Ucid Oo Taageero La,aan Darteed Waayey Isku Soo Baxyadii Ololaha Doorashada Madaxtooyada Iyo Faysal Cali Waraabe iyo ku xigeenkiisa Waraabe u taaga ah oo Maalmo Kaddib qaadan Doona Shahaadada Dhicista iyo hoos u dhaca Natiijada Doorkan...

0
Wednesday October 25, 2017 - 03:19:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ucid Oo Taageero La,aan Darteed Waayey Isku Soo Baxyadii Ololaha Doorashada Madaxtooyada Iyo Faysal Cali Waraabe iyo ku xigeenkiisa Waraabe u taaga ah oo Maalmo Kaddib qaadan Doona Shahaadada Dhicista iyo hoos u dhaca Natiijada Doorkan...

    Ucid Oo Taageero La,aan Darteed Waayey Isku Soo Baxyadii Ololaha Doorashada Madaxtooyada Iyo Faysal Cali Waraabe iyo ku xigeenkiisa Waraabe u taaga ah oo Maalmo Kaddib qaadan Doona Shahaadada Dhicista iyo hoos u dhaca Natiijada Doorkan...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ucid Oo Taageero La,aan Darteed Waayey Isku Soo Baxyadii Ololaha Doorashada Madaxtooyada Iyo Faysal Cali Waraabe iyo ku xigeenkiisa Waraabe u taaga ah oo Maalmo Kaddib qaadan Doona Shahaadada Dhicista iyo hoos u dhaca Natiijada Doorkan...
Hargeysa(Xogreebnews):-Xisbiga Ucid, ayey soo foodsaartay taageero la,aan baahsani, iyada oo xisbigu awood u yeelan waayey inuu maalintiisii labaad ee ololaha doorashada madaxtooyada somaliland wax dabaal degyo ah ka dhigo guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Dalka.
Guud ahaan magaalooyinka somaliland ayaan laga dhigin isku soo baxyo lagu taageerayo xisbiga Ucid, iyada oo xafiisyada uu ku leeyahay gobolada iyo degmooyinka dalkuna ay xidhnaayeen maanta, waxaana dadweynaha caasimada Hargeysa laga dareemayey niyad jab weyn oo ay ka qaadeen xisbigaasi, iyada oo la dareemayo inaanay shacabku diyaar u ahayn in codkooda siiyaan xisbigaasi.
Taageero la,aanta soo foodsaartay xisbiga Ucid iyo Murashaxiintiisa ayaa muujinaysa quusta
ay bulshada somaliland ka taagan yihiin xisbigaas iyo murashaxiisa madaxweyne ee tartamaya markii sadexaad.
Murashaxii madaxweyne ku xigeen ee ka soo jeeday gobolada bariga somaliland oo uu soo xushay Faysal Cali Waraabe ayaan wax isbadal ah ka samayn taageeradii hoosaysay ee markii horaba xisbiga Ucid ku lahaa gobolada bariga, iyada oo ay muuqato in taageeradii koobnayd ee goboladaasina ay hada sii kala dadaatay maadaama aanay muuqan dardar xoog leh oo taageerayaashu ku soo bandhigeen gobolada bariga labadii maalmood ee uu xisbigaasi u lahaa ololaha doorashada madaxtooyada.
Taageero la,aanta balaadhan ee soo foodsaartay xisbiga Ucid ayaa muujinaysa sida aanay shacabka somaliland ugu qanacsanayn hogaanka xisbigaas iyo murashaxiinta u tartamaya doorashada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured