Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan oo Musharaxa Xisbiga Waddani Cirro Ku Eedeyey Inuu Ka Aradan-yahay Hal-gankii SNM ee Dalka ku Xoraysay, Sheegayna In La Isticmaalo oo Kolba Shaqsiyaad Dheggaha Wax u Saaran...

0
Monday November 06, 2017 - 04:26:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan oo Musharaxa Xisbiga Waddani Cirro Ku Eedeyey Inuu Ka Aradan-yahay Hal-gankii SNM ee Dalka ku Xoraysay, Sheegayna In La Isticmaalo oo Kolba Shaqsiyaad Dheggaha Wax u Saaran...

    Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan oo Musharaxa Xisbiga Waddani Cirro Ku Eedeyey Inuu Ka Aradan-yahay Hal-gankii SNM ee Dalka ku Xoraysay, Sheegayna In La Isticmaalo oo Kolba Shaqsiyaad Dheggaha Wax u Saaran...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan oo Musharaxa Xisbiga Waddani Cirro Ku Eedeyey Inuu Ka Aradan-yahay Hal-gankii SNM ee Dalka ku Xoraysay, Sheegayna In La Isticmaalo oo Kolba Shaqsiyaad Dheggaha Wax u Saaran...
Burco(Xogreebnews)-Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Md. Cali Xasan Maxamed Ayaa Sheegay In Musharaxa Xisbiga Waddani Aanu Waxba Ka Garanayn Waxna Kala Socon Halgamayaashi SNM.
Wasiirka Ayaa Hadalkan Ka Sheegay Xafladd Balaadhan Oo Lagu Soo Dhaweynayey Taageerayaal Dhallinyaro Ubadnayd Oo Kasoo Digo-rogtay Xisbiga Waddani Kuna Soo Biirey Xisbiga Midnimada Iyo Horumarinta Ee Kulmiye,  Xafladan Ayaa Lagu Qabtay Magaaladda Burco.

Xafladan Ayaa Waxa Kasoo Qeybgalay Taageerayaal Baddan Oo Dhallinyaro Ubadnaa Oo Xisbiga Kulmiye Ah, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Gobolka Togdheer. Xildhibaano Golaha Guurtida Ah, Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad Ee Xisbiga Kulmiye, Xildhibaano Golaha Wakiiladda, Golaha Deegaanka Burco, Iyo Dadweyna Kale Oo Tiro Baddan.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Gobolka Togdheer. Xubno Qurbajooga Oo Saraakiisha Xisbiga Kulmiye Ka Tirsan,  Ayaa Iskadaba Marey Guulaha Kulmiye Soo Hooyay Mudadii Todobada Sano Ahayd, Iyoo Guulaha Maanta Hiigsanyo. Dhinacana Kalana Soo Dhaweeyey Xubnahan Dhallinyaradda Ee Caawa Xisbiga Ku Soo Biirey.
Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Md.Cali Xasan Maxamed Ayaa Sheegay In Musharaxa Xisbiga Waddani Aanu Waxba Ka Garanayn Waxna Kala Socon Halgamayaashi SNM.


Wasiir Cali Xasan Maxamed Ayaa Dhinaca Kale Dhallinyartan Caawa Kusoo Biirey U tilmaamay In Guusha Kulmiye Maanta Ku Jirto Gacmahooda Oo Codkooda Siiyeen Xisbiga Kulmiye 13 November, Waxaanu Siweyn Ugu Baraarujiyey Inaan Codkooda La Iibsan Laguna Soo Dhex Dhuuman.
Wasiir Cali Ayaa Dhinaca Kale Sheegay In Musharaxa Waddani Yahay Mid Dhagaha Wax Loo Saaro, Go'aamadiisa Iyo Taladiisana Rag Kale Gooyaan, Uurkiisa Iyo Afkiisuna Aanay Is Lahayn.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured