"..Balan-qaadkii Xisbiga KULMIYE Hore u Sameeyey Waa Qabyo oo lama Fulin mid Cusub Maanta Cidi Ka dhagaysan Mayso". Xoghayaha tababarada Xisbiga WADDANI Md. Axmed Muuse Maxamed

0
Monday October 30, 2017 - 22:05:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "..Balan-qaadkii Xisbiga KULMIYE Hore u Sameeyey Waa Qabyo oo lama Fulin mid Cusub Maanta Cidi Ka dhagaysan Mayso". Xoghayaha tababarada Xisbiga WADDANI Md. Axmed Muuse Maxamed

    "..Balan-qaadkii Xisbiga KULMIYE Hore u Sameeyey Waa Qabyo oo lama Fulin mid Cusub Maanta Cidi Ka dhagaysan Mayso". Xoghayaha tababarada Xisbiga WADDANI Md. Axmed Muuse Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"..Balan-qaadkii Xisbiga KULMIYE Hore u Sameeyey Waa Qabyo oo lama Fulin mid Cusub Maanta Cidi Ka dhagaysan Mayso". Xoghayaha tababarada Xisbiga WADDANI Md. Axmed Muuse Maxamed

Hargeysa(Xogreebnews)- Xoghayaha tababarada iyo qiimaynta Xisbiga WADDANI ee qaarad Yurub Md. Axmed Muuse Maxamed, ayaa Xisbiga Kulmiye ku dhaliilay inuu Bulshada lasoo hor-fadhiisanayo balan-qaadyo been ah, waxanu bulshada ugu baaqay in aanay dheg u jalaqsiin balan-qaad Kulmiye u sameeyo. Waxa kaloo Xoghayaha tababarada iyo qiimaynta Xisbiga WADDANI ee qaarad Yurub Md. Axmed Muuse Maxamed shacabweynaha uga codsaday inay hormuud ka noqdan isbedel la mahadiyo, isagoo farta ku fiiqay inay la doorto Xisbiga Wadani. Sidaasna waxa uu ku sheegay Md. Axmed Muuse Maxamed waraysi uu siiyey Warbaahinta qaar, isaggoo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi.

"..Waxaanu leenahay dadku maanta balan-qaad uma baahna’e wax bad-baadiya ayey u baahan-yihiin, markii xisbiga KULMIYE la dooranayey looma dooranin in aanu wax –qaban mar walba inuu wax qabto ayaa loo doortay, haddii aanu nahay Xisbiga WADDANI waxa aanu aaminsanahay in aanu Xisbiga KULMIYE balan-qaadkiisii hore rumaynin, intaa uu qabtayna waxaanu leenahay sidii loogu talo-galay umuu qabanin haddii loo eego wakhtiga iyo hawsha gashay,waa wax lagula xisaabtamo oo bulshadu kula xisaabtamayso, marnaba KULMIYE muu soo dhigin guri haba ahaadee uu dhisaye,wakhitiga uu ku dhisay qarashka ku baxay marnaba bulshada umuu bayaamin,mar kasta waxa uu ku cel-celiyaa wax ayaanu qabanay bulshada waxay uga baayaamiyo waxa uu qaban-waayeynu uu sababeeyo, Ayuu yidhi

Xoghayaha tababarada iyo qiimaynta Xisbiga WADDANI ee qaarad Yurub Md. Axmed Muuse Maxamed oo haddalkiisa siiwata ayaa intaasi ku daray..” Waa run oo inta badan wey sameeyaan Xisbiyadu balan-qaadyo, lakiin’se annaga balan-qaadkayagu waa mid ku salaysan caqliga iyo garashada, waxa aanan awoodi karahayn ma balan-qaadayno,waxaanu balan-qaadaynaa in aanu ummada wixii ay haysatay wax ugu qabano oo aanu la dagaalano musuqa la dagaalano cadaalad darrada la dagaalano nin jeclaysiga oo la dagaalano in aanu qof u qalmi dadka shaqada loogu dirro.”

Md. Axmed Muuse Maxamed ayaa sheegay daawada uu Xisbigiisu ku dabiibayo qab-yaalaa .."WADDANI waxa uu qab-yaalada kaga hortegi karayaa ay tahay , waa in aanu marka hore u noqo dadka dad dhex ah oo ay aaminaa , haddii ay aaminaadaa iyo cadaalada dadku naga arkaan qabyaaladu meesha wey ka baxaysaa ..

Xoghaye Axmed Muuse Maxamed ayaa sheegay in ay shacabka reer Somaliland ka cabanayaa cadaalad darro .." Somaliland Bari , Galbeed iyo badhtankaba qof kastaa waxa uu ka cabanayaa waa cadaalad , cadaalad darraduna waxa weeye waa wax yaabaha la dagaalama hor marka aadamaha meel kasta oo ay joogaan, si gaar ah inagu waxaynu nahay dad muslimiin ah, wey ina farantahay cadaaladu, sidaa daraadee annaga waxa mar walba halbowle iyo udub dhexaad noo ah in aanu cadaalada dadka iyo dalka ku dhaqano………” Ayuu yidhi

Waxaanu intaasi ku daray. "..Dadku uma baahna aftahan iyo in wax loo sheego, annaga musharaxayagu waa musharax dadka wax u qabanaya, maanta dadku wax qabad ayey u baahan-yihiin ee wax sheegis uma baahna, sidaa daraadee waxaanu u aragnaa inuu musharaxayagu yahay mid kasoo bixi karraya hawlaha ay ummadu u igmatey, waa musharax degan, waa musharax dul-qaadkiisa leh mid kasoo horjeeda iyo mid ka jiraba u debac-san oo dhegaysan karraya. " Ayuu yidhi Axmed Muuse Maxamed. Ugu dambeyntii Axmed Muuse Maxamed ayaa bulshada reer Somaliland usoo jeediyey in ay u meel dayaan codkooda, isla markaana ay u codeeyaan Xisbiga WADDANI...




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured