Xad-gudubyada Cambaarta ku ah Ganacsiga Xorta ah iyo Is-dhex galka Bulsho ee Taageerayaasha Waddani Kula Kaceen Shirkad Ganacsiyeeda Sagal-jet... Been abuuro iyo Wanjalaado Markii Raad-kooda dib loo Raacay Waxba kama Jiraan noqday!!!.

0
Monday November 20, 2017 - 05:04:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xad-gudubyada Cambaarta ku ah Ganacsiga Xorta ah iyo Is-dhex galka Bulsho ee Taageerayaasha Waddani Kula Kaceen Shirkad Ganacsiyeeda Sagal-jet... Been abuuro iyo Wanjalaado Markii Raad-kooda dib loo Raacay Waxba kama Jiraan noqday!!!.

    Xad-gudubyada Cambaarta ku ah Ganacsiga Xorta ah iyo Is-dhex galka Bulsho ee Taageerayaasha Waddani Kula Kaceen Shirkad Ganacsiyeeda Sagal-jet... Been abuuro iyo Wanjalaado Markii Raad-kooda dib loo Raacay Waxba kama Jiraan noqday!!!.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xad-gudubyada Cambaarta ku ah Ganacsiga Xorta ah iyo Is-dhex galka Bulsho ee Taageerayaasha Waddani Kula Kaceen Shirkad Ganacsiyeeda Sagal-jet... Been abuuro iyo Wanjalaado Markii Raad-kooda dib loo Raacay Waxba kama Jiraan noqday!!!.
Hargeysa(Xogreebnews)-Waxay ahayd Tallaabo nooceedu ku cusub yahay geyiga Soomaaliyeed, falkii foosha xuma ee lagu weeraray, isla markaana lagu burburayey meherada Sagal-jet xafiiskeeda Magaaladda Burco, oo 15-kii Bishan Novomber, dadweyne Siyaasaddu madax-wareerisay oo gadoodsi burbur baaxad leh u gaysteen meheradaas Sagal-jet oo ah mid ka shaqaysa adeega daabacaada Boodhadhka iyo Istiikariska dalka. 
Dadweynaha la khalday, ayaa ku socday hubsiimo la'aan kuwasoo ay ka muuqatay cunsuriyad, ka dhan ah meheradan ganacsi ee Sagal-jet, waxanay burburiyeen agabkii yaalay, isla markaana biliqo baahsan kula kacay Goobtaas, kooxda falkan ku kacday, ayaa ahaa taageeraal ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, kuwasoo markii ay falkan foosha xun ku Kacayeen ka hor Warbaahinta ka daawaday masuuliiyin Xisbigooda Waddani ka tirsan oo sheegeyey in doorashadii aqalka Madaxtooyadda Xisbiga Kulmiye kaga shubtay, isla markaana uu waraaqo Foojeri ah soo daabacday Kulmiye, wallow aanay sheegin habeenkaas waraaqaha meesha lagu daabacay. Hase-yeeshee Kooxda falka cunsuriyadda ah ku kacday, ayaa caqligoodu siiyey inay sharkada Sagal-jet daabacday waraaqaha Foojeriga ah  ee Xisbigooda Waddani sheegayey. 
Gefka iyo gar-daradaa lagula kacay Goob-ganacsiyeeda sagal-jet oo ah mid ka madaxbanaan Siyaasad iyo wixii lamid ah, mahaa markii ugu horaysay ee reer Waddani gef badheedh ah oo aan geedna loogu soo gaban kula kaceen, hase-ahaatee tiraba dhawr jeer oo hore ayey falal kan Burco ka dhacay ka duwan ugula kaceen Sagal-jet. 
Waxana marar badan Warbaahinta Musharaxa Waddani Cabdiraxmaan Cirro baahisay Warar Been abuur ah oo lagula dagaalamaayo sharafta iyo karaamada Shirkada ganacsi ee Sagal-jet, kuwasoo nuxurkoodu ahaa dacaayado raqiisa oo aan sal iyo raad-toona lahayn. Sidoo kalena waxay xubnaha gacan-yarayaasha Musharaxa Waddani Cirro, xiliyo kala duwan meel kaga dhaceen sharafta iyo karaamada Maamulaha Shirkada Sagal-jet Cabdi Yuusuf Aar, oo ah Shaqsi aad u firfircoon oo leh saaxiibo Siyaasadeed iyo kuwo ganacsiba.
Maamule Cabdi Yuusuf Aar, waxa uu noqday shaqsi aan fal xun iyo ficil guracan kaga fal celin gardarooyinka iyo gefefka kaga imanaya Xisbiga Waddani, waxana intaa badan uu kaga jawaaba arrimaha xad-gudubka ah loo geystay samir iyo Dul-qaad.
Haddaba, Akhristee ma xaqbaa in Goob ganacsi oo madaxbanaan, isla markaana u adeegeysaa shacab Somaliyeed oo dhan, in iyadda iyo maamuleedaba lagu hayo tacadi joogto noqday, masa haboon tahay in shaqsiga lagu aflagaadeeyo Siyaasi hebel ayaad isku hayb tihiin oo lagu cunsuriyadeeyo.
Isku soo wada duubo falkan hadda lagu burburiyey meherada Sagal-jet Burco iyo kuwii ka horeeyeyba,waxay dadweynaha reer Somaliland ku arkeen mid gef ah oo ka baxsan anshaxa iyo asluubta wada noolaansha shacabka iyo weliba isdhex galka Bulsho ama ganacsi ee dalka Somaliland oo ku talaabsaday horumar dhinac walba leh. La soco qaybaha dambe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured