Badhasaabkii Hore ee Gobolka Maroodi-jeex Mr. Jeeni-yare oo Iska Casilay Xil uu ka hayey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo sababaha oo u ka Hadlay...

0
Sunday October 22, 2017 - 19:31:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 889
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badhasaabkii Hore ee Gobolka Maroodi-jeex Mr. Jeeni-yare oo Iska Casilay Xil uu ka hayey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo sababaha oo u ka Hadlay...

    Badhasaabkii Hore ee Gobolka Maroodi-jeex Mr. Jeeni-yare oo Iska Casilay Xil uu ka hayey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo sababaha oo u ka Hadlay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badhasaabkii Hore ee Gobolka Maroodi-jeex Mr. Jeeni-yare oo Iska Casilay Xil uu ka hayey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo sababaha oo u ka Hadlay...
Hageysa(Xogreebnews)-Badhasaabkii hore ee gobolka maroodijeex oo Maxamed Maxuud jeeniyare,ayaa shaaca ka qaadey inuu iska casiley Xisbiga KULMIYE, isagoo shaaca ka qaadey inuu ku biirey Xisbiga WADDANI, waxaanu sidaasi ku sheegey mar uu manta war-baahinta kula haddley magaalada Hargeysa..
Badhasaab jeeniyare, ayaa haddalkiisa ku bilaabey sidan:-"Anigoo ah Maxamed Maxamuud Jeeni yare Badhasaabkii hore ee gobolka Maroodijeex, makii horena ahaa badhasaabkii gobolka Sool oo xoghaye Dowlada Hoose , Maayar iyo hawl-gelin Bileys kasoo noqdey,Mudo badan aan ahaa Xisbiga KULMIYE , waxaan arkey in aanay ummada dani ugu jirin xisbiga KULMIYE manta,maadaama aan ahaa oo aan muddo badan masuuliyada hayey oo shacbigeyga reer Somaliland aan muddo badan u adeegayey iyana ay ila shaqaynayeen, in aan aad yar oo dhalatey meesha ay dantoodu ku jirto aan ka mid noqdo,waxaan uga digo rogtey Xisbiga WADDANI, KULMIYE-na waanu kala dhaqaaqnay..Ayuu yidhi jeeniyare.
Badhasaabkii hore ee gobolka maroodijeex ayaa ugu baaqey taageerayaashiisa in ay codkoosa siiyaan Xisbiga WADDANI"Taageerayaashaydii saaxiibadaydii badnaa ee Reer Somaliland ,labadeydii gobol ee aan inta badan kasoo shaqeeyey ee Maroodijeex iyo Sool, waxaan ugu baaqayaa WADDANI ayaan codkeena Siinaynaa, waxaynu rabnaa horumar, waxaynu rabnaa nabad-gelyo waxaynu rabnaa in aynu kala bad-baadno, waad aragtaan meesha ay wax u socdaan nacas nimo ayeyna ku dhicin………..”
Isagoo haddalkiisa sii wata wuxuu intaasi ku daray” Reer Adhi cadeeye waad aragtaa oo aniga iyo qaasin ayaa wada fadhina codka Adhi cadeeye wuu mideysan-yahay, WADDANI ayaa u horsed noqdey nabad-gelyadeeda.”
Ugu Dambeyntii Badhasaab Jaaniyare, ayaa "Waxaan mar-labaad ku celinayaa annigoo miyirkeyga iyo maankeyga qaba oo odeygaa weynoo dal iyo debad laga garanayo ah in aan Xisbiga WADDANI Ku biirey, KULMIYE waan kala dhaqaaqey, madaxweynihii hore ee aanu soo wada shaqaynay waa nin weyn aad ayaan u salaamaya Madaxweyne Siilaanyo……”
Dhanka kale Dr.Cabdisalaan Cabdiraxmaan Maxamed iyo Aqoonyahan Xamse Saleebaan Cilmi oo ka mid ahaa aas-aaseyaashii Xisbiga KULMIYE ee mudada dheer la soo tabcaayey illaa wakhtigii uu hoggaamin jiray Madaxweyne Siilaanyo, ayaa gebi ahaanba maanta ku dhawaaqey in ay iska casileen Xisbiga KULMIYE sida oo kalena ku biiray Xisbiga WADDANI.
Saraakiishan oo ka soo jeeda degmada Dacarta ee gobalka Maroodi-jeex, ayaa ka mid ahaa raggii ugu miisaanka cuslaa ee Xisbigaasi uga shaqeyn jiray ololaha deegaanaddaasi iyada oo sida oo kale na ay ka tirsanaayeen golaha dhaxe ee Xisbiga KULMIYE.
Dr.Cabdisalaan Cabdiraxmaan Maxamed oo ka mid ah ragga iska soo casilay KULMIYE, ayaa isagu deegaankiisa u ahaa murashax u taagnaa golaha Wakiilada Somaliland oo ay dadka deegaankiisu soo xuleen.
Geesta kalena waxa Xisbiga KULMIYE iska casiley masuul ka tirsan Xisbiga KULMIYE ee gobolka Saaxil, kaasi oo sheegey in uu ku biirey Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.
Gunaanadkii Xibiga kULMIYE, ayaa maalintisii koobaad ee ololaha ay ku bilaabantey in ay masuuliyiin miisaan kulaa xisbiga iska casiley kuna biiraanWADDANI, iyadoo la filayo in saacada soo socda iyo maal-maha fooda inagu soo haya ay iska Casilaan masuuliyiin kale.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured