Xisbiga Kulmiye Oo Xisbiyada Dhigiisa Ah Ugu Awood Sheegtay Magaaladda Burco Isla Markaana Kusoo Bandhigay Mawjado Dadweyne Oo Isu Soo Baxyo Wata.

0
Tuesday October 31, 2017 - 19:16:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Kulmiye Oo Xisbiyada Dhigiisa Ah Ugu Awood Sheegtay Magaaladda Burco Isla Markaana Kusoo Bandhigay Mawjado Dadweyne Oo Isu Soo Baxyo Wata.

    Xisbiga Kulmiye Oo Xisbiyada Dhigiisa Ah Ugu Awood Sheegtay Magaaladda Burco Isla Markaana Kusoo Bandhigay Mawjado Dadweyne Oo Isu Soo Baxyo Wata.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Kulmiye Oo Xisbiyada Dhigiisa Ah Ugu Awood Sheegtay Magaaladda Burco Isla Markaana Kusoo Bandhigay Mawjado Dadweyne Oo Isu Soo Baxyo Wata.

Burco(Xogreebnews)- Xisbiga Kulmiye Oo Xisbiyada Dhigiisa Ah Ugu Awood Sheegtay Magaaladda Burco Isla Markaana Kusoo Bandhigay Mawjado Dadweyne Oo Isu Soo Baxyo Wata. Kumanaan kamid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo isugu jira, waayeel, dhallinyaro iyo haween, ayaa isagu soo baxay barxadda khayrida Hargeysa, waxan kala qaybgalay Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad Ee Xisbiga Kulmiye, Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Cali Xasan Maxamed, xubno kale oo hoggaanka xisbiga kamid ah, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo guddida ololaha Kulmiye ee gobolka Togdheer.

Ugu Horeyn waxan halkaas laga jeediyey hadallo lagu guubaabinayo taageerayaasha, isla markaana loogu mahadcelinayo isu soo baxooda iyo taageerada ay xisbiga Kulmiye u muujiyeen.


Taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee gobolka togdheer oo kusoo labistay astaanta uu xisbiga Kulmiye caanka ku yahay, isla markaana lulaya caleemo qoyan, wejiyadooda iyo shirkoodana kusoo xardhay calanka xisbiga Kulmiye, ayaa si waafi ah u muujiyey sida ay ula dhacsan yihiin taageerada Kulmiye iyo murrashaxiintiisa.

Khudbado kooban oo macno iyo miisaanleh, ayaa loo jeediyey shacabka ku dhaqan Degmadda Burco ee la dhacsan taageerada Kulmiye, waxana xubnihii halkaas ka hadlay oo ay kamid yihiin guddoomiyaha ololaha Kulmiye ee gobolka Togdheer, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Gobolka Togdheer, Iyo Gubno Kamid Golaha Wasiirada
.
Wasiirka Hawlaha Guud oo isaguna halkaas kala hadlay taageerayaasha Kulmiye, ayaa si mugleh ugaga mahadceliyey taageerada laxaadka leh ee ay muujiyeen, waxana uu sheegay inay shacabka reer Togdheer ku yihiin taageerada KULMIYE, kuna suntan yihiin guulihii uu Kulmiye kasoo hoyn jirey doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka qabsoomay.

Wasiir Cali Xasan Maxamed Ayaa Dhinaca Kale Sheegay Guulaha Xisbiga Kulmiye Kasoo hooyay Siyaasadda Arimaha Dibadda, Waxaanu Si Weyn ucadeeyey hadimada Xisbiga Waddani ladoonayo Inuu ku hagardaamiyo shacabka Somaliland.

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kahin Axmed Ayaa Khudbad Weyn ka Jeediyey madasha, Waxaanu Amaanaya Dadweynaha Gobolka Togdheer, Waxaanu uga Mahadceliyey taageeradii ay siiyeen doorashooyinkii kala danbeeyey Ee Dalka ka dhacay, Waxaanu Sheegay In sidii caadada u ahayd maantana Looga Fadhiyo Inay soo saaraan xisbigoodi Kulmiye.

Image may contain: 32 people, people smiling, people standing, crowd and outdoorImage may contain: 2 people, people smilingImage may contain: 30 people, people smiling, people standing, crowd and outdoorImage may contain: 2 people, people standing, crowd and outdoorImage may contain: 21 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 21 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 9 people, people smiling, crowdImage may contain: 30 people, people smiling, crowd and outdoor


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured