Madxweyanaha cusub iyo saaxiibada S.land. Sidoo kale waa in meesha laga saaro xilalka badan oo aan loo baahnayn sida Wasiir dowlayaal . la-taliyaal iyo kuwa kale oo la-midda oo aan marnaba ka turjumeyn maslaxada umada Somaliland . Waa in la soo dhiso dowlad kooban oo dadka wax u qabata.

Waxaan Madaxweynaha la-doortay u soo jeedinayaa in aanay noqon xukuumadiisu "Raali-gelin ". ee ay noqoto Yaa wax qaban kara oo aqoonteeda leh . Dadweynaha reer somaliland waxaan leeyahay. mar labaad . Xukuumad tiro badan oo laga wada muuqdaa "Xukuumad tiro yar oo aqoonta uun qaadda" ayaa ka qiime badan taas ayaana Horumarku ku-jiraaye hala ogaado.

Isku soo wada xooriyoo, Madaxweyne Biixi xukuumadda ay dadweynuhu ka dhursugayaan ayaa noqon doonta tallo lagu liibaano oo Qaranka Horumar u horseedi karta . haddiiba aad soo dhisto xukuumad kooban oo tayo leh runtiina keeni karta in kalsoonida shacabka ay u hayaan Madaxweyne Biixi iyo dawladiisaba ay sii laba jibaarmi doonto. Waxaynu dhawrnaaba waa sidda xaalku noqdo , Ilaahay waxaynu uga baryaaynaa inuu Madaxweynaha Cusub u fududeeyo hawlahaa. Somalilandna Horumar & Nabad inooga dhigo markasta.

Adan Yusuf Elmi.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured