Xisbiga Waddani Oo Mar Kale Maanta Cududiisa Taageero Ku Soo Bandhigay Beerta Xoriyada Hargeysa Ee Xisbiyada Kale Ka Maageen Baaxadeeda

0 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1560
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Mar Kale Maanta Cududiisa Taageero Ku Soo Bandhigay Beerta Xoriyada Hargeysa Ee Xisbiyada Kale Ka Maageen Baaxadeeda

    "Ninka Shalay Aad Halkan Ku Soo Dhaweyseen Toos Ayuu Xamar Uga Soo Duulay, Waa Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibada, Fariinbuu Idiin Sidaa Kulmiyow, Car Hadaad Rag Tihiin Fariintaasi Dadka La Wadaaga" Gudoomiyaha Ku Meelgaadhka Ah Ee Waddani, C

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ninka Shalay Aad Halkan Ku Soo Dhaweyseen Toos Ayuu Xamar Uga Soo Duulay, Waa Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibada, Fariinbuu Idiin Sidaa Kulmiyow, Car Hadaad Rag Tihiin Fariintaasi Dadka La Wadaaga" Gudoomiyaha Ku Meelgaadhka Ah Ee Waddani, Cabdiqaadir Jirde
Hargeysa,(Xogreebnews.com)- Taageerayaal mug iyo miisaan leh oo ku abtirsada xisbiga Waddani ayaa mar kale cududooda ku muujiyey fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa.
Halkaas oo ay kala soo qaybgaleen masuuliyiinta sarsare ee xisbiga Waddani oo uu horkacayey Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Jirde, Xoghayaha Guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade, Madaxa Kaambaynka xisbiga Waddani Xamse Cabdilaahi Khayre iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.
Ugu horayn Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo khudbad halkaasi uga soo jeediyey taageerayaasha xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa ku soo bandhigay isku soo baxa maalinta ololahooda ayaa waxa uu yidhi "Waxa aynu halkan kaga hadlaynaa been qaawan oo aynu halkan marada kaga faydnay ayaa hadana qaar aad moodo inay tawtawlayaal yihiin ay ku celiyaan oo ay yidhaahdaan Xamar iyo Farmaajo, waar waxaa miyaanaydaan kaba waantoobayn sawtii la qaawiyey maaha. 
Hadii Xamar cidi eed ku qaadaysana ninka shalay aad halkan ku soo dhaweyseen toos ayuu Xamar uga soo duulay, waa Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada, waad togtihiin fariimuu idiin sidaa Kulmiyow fariinbaa la idiinku soo dhiibay bal fariintaasi dadka la qaybsada Xamar la idinka soo faray, car hadaad rag tihiin nala qaybsada.
Waxa kale oo aanu halkan ka sheegaynaa, Madaxweynuhu si fiican ayuu yeelay oo digreeto ayuu ka soo saaray oo waxa uu yidhi hantida dawlada yaan lagu ololaynin, waxaanu haynaa hantidii dawlada oo gawaadhidii dawlada oo taarikadii laga badalayo oo lagu dhajinayo mida shicibka.
Wasiiro ayaa maalindhaweyd Ambassador hotel yimid oo taarikho shicib ahi ay ku dhagsan tahay, waxaa dhacay ayaa la yidho oo dawladu miyey ku siisay gaadhiga mayee ololaha ayaa la ii diray oo Laascaanood ku tag ayaa la I yidhi, waxaasaa meesha socda. 
Waxa kale oo aan idiin sheegayaa in kaadhadhkii codbixinta la iibsanayo, kaadhadhka xafita, meel dhigta oo yaan shilling la idinka siisanin aad iyo aad kaadhadhkiina u ilaashada. Waa la bilaabay waxa la doonayaa in been lagu ololeeyo, waxaanu idiin sheegaynaa oo aanu idiin cadaynaynaa Kulmiye waxa ka go’an gar iyo gardaraba inuu kursigaa yimaado ayaa kulmiye ka go’an miyeynu ka yeelnaa.? Maxaynu nidhaahnaa? Badaluu, Badaluu, Kulmiye waxaanu leenahay badda ka cab. 
Waxa weeyi dalkan waa la dhacay oo waa la boobay oo carabkaa la mariyey sideedii sanadood waxba lagagama tagin shan sanadood oo dambe miyeynu ugu darnaa Lafaha ha feenteen, lafaha ayay doonayaan inay feentaan, miyeynu ka yeelnaa? Waar dalkani waxa uu u baahan yahay dhaymo, wuxuu u baahan yahay in la buuleeyo, wuxuu u baahan yahay in la soo nooleeyo, cida kaliya ee soo noolayn kartaana waa xisbiga Waddani, nagu taageera, Illaahay ha ina guuleeyo.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani oo halkaasi khudbad uga soo jeediyey taageerayaasha xisbiga Waddani ee maanta isugu soo baxay fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured