Xisbiga Kulmiye oo Sheekh Saleeban kula kacay Aar-goosi Diinta ka Baxsan iyo Xumada Oloollaha Doorashada oo Masaajidada galay

0
Friday October 27, 2017 - 00:23:31 in Wararka by
  • Visits: 1678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Kulmiye oo Sheekh Saleeban kula kacay Aar-goosi Diinta ka Baxsan iyo Xumada Oloollaha Doorashada oo Masaajidada galay

    Xisbiga Kulmiye oo Sheekh Saleeban kula kacay Aar-goosi Diinta ka Baxsan iyo Xumada Oloollaha Doorashada oo Masaajidada galay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Kulmiye oo Sheekh Saleeban kula kacay Aar-goosi Diinta ka Baxsan iyo Xumada Oloollaha Doorashada oo Masaajidada galay

Berbera(Xogreebnews)-Sheekh Saleeban Siciid Cali, oo kamid ah acyaanta, Culimada iyo da’yarta Siyaasiyiinta jiilka cusub ee Gobolka, ayaa Xisbiga tallada haya ee KULMIYE kula kacay fal aar-goosi ah, oo ka baxsan dhaqanka Diinta Islaamka, kaddib markii Sheekh Saleeban u iska casilay xilkii agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland, iyo sidoo kale xubinimadii Xisbiga Kulmiye, isla markaana ku biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Sheekh Saleeban Siciid Cali, oo tallaabooyinkan is-casilaadaha ah Shalay kaga dhawaaqay fagaaraha beerta Xoyiyadda Magaaladda Berbera, halkaasoo uu ka socday kalkii labaad ee xuska dabaal-dega Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, kaddib Xisbiga Kulmiye, isagoo ka xun is-casilaada Sheekh Saleeban Siciid Cali, oo ku waayi-doono cudud iyo taageero, waxa Xisbigu amray isu-duwaha Wasaraadda Diinta iyo Awqaafta gobolka Saaxil Maxamed Axmed Xuseen, inuu ka joojiyo Sheekh Saleeban Siciid Cali Imaamnimada Masaajidka Gobolka ee Magaaladda Berbera, oo sannooyin badan Imaam kasoo ahaa.

War-qad qoraal ah, oo u ku saxeexan yahay isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta gobolka Saaxil, ayaa Ciidamada Boolisku u geeyeen Sheekh Saleeban Siciid Cali, taasoo ah nuxur-qoraalkeeddu yahay isu-duwaha Diinta iyo awqaafta inuu ka joojiyey Imaamnimadii masaajidka gobolka.

Haddaba, tallaabada noocan ah, ayaa ah mid ka baxsan shareecadda iyo dhaqanka wanaagsan ee Diinta Islaamka, sidoo kalena ah gef sharci oo baal-marsan hab-nidaamka dawladnimo ee Somaliland, gaar ahaan marka la eeggo tallaabada isu-duwaha Gobolka saaxil, oo go’aanka u isticmaalay awood aanu lahayn, taasina ay tahay tallaabo ka baxsan sharciga iyo qanuunka Dalka, maadama isu-duwe gobol aanu awood u lahayn inuu xilka ka qaado masuul ka darajo sarreeya. Sidaas darteedna, ay laba arrin oo kala jaad ah yihiin xilka maamul ee u iska casilay Sheekh Saleebaan iyo Imaamnimada masaajidku, sida horeba u dhacday markii Xukuumada Kulmiye tallada la wareegtay, waxay xilkii ka qaaday Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Sheekh Suufi, ahna Imaamka Masaajidka weyn ee Ibraahin dheere ee Magaaladda Hargeysa, oo u ilaa hadda yahay Sheekh Suufi Imaamka Masaajidkaa.

Geesta kale, waxa barraha bulshaddu ku xidhiidho uga socday, falal isaggu jiray, aflagaado iyo anshax xumo, kuwasoo ka imanayey taageerayaal iyo kaaderin ka tirsan Xisbiga Kulmiye ku wareerayeen Agaasimaha xilka iska casilay Sheekh Saleeban Siciid Cali, iyagoo ku daba-socda go’aankii uu iskaga casilay xilkii Xukuumadda iyo xubinimadii Xisbiga Kulmiye, kuna tagay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured