Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan oo Maalintii Lixaad Ee Olalaha Kulmiye Wacdaro Balaadhan Kusoo Bandhigay Degmadda Qoryaale.

0
Tuesday November 07, 2017 - 01:50:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan oo Maalintii Lixaad Ee Olalaha Kulmiye Wacdaro Balaadhan Kusoo Bandhigay Degmadda Qoryaale.

    Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan oo Maalintii Lixaad Ee Olalaha Kulmiye Wacdaro Balaadhan Kusoo Bandhigay Degmadda Qoryaale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan oo Maalintii Lixaad Ee Olalaha Kulmiye Wacdaro Balaadhan Kusoo Bandhigay Degmadda Qoryaale.

Burco(Xogreebnews)- Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Maalintii Lixaad Ee Olalaha Kulmiye Wacdaro Balaadhan Kusoo Bandhigay Degmadda Qoryaale.

Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ayaa Wasiirka Iyo Waftigiisa Kusoo Dhaweeyey Degmadda Qoryaale, Waxaanay Balanqaadeen Inay Codkooda Iyo Cududooda Siin Doonaan Xisbiga kulmiye. Cuqaasha, Duqeytida, Dhallinyaradda, Haweenka Degmadda Wadaa-magoo Oo Hadalka Iskadaba Marey Ayaa Muujiyey Taageeradda Laxaadka Leh Ee Ay Maanta Iyo Horeba Ugu Hayeen Xisbiga Kulmiye, Waxaanay Balanqaadeen Iyagoo Ku Hadlaya Afka Deegaanka Degmadda Qoryaale 13 Bisha Codkooda Siin Doonaan Xisbiga kulmiye. Waxaanay Siweyn Ugu Mahadceliyeen Wasiir Cali Xasan Maxamed Oo Waxqabd Balaadhan Ka Fuliyey Degmadan. Gudoomiyaha Gobolka Togdheer, Gudoomiyaha Gudida Qandaraasadka Qaranka, Xildhibaan Nuux, Ayaa Iskadaba Marey Sida Deegaankan Iyo Dadkiisuba Utaageersanyihiin Xisbiga Kulmiye, Waxaanay Ku Booriyeen Inaan Lagula Soo Meereysan Dhalanteedka. Waxaanay Si Weyn U Amaaneen Wasiir Cali Xasan Maxamed Oo Waxqabd Balaadhan Ka Fuliyey Deegankan.

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Ugu Horeyn Umahadceliyey Dadka Deegaanka Siday Umuujiyeen Taageeradooda, Wuxuuna Sheegay Inay Tahay Mid Lagu Yaqaanay. Wasiir Cali Xasan Maxamed Ayaa Dadweynaha Ku Baraarujiyey Inay Kaadhadhkooda Ilaashaadaan Adkeystaana Codkoodana Kuna Hubsadaan 13-ka Xisbiga Kulmiye. Waxaanu Cod Dheer Ugu Sheegay Inay Iska Ilaaliyaan Kuwa Meelaha Calan Cas La Carcararaya.

Image may contain: 1 person, standing and outdoorImage may contain: 13 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 8 people, people smiling, people standing, crowd and outdoorImage may contain: 10 people, people standing and outdoorImage may contain: 3 people, outdoorImage may contain: 2 people, people smiling, people standing and outdoor


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured