Wefti Kasocda Shirkada DP World Iyo Dawlada Isutaga Imiraatka Carabta Oo Axada Dalka Imanaya Iyo Dhulkii Free Zoneka Deked Berbera Oo Xukumadu Iibinayso+Xiliga Lagu Jiro Oo Xasaasiya

0
Friday November 03, 2017 - 23:17:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wefti Kasocda Shirkada DP World Iyo Dawlada Isutaga Imiraatka Carabta Oo Axada Dalka Imanaya Iyo Dhulkii Free Zoneka Deked Berbera Oo Xukumadu Iibinayso+Xiliga Lagu Jiro Oo Xasaasiya

    Wefti Kasocda Shirkada DP World Iyo Dawlada Isutaga Imiraatka Carabta Oo Axada Dalka Imanaya Iyo Dhulkii Free Zoneka Deked Berbera Oo Xukumadu Iibinayso+Xiliga Lagu Jiro Oo Xasaasiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti Kasocda Shirkada DP World Iyo Dawlada Isutaga Imiraatka Carabta Oo Axada Dalka Imanaya Iyo Dhulkii Free Zoneka Deked Berbera Oo Xukumadu Iibinayso+Xiliga Lagu Jiro Oo Xasaasiya
Hargeysa(Xogreebnews)-Warar Xogogaal ah oo ay helayaan Warbaahinta Madaxa Banaan ee Somaliland ayaa sheegaya in maalinta  Axada ee bishu tahay 05/11/2-17 ay dalka Imanayaan Wefti baladhan oo kasocda shirkada DP World iyo Dawlada  Isutaga Imiraatka Carab kuwaas oo kasoo dagi doona Garoonka Diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal.

Weftiga ayaa Ujeedada socdaalkoodu la xidhiidha Saxeexa dhul Free Zoneka ah oo la siin doono shirkada DP World ee Dekeda Berbera Maamusha iyada oo Qoyska Madaxtooyada oo uu hogaaminayo Wiilka Madaxweyne Siilanyo Sodoga Uyahay ee Baashe Morgana Taas Bedelkeeda uu shirkada DP World Qoys ahaan iyaga oo Xukumada Matalaya ka shuban doonaan lacag malaayiin Dollar ah oo lagu iibinayo dhulkaas Fee Zoneka ah oo cabir ahaan dhan 14KM oo isku weera ama dhinac walba ah.dhulkaas oo ka bilaami doonka Kaantaroolka Galbeed ee Berbera duleedkiisa halkaas oo dhulalka kuyaala oo dhan dad shacab ahi leeyihiin sharciyana Uhaystaan hase yeeshee La damacsan yahay in awood iyo amar Madaxtooyada kasoo bixi doona in lagu muquuniyo.
Warka aanu helay ayaa waxa kaloo uu sheegayaa in saxeexa dhulka Free Zoneka Shirklada DP World ee Dekeda Berbera Maamulkeeda haysaa Yeelan doonto islamarkaana Lacag malaayiin dollar ah lagaga iibin doono iyada oo laga gaadhsiinayo mudada maalmaha koobana ee ka hadhay Doorashada iyo Mudo Xileeda Madaxweyne Siilanyo iyada oo si dag dag ah looga faa,iidaysanayo maalmahaas kooban.


waxa kaloo isaguna Qeyb ka ah iibinta dhulkan Free Zoneka lagu sheegay Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi oo kala shaqaynaya Qoyska Madaxtooyada in maalmahaas kooban dhulkaas gacanta la dhiibo.

Talaabadan dagdaga ah ee Xukumada Iyo Qoyska Madaxtooyadu xiligan xasaasiga ah ku kaceen ayaa ku keeni karta Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi kalsooni daro uu shacabka Somaliland kala kulmo maadama oo Xisbiga iyo Xukumadu Isku dhinac kasoo jeedaan xiligana lagu jiro Xili xasaasiya oo aanay marnaba haboonayn in saxeexa Madaxtooyadu usii shaqeeyo sife dag dag ah oo aan haboonayn oo sharci daro ah.
Waxa kaloo Isweydiin leh Xukumada Madaxweyne Siilanyo iyo Qoyska Madaxtooyadu miyay dhisayaan Musharax Muuse Biixi Cabdi Markay Qorshahan Guracan samaynayaan Mise hadimo ayay la daba joogaan oo guuldaro ayay la rabaan, Hadiiba ay guul la raadinayaan Musharax Xisbiga Kulmiye may haboonayn inay Xiligan Xaaladaha xasaasiga ah ee Udiyaar garawga Doorashada lagu jiro inay saxeexa dhulkan 14KM ah sife sharciga baalmarsan oo dhaliil ukeeni kara Musharax Xisbiga Kulmiye ay sameeyaan Waxaana La odhan karaa Xukumada Iyo Qoyska Siilanyo Daacad kama ah in Musharax Muuse Biixi Guul Ka gaadho Doorashada Madaxtooyada ee maalmaha Koobani ka hadhay waxaana cad in Xukumada Iyo Xisbiga Kulmiye kala Xidhiidh Furmeen eeda iyo kala fogaanshana ay Masuul ka yihiin Wiilka Madaxweyne Siilanyo  Sodoga Uyahay ee Baashe Morgan Iyo Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi oo marnaba aan daacad ka ahayn guul uu gaadho Xisbiga Kulmiye iyada oo lawada ogyahay inuu guuldaraystay Qorshihii Wasiir Maxamud Xaashi ee Dhaxal sugaha Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi dabadii.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured