Warbixinta Guud ee Doorashadii Shalay, Tirada Goobaha Laga Codeeyey, Goobaha Aan Gabi Ahaanba Codbixin Ka Dhicin, Cabashadii Xisbiyada iyo Khasaarihii Dhacay Intii Doorashada Lagu Jiray

0
Tuesday November 14, 2017 - 18:01:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1622
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixinta Guud ee Doorashadii Shalay, Tirada Goobaha Laga Codeeyey, Goobaha Aan Gabi Ahaanba Codbixin Ka Dhicin, Cabashadii Xisbiyada iyo Khasaarihii Dhacay Intii Doorashada Lagu Jiray

    Warbixinta Guud ee Doorashadii Shalay, Tirada Goobaha Laga Codeeyey, Goobaha Aan Gabi Ahaanba Codbixin Ka Dhicin, Cabashadii Xisbiyada iyo Khasaarihii Dhacay Intii Doorashada Lagu Jiray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixinta Guud ee Doorashadii Shalay, Tirada Goobaha Laga Codeeyey, Goobaha Aan Gabi Ahaanba Codbixin Ka Dhicin, Cabashadii Xisbiyada iyo Khasaarihii Dhacay Intii Doorashada Lagu Jiray
Hargeysa(Xogreebnews)-Gobolka Maroodi-jeex Ayaa Ahaa Gobolka Ugu Badan ee Laga Codeeyey Waxaana Sanaaduuq La Dhigay Ku Dhawaad 535 Goobood, Halka Dalka oo Dhan Laga Codeeyey 1642 Goobood.
Hargeysa Doorashada madaxtooyada Somaliland ayaa sidii qorshuhu ahaa looga dareerday dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka waxaanay ku dhacday wkhtigii loo qorsheeyey ee 13-ka November. Guud ahaan doorashada ayaa ka dhacaysay 6-da gobol ee dalka oo ka koobnaa 23 degmo doorasho oo gobollada ah kuwaasoo iyaguna ka sii koobnaa 1642 goob codbixineed oo dalka oo dhan ah. Gobolka Maroodi-jeex oo ah gobolka ugu wayn jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa laga codaynayay ku dhawaad 535 goobood oo degmooyinka oo dhan ah waxaana gudaha caasimadda laga codeeyey in ku dhaw 300 oo goobood taasoo la mid ah in saddex dalool hal dalool dadka jamhuuriyaddu ka codeeyeen gobolka Maroodi-jeex.
Waxay Doorashada madaxtooyada Somaliland ka qabsoontay guud ahaan lixda gobol ee Maroodi-jeex, Togdheer, Awdal, Sool, Saaxil iyo Sanaag kuwaasoo sida la sheegay goobihii loogu talo-galay dhammaantood looga codeeyey sidii loogu talo-galay.
Goobaha aanay doorashadu ka dhicin
Gobolka Sanaag ayaan sida la xaqiijiyey meelo ka mid ah wax doorasho ahi ka dhicin, meelaha aaney doorashada ka dhicin waxaa ka mid ah deegaanada Dhahar iyo Laasqoray oo dhaca bariga Sanaag. Sidoo kale degmada Badhan sida la xaqiijiyey ayaan doorasho ka dhicin waxaase jira deegaanno hoos-taga sida Xiin-galool, Ceel,Bu iyo Hadaaftimo oo sanaadiiq la geeyay, sidii loogu talo-galayna ay codbixintu uga dhacday.
Isla gobolka Sanaag deegaanka Huluul ayaa la xaqiijiyey inaan wax doorasho ahi ka dhicin isla markaana aan sanduuq la geyn, sidoo kale waxaa markii hore la hakiyey degmada Ceel-Afweyn deegaano ka mid ah kuwaasoo ugu dambayn sida la xaqiijiyey laga codeeyey.
Gobolka Togdheer, magaalada Buuhoodle oo ah magaalo weyn oo gobolka ka tirsan qeybo ka mid ah lagama codeyn, hase yeeshee deegaanada Burco, Sheekh iyo Oodweyne ayaa si laxaad leh looga codeeyey. Sidoo kale Gobolka Sool ayaa si wayn looga codeeyey gaar ahaan magaalooyinka Laascaanood, Caynaba, Xudun iyo Taleex.
Guud ahaan si dhab ah looma hayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhacay doorashada hase yeeshee waxa la xaqiijiyey in shil baabuur oo dhacay ay laba askari ku dhaawacmeen, sidoo kale askari xabbadi ka baxsatay ayaa dhaawacay hal qof, waxaa intaas dheer inay jiraan khasaare kooban oo dhanka gaadiidka ah kuwaasoo galay shilal aan buurnayn sida muraayad jabtay iyo waxyaabo la mid ah. Geesta kale cabashada xisbiyada ayaa illaa hadda aad u yar, marka laga reebo cabashooyin la xidhiidha dhinaca muraaqibiinta, dhinaca farsamada codaynta iyo xisbiga WADDANI oo ka cawday xadhiga masuuliyiin iyo muraaqibiin xisbiga ah ma jirto cabasho baaxad leh oo ka soo yeedhay gobollada, degmooyinka iyo guud ahaan dalka.
Marka aynu eegno warbixinta kor ku xusan waxaa muuqata in doorashada madaxtooyada Somaliland ay u qabsoonto isla sidii loogu talo-galay, waxaana sida ay xaqiijiyeen komishanku ay xaqiiqdu ka weynaatay filashadii la qabay. Ugu dambayn maalinta Axadda ayaa laga yaabaa in lagu dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee codaynta, Komishanka ayaa sheegay in sanduuqa codbixineed ee ugu dambeeyaa uu soo gaadhi doono 18-ka bisha iyadoo markaas la shaacin doono murashaxa helay codka ugu badan ee dadwaynaha, noqona doona madaxwaynaha 5-aad ee jamhuuriyadda Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured