Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan oo Ka Qeyb Galay Xafladda Wan-qasha Degmadda Gebo-gabo Ee Gobolka Togdheer.

0
Tuesday October 24, 2017 - 19:25:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan oo Ka Qeyb Galay Xafladda Wan-qasha Degmadda Gebo-gabo Ee Gobolka Togdheer.

    Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan oo Ka Qeyb Galay Xafladda Wan-qasha Degmadda Gebo-gabo Ee Gobolka Togdheer.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan oo Ka Qeyb Galay Xafladda Wan-qasha Degmadda Gebo-gabo Ee Gobolka Togdheer.
Gabagabo(Xogreebnews)-Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Ka Qeyb Galay Xafladda Wanqasha Degmadda Gabagabo Ee Gobolka Togdheer. Xafladdan Oo Ahayd Mid Hanaankeedu Sareeyo Si Mug Iyo Miisaan Lehna Loo Soo Agaasimey Ayaa Waxa Kasoo Qeyb Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiiradda, Baarlamanka, Madax Dhaqameedka Dalka, Iyo Mudanayaal Iyo Marwooyin Kale.
Xubnihii Tirada Badnaa Ee Madasha Kasoo Qeyb Galay Ayaa Uduceeyey Degmaddan Cusub Ee Madaxweynuhu Magacaabay Kuna Soo Korodhay Degmooyinkii Hore Ujirey, Waxaanay Si Baaxad Weyn U Amaaneen Waxqabadka Xisbiga Kulmiye. Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Halkaas Kasoo Jeediyey Ereyo Hanbalyo Iyo Bogaadin Iskugu Jira, Waxaanu Dhinaca Kale Ka Hadlay Sida Ay Haboontahay In Wax Lawada Qabsado.
Wasiir Cali Xasan Maxamed Ayaa Ka Hadlay Olalaha Bilaabmay Iyo Guusha Uu Filayo Inuu Soo Hoyan Doono Xisbiga Kulmiye, Isagoo Wasiirku Ku Faanay Inay Taageero Balaadhan Ka Heli Doonaan Cududoodana Kumuujin Doonaan Xisbiga Kulmiye.
Dhanka Kale Wuxuu Tilmaamay In Caqli Iyo Qabasho Loo Sameeyo Dadka Waxma Garatada Ah, Wuxuuna Sheegay Inaanu Ka Yeelayn Qof Aan Taladiisa Lahayn Ka Dhagaysayn Una Joojinayn Eedeynta Ah Iska Cay Iskana Maag. Xafladdan Loogu Wanqalyey Degmadaas Cusub Ee Soo Korodhay Ee Madaxweynuhu Magaacabay Ayaa Kulmisay Kumanaan Dadweyne Ah Kana Soo Kala Boqoolay Dalka Oodhan Waxaanay Kusoo Afmeerantay Jawi Degan.
Image may contain: one or more peopleImage may contain: one or more people, people standing, crowd and outdoorImage may contain: 1 person, closeupImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: 5 people, people smiling, people standing


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured