Alla Kala Foggaa Shallowga Sharka Ina Aw Siciid ee Awdal ka Socda + Shiffada Casharka Culimada Iyo Ganacsatada Dhigiisu

0
Sunday November 12, 2017 - 01:56:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alla Kala Foggaa Shallowga Sharka Ina Aw Siciid ee Awdal ka Socda + Shiffada Casharka Culimada Iyo Ganacsatada Dhigiisu

     Musharixiintu waxay xaq u leeyihiin Codkaaga, laakiin Dhiig xaq kuuguma leh  Ergaduna Maaha inay Indhaha ka laliyaan ragga shaashaynaya Nabad-gelyadda  Wanaaga in laga wada shaqeeyo, ma cid gaar ah ayey dan u tahay, mise reer Somaliland o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

 Musharixiintu waxay xaq u leeyihiin Codkaaga, laakiin Dhiig xaq kuuguma leh  Ergaduna Maaha inay Indhaha ka laliyaan ragga shaashaynaya Nabad-gelyadda  Wanaaga in laga wada shaqeeyo, ma cid gaar ah ayey dan u tahay, mise reer Somaliland oo dhan?

Hargeysa(Xogreebnews/Yool)-Inkastoo ay jiraan ama socdaan-ba, sida muuqata dedaalo faro-badan oo ay wadaan Ganacsato, Siyaasiyiin, Culimo aw-diin iyo haldoor kaloo reer Somaliland ah, kuwasoo ay ku doonayaan inay ku adkeeyan amniga Qaranka, isla markaana kaga hor-tagaan wax kastoo murkacasho ku keeni-karaa Qaranka Curdinka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama 13-ka Novomber la gelayo Doorashada aqalka Madaxtooyadda, oo ah mid xasaasi ah, marka dhinacyo badan laga eego, balse hadana dhaqaaqyada tudhaalaha qaranku ku jiro, waxa kaloo barbar-socda falal kuwaa lidi ku ah, oo ay dabadda ka wadaan xubno ganacsato ah, oo min-qiyaaska aragtidoodu siisay inay khalad iyo sax labada-ba Kursiga Madaxweynaha ku saaran Musharaxa ay jecel yihiin inuu kusoo baxo doorashada.

Dedaallada Siyaasiyiin, Ganacsatada, Culimo aw-diin iyo haldoor Somaliland ee dhanka wanaagsan ku socda, waxa kamid ah kulankii Shalay ka dhacay Huteelka Ambassator ee Magaaladda Hargeysa ee saddexda Murashax kaga dhawaaqeen fariinta wanaagsan, kaasoo ay soo qaban-qaabiyeen, xubno ay kamid yihiin Ganacsade Maxamed Siciid Ducaale (DAHABSHIIL) Wakiilka Shirkadda Omaar Md. Maxamed, Cabdikariiin Maxamed Iid (TELESOM), Maxamed Shugri, iyo sidoo kale, Culimada, Madaxweyne-ku-xigeenadii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo marwo Adna Aadan.

Xubnahaas oo ka sekow qaban-qaabada hawshan ay u galeen, waxay farriin u direen shacabka Somaliland, iyagoo uga u digaya bulshada waxay ku dar-daareen inay nabad-gelyadooda ilaashadan, isla markaana saddexda Musharrax ee doorashada ku tartamaya Cod mooyee wax kale aanay xaq ugu lahayn, Codkaasina yahay waajibaad Dastuuri ah, oo qof waliba Musharraxa uu taageersan yahay siiyo.

Iyadoo ay sidaas tahay arrimahaasina ay yihiin kuwo lagu diirsado, oo wanaaga Qarankan curdinka ahi uu ku jiro, ayaa haddana waxa gobollada dalka qaarkood ka socda, siiba Gobolka Awdal tallaabooyin fool xun oo lagu bar-tilmaameedsanayo waxyaabo ay kamid yihiin kaadhadhka Codbixiyaashu qaateen, iyo sidoo kale faro-gelin lala maagan-yahay Wakiilada kala duwan ee ku sugan goobaha bixinta. Arrimahaasoo sidii ay u hirgelin-lahaayeen Buraashadiisa uu u Biyeystay Ganacsade Maxamed Aw siciid Geedi, oo isaggu dhawrkii maalmood ee u dambeeyey Dermada dhigtay Magaaladda Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, isla markaana sida dad dhaqdhaqaaqiisa la socday ay sheegeen dhaqaale ku bixinayey in Codbixiyaasha dan-yarta ah Kaadhadhkooda laga Iibsaddo, si hoos-u-dhac ugu yimaado Codadka gobolka Awdal, maadaama Gobolku yahay meelaha Xisbiga Waddani ugu awooda badan yahay, marka loo eeggo kalsoonida Kulmiye ka haysto deegaanka.

Waxaloo jira, sida ku cad xoggaha laga helayo waxgaradka iyo aqoonyahanka Gobolka Awdal tabbo kaloo qorshahooda Ganacsade Maxamed Aw siciid Geedi ka wado gobolka Awdal, gaar ahaan Magaaladda Boorama, taasi oo iyanna ah in Munaaqibiinta goobaha Codbixinta jooga lagu iibsado Lacag badan, waxa iyanna xusid mudan inay magaaladda Boorama ku sugan yihiin xubno isaggu jira ganacsato yar-yar iyo dhalinyaro, kasoo jeeda Beesha Musharraxa Xisbiga Kulmiye, kuwasoo ganacsade Maxamed Aw Siciid, gacan ku-siinaya sidii hawlgalladiisu u fuli lahaayeen, maadaama Maxamed Aw Siciid yahay Nin reer Jabuuti ah, oo wax badan aanu kala socon ama aqoon u lahayn sida la-isu-qabto ee bulshada wax loo gashado.

Haddaba, iyadoo aan cidina diidanayn in qaranimada iyo amniga Jamhuuriyadda Somaliland uu ka weyn yahay damaca saddexda Musharax, balse waxa isweydiin mudan sidii uu midho dhal-fiican u noqon laha dedaalka niyadsamidu ka muuqato ee ay soo kordhiyeen darreenkoodana ku muujiyeen Haldoorka reer Somaliland ee aynu kor kusoo sheegnay, maadaama qaybo dalka kamid ah uu ka jiraan falal ah faro-gelin fool-xun oo aan loo dul-qaadan karin, kuwasoo uu dabada ka wado Ganacsade Maxamed Aw Siciid, oo sida bulshada Somaliland ka wada-war qabto isaggu aan qarsan dagaalka ka dhanka ah Xisbiga WADDANI, oo hore-na af iyo ficilba ugu cadeeyey inuu naf iyo Maal-ku bixin doono sidii Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi uu kusoo saari laha.

Inkastoo cisiga iyo du’leynta ama guusha iyo guul-darada labada Ilahay bixiyo, oo aan cidina la wadaagin, balse haddana sida caqliga saliimka ahi ina tusayo falalka Ganacsadahaasi dalka ka wadaa, hadii cidkastoo arrimahani khusayaanba aanay ka hor-tagin, oo weliba si wada-jirka qaranka loo ilaaliyo aan la dhayin darreenka Bulshada diidan ficillada ganacsadahaasi wado, waxa dedaallada hadda socda iyo kuwa dhacay ee haldoorka Somaliland ku baaqeen noqon doonaan kuwo aan waxba ka bedelin xaaladda jirta ee u baahan in laga hor-tago oo gacan-bir ah lagu qabto. Waayo Soomaalidu waxay ku maah-maahda, Baruur keliyaa Baruuro-qudhmisa, sidaas awgeed marka la ooggaado qofkaasi inuu ku jiro hawlo xummayn kara amniga, isla markaana cunfi ka dhex-dhalin karo bulshada reer Somaliland ee Walaalaha ah, waxa dedaal kastoo la sammeeya uu noqonaya tacab khasaar iyo hal-bacaad lagu lisay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured