Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo Ka Xummaaday Weedhaha Qadafka ah ee kasoo Yeedhaya Musharraxiinta Kulmiye iyo Waddani "..Reero ma Tartamayaan ee niman baa Tartamaya oo [Cirro iyo Muuse] ayuun-buu ilaahay mid uun siine...Dadka inta badan Siyaasadda Somaliland Dhex-meereysta labadda DEGREEee Qaaxology, iyo Naxliyology....Waxa igaga sii yaab badan kuwa Hebel cay iyo Qabiil hebel Aflagaadee ay kaga Dhegtay.." Siyaasi Jamaal Cali Xuseen.

0
Tuesday October 31, 2017 - 01:25:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo Ka Xummaaday Weedhaha Qadafka ah ee kasoo Yeedhaya Musharraxiinta Kulmiye iyo Waddani "..Reero ma Tartamayaan ee niman baa Tartamaya oo [Cirro iyo Muuse] ayuun-buu ilaahay mid uun siine...Dadka inta badan Siyaasadda Somaliland Dhex-meereysta labadda DEGREEee Qaaxology, iyo Naxliyology....Waxa igaga sii yaab badan kuwa Hebel cay iyo Qabiil hebel Aflagaadee ay kaga Dhegtay.." Siyaasi Jamaal Cali Xuseen.

    Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo Ka Xummaaday Weedhaha Qadafka ah ee kasoo Yeedhaya Musharraxiinta Kulmiye iyo Waddani "..Reero ma Tartamayaan ee niman baa Tartamaya oo [Cirro iyo Muuse] ayuun-buu ilaahay mid uun siine...Dadka inta badan Siyaasadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo Ka Xummaaday Weedhaha Qadafka ah ee kasoo Yeedhaya Musharraxiinta Kulmiye iyo Waddani "..Reero ma Tartamayaan ee niman baa Tartamaya oo [Cirro iyo Muuse] ayuun-buu ilaahay mid uun siine...Dadka inta badan Siyaasadda Somaliland Dhex-meereysta labadda DEGREEee Qaaxology, iyo Naxliyology....Waxa igaga sii yaab badan kuwa Hebel cay iyo Qabiil hebel Aflagaadee ay kaga Dhegtay.." Siyaasi Jamaal Cali Xuseen.

Hargeysa(Xogreebnews)- Siyaasi Jamaal Cali Xuseen, ahna Murashaxii jagada Madaxweynaha Xisbiga Ucid ee hore, ayaa ka digay khataro ka iman-kara weedhaha iyo hadallada xajiimeysan ee dhex-wareegaya masraxyada Siyaasadda Somaliland, kana soo yeedhaya Musharraxiinta Xisbiyada qaar iyo taageerayaashooda, isla markaana tilmaamay tartanka Doorashada Madaxtimada Somaliland inaanay reero ku loollameyn, balse la kala dooranayo laba Musharax oo midkood uun soo bixi doono.

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo in muddo ah wacyiga-siyaasadeed ee dalka aan si furan uga hadal, waxa qoraalkiisan hadda uu muuqdaa inuu daaran-yahay, weedho qalafsan, cunfi iyo caadifadina ku dheehnayd oo kasoo yeedhay todobaadkii hore labada Musharax ee Waddani iyo Kulmiye, kaddibna ku fidday Siyaasiyiin kala taabacsan labada Musharrax, waxa aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen naqdiyey min-qiyaaska Siyaasiyiinta Somaliland, oo sida uu tilmaamay digriiga waxbarasho ee masraxa ay ku haystaan uu yahay Qaaxology, iyo Naxliyology.

Jawaabtan oo Siyaasi Jamaal Cali Xuseen, ku sheegay qoraal uu ku faafiyey bartiisa ‘Facebook’, waxa kaloo uu kusoo qaatay doorka dhalinyaraddu ku leedahay fidinta iyo faafinta hadallada cunfiga leh ee Siyaasintu ku dheggo bar-jeeyeen Bulshadda, taasoo uu xusay inaan dhalinyarada waxba ugu jirin, balse waqtiga iyo fursadaha ay haystaan uga faa’iddeystaan mustaqbalka dalka iyo ka dadkooda.

Md. Jamaal Cali Xuseen oo ah Siyaasigii ugu horreeyey ee si dhex-dhexaad ah uga hadlay hadallada qadafka ah ee kasoo yeedhay Musharraxiinta Waddani iyo Kulmiye, isaggoo weliba loo tirinayo inuu Xisbi ka tirsan yahay, taageerana u yahay mid kamid ah, labada Musharrax ee u la hadlayo, waxa yidhi: "..Dadka inta badan siyaasadda Somaliland dhex-meereysta labadda degree ee Qaaxology, iyo Naxliyology. Maalin walba waad aragtaan waxa lays weydaarsanayo ee aan caqliga ku fadhiyin. Haddaba waxa igaga sii yaab badan kuwa ku dhego barjoobay ee kala taageera dhinacyadda siyaasadda ee u kala tiriya. Hebel cay iyo qabiil hebel aflagaadee ay kaga dhegtay.

Bal miyaad aragtay nin ku maagaya hebel qabyaalad baad ku raacday, hadda isaguna tiisa arkimaayo. Qofku waa xor ciddii uu doonana ha raaco, laakiin shakhsi cayga iyo qabiil caygu inaga reeban. Dadku miyaanay ogeyn inay danbi xun ku jiraan oo aakhiradoodii dhaawacaysa markaySocial MediaiyoWebsites-yaddashakhsiyaadku iska weeraraan.

Dhalinyaradan waalatay ee danahoodii ku seegaya siyaasad jaah-wareersan, waxaan kula talinayaa. Fadlan siBasarleh wax u taageera idinkoo aflagaadeynta ka reeban. Dadku waa isla inagii, dalkuna wuu inaga dhaxeeyaa, cidii guuleysatana ilaahay baa u qoray, intiinan is haysatana cid si gaar ah wax ugu helaysaa ma jirto. Waa isla weynee mabay weyneyn, reero ma tartamayaan ee niman baa tartamaya oo labaddaasi (Cirro iyo Muuse) ayuun-buu ilaahay mid uun siine. Sheydaanka ha layska naaro Sheydaanka laftiisii baabad moodda inuu casharaddii siyaasadda Somaliland ee Qaaxology, iyo Naxliyology uu bixinayee. Ilaahay nabad waarta haynoogu dhameeyo. Bashar kula mid ah ha ku dhibsan fikradiisa; Waa walaalka oo laga yaabo inaad Berito isku fikrad noqotaan. Kheyr baan idiin rajaynayaa..". Ayuu yidhi Aqoonyahan Jamal Cali Xuseen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured