War Culus: Xisbiga KULMIYE Oo Ka iibsaday UCID Xulista Muraaqibiintoodii

0
Wednesday November 08, 2017 - 18:12:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Culus: Xisbiga KULMIYE Oo Ka iibsaday UCID Xulista Muraaqibiintoodii

    War Culus: Xisbiga KULMIYE Oo Ka iibsaday UCID Xulista Muraaqibiintoodii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Culus: Xisbiga KULMIYE Oo Ka iibsaday UCID Xulista Muraaqibiintoodii
Hargeysa(Xogreebnews) Xisbiga talada haye ee KULMIYE ayaa wada haddal qaatay laba maal-mod kadib qalinka ku duugay heshiis lacageed oo dhan hal malyan oo doollarka oo ay wada galeen Xisbiga UCID, kaasoo ku aadan in Xisbiga talada haya ee KULMIYE uu soo xulo soona magacaabo muraaqibiinta goobaha doorashada ee uu xaqa u leeyahay Xisbiga UCID.
Heshiiskan labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE ay wada-galeen ayaa ku aadan in muraaqibiinta uu Xisbiga UCID uu xaqa u lahaa ee goobaha cod-bixinta goob-jooga uga noqanayaa uu dhammaaba la waraago Xisbiga KULMIYE oo uu maamulayo muraaqibiintaa. Dhanka kale muruqiibintan Xisbiga KULMIYE uu iibsadey ee Xisbiga UCID, ayaa ujeedada uu ka leeyahay KULMIYE ay tahay in ay markhaati beenaale u furaan dhigooda KULMIYE goobaha lagaga codbadan-yahay xisbiga galbaday ee KULMIYE .
Wararka waxay intaa ku daray in Xisbiga KULMIYE uu xataa balan-qaaday inuu bixinayo qarashka ay ku hawgelayaan muraaqibiinta Xisbiga UCID , kuwaas oo tiradooda lagu sheegay in ay yihiin kun iyo lix boqol oo muraaqib, waxanay lamid yihiin kuwa Xisbiga KULMIYE uu dirsaday , balse waxay ku magacaaban Xisbiga UCID.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured