Xubnaha Bulshadu ugu Neceb-tahay Wasiiradii Siilaanyo oo Guclo Orod ugu Jiraa inay Madaxweynaha Cusub Muuse Biixi Shaasheeyan+ Shaqsiyaad aan Maqasha loo Dirteen oo Wasiirnimo Oloolle ugu Jira…

0
Saturday November 25, 2017 - 18:34:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubnaha Bulshadu ugu Neceb-tahay Wasiiradii Siilaanyo oo Guclo Orod ugu Jiraa inay Madaxweynaha Cusub Muuse Biixi Shaasheeyan+ Shaqsiyaad aan Maqasha loo Dirteen oo Wasiirnimo Oloolle ugu Jira…

    Xubnaha Bulshadu ugu Neceb-tahay Wasiiradii Siilaanyo oo Guclo Orod ugu Jiraa inay Madaxweynaha Cusub Muuse Biixi Shaasheeyan+ Shaqsiyaad aan Maqasha loo Dirteen oo Wasiirnimo Oloolle ugu Jira…

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubnaha Bulshadu ugu Neceb-tahay Wasiiradii Siilaanyo oo Guclo Orod ugu Jiraa inay Madaxweynaha Cusub Muuse Biixi Shaasheeyan+ Shaqsiyaad aan Maqasha loo Dirteen oo Wasiirnimo Oloolle ugu Jira…

Hargeysa(Xogreebnews)-Qaar ka mid ahaa golihii wasiiradii xukuumadda wakhtigeedii dhamaaday ee Siilaanyo ayaa waxay ahaayeen qaar umaddu nacday kadib marii ay ku kaceen maamulo xumo,qabyaalad,eex,anshax xumo weyn intaba ayey meel kasta oo bulshadu iskugu timaado aad ugu hadal hayn jireen dhaqamada liitada ee wasiiradaasi,hadaba maalin kasta wasiir ayaan jecelnahay in aanu badka soo dhigno si uu madaxweynaha cusub ee la doortay uu taxadar badan uga yeesho.

Wasiirka warfaafinta Mr Cadaani wuxuu ka mid yahay wasiiradda umaddu nacday eek u caanka ah dhaqan xumada,eexda iyo maamul xumada ka muuqata wasaaradda warfaafinta mudadii uu wasiirka ka ahaa,dadweynaha reer Somaliland oo iskugu jira Culimo waaweyn,madax dhaqmeedyo,aqoonyahano iyo dad badan oo indheer garad ah ayaa meel kasta ka hadal hayn jiray wasiirka warfaafinta MR Cadaani oo ku magac dheer Ooyaaye,sababtuna waa arimaha aan kor ku soo xusay oo uu ku caan yahay wasiir Cadaani.

Hadaba fariintan waxaan u qoray si uu madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu iskaga ilaaliyo Mr Cadaani in uu umadda ku soo celiyo madaama oo ay umaddu nacday,sidoo kale waa in uu Madaxweyne Muuse ka feejignaadaa guul wadeynta waalida ah ee uu ku caanka yahay Wasiirka Warfaafinta Mr Cadaani taasi oo xadka caadiga ah ka baxsan kadib isagoo caan ku ah in uu iska oohiyo,sidaasi agweed wasiir Cadaani ayaan wasiir Cadaani ku soo darnay liiska labaad ee wasiiradda la nacay ee umaddu ka raahiheysato markay maqasho ama aragto.

Soomaalida ayaa ku maah maahda Booraan Hadimo ha qodin hadii aad qodana ha dheereyn ku dhici doontaana mooye,marka Wasiir Cadaani dhaqan xumo uu la yimid ayuu ku muteystay inay umadu nacdo,sidaa awgeed mudane Madaxweyne umadda fadlan ha ku soo celin wasiir Cadaani oo ha ku soo darin golahaaga wasiiradda ee Cusub.

La soco taxanaha danbe




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured