Waa Maxay Faaidada Deegaanka Saaxil ugu Jirta Dhismaha Saldhiga Mileteri...?. Imaaraadka Oo Dhisme Madaar Ka Bilaabay Magaalada Berbera

0
Friday November 24, 2017 - 18:35:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1680
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Faaidada Deegaanka Saaxil ugu Jirta Dhismaha Saldhiga Mileteri...?. Imaaraadka Oo Dhisme Madaar Ka Bilaabay Magaalada Berbera

    Waa Maxay Faaidada Deegaanka Saaxil ugu Jirta Dhismaha Saldhiga Mileteri...?. Imaaraadka Oo Dhisme Madaar Ka Bilaabay Magaalada Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Maxay Faaidada Deegaanka Saaxil ugu Jirta Dhismaha Saldhiga Mileteri...?. Imaaraadka Oo Dhisme Madaar Ka Bilaabay Magaalada Berbera
Hargeysa(Xogreebnews) Kombaniga Divers Marine Contracting LLC ayaa magaalada Berbera ka bilaabay saldhig dhinaca badda ah oo dawladda Imaaraadka Carabtu dhisanayso. Shirkaddan dhinaca Injeernimada ku shaqaysa ayaa bilawday mashruucan oo bishii April lagu siiyay lacag gaadhaysa $90 Milyan. Agaasimaha maamulka Divers Group oo fadhigeedu yahay magaalada Sharjah ee Imaaraadka ayaa waraysi uu magaalada Dubai ku siiyay warbaahinta Bloomberg waxa uu sheegay in dekeddani saacidayso ama qayb ka tahay saldhiga Militari ee Imaaraadka lana dhammaystiri doono bisha June.


Saldhiggan dhinaca  badda ah waxa qayb ka ah 300 Mitir oo u samaysan qaabka xarafka L dhinaca barriga ah taas oo dhinaca ku haysa dekedda oo jooggeedu yahay 7 mitir taas oo kaabaysa Madaarka Militari ee la siiyay Imaaraadka, halkaas oo ay joogi doonan Maraakiibta ilaalinaysa Gacanka Cadmeed sida uu sheegay Madaxa shirkadda dhisaysa Mr Abdulla Darwish "Maaha deked ganacsi kaliya waa  Maraakiibta badda,” Sidaas ayuu yidhi Mr Darwish.

Warbaahinta Bloomberg waxay sheegtay in ay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo wasaaradda arrimaha dibada Imaaraadka u dirtay telefoonno iyo E-mail-lo si ay tafaasiil uga hesho dekeddan laakiin, aanay ka jawaabin.
Magaalada Berbera ayaa 260Km dhinaca Koonfur ka xigta Waddanka Yemen ee ciidamada Imaaraadka oo qayb ka ah isbahaysiga Sucuudigu kula dagaallamaan Xuutiyiinta


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured