Xisbiga Kulmiye Oo Maalinta Koowaad ee Ololihiisa Doorashada Ku Daah-furay Mawjado Isu Soo Baxyo Magaaladda Burco Iyo Wasiirka Ruug-cadaaga ah ee Cali Mareexan oo Hantiyey Quluubta shacabka Togdheer...

0
Sunday October 22, 2017 - 18:48:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1097
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Kulmiye Oo Maalinta Koowaad ee Ololihiisa Doorashada Ku Daah-furay Mawjado Isu Soo Baxyo Magaaladda Burco Iyo Wasiirka Ruug-cadaaga ah ee Cali Mareexan oo Hantiyey Quluubta shacabka Togdheer...

    Xisbiga Kulmiye Oo Maalinta Koowaad ee Ololihiisa Doorashada Ku Daah-furay Mawjado Isu Soo Baxyo Magaaladda Burco Iyo Wasiirka Ruug-cadaaga ah ee Cali Mareexan oo Hantiyey Quluubta shacabka Togdheer...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Kulmiye Oo Maalinta Koowaad ee Ololihiisa Doorashada Ku Daah-furay Mawjado Isu Soo Baxyo Magaaladda Burco Iyo Wasiirka Ruug-cadaaga ah ee Cali Mareexan oo Hantiyey Quluubta shacabka Togdheer...
Burco(Xogreebnews)-Xisbiga Kulmiye Oo Maalinta Koowaad ee Ololihiisa Doorashada Ku Daah-furay Mawjado Isu Soo Baxyo Wata Magaaladda Burco. Xisbiga Midnimada iyo horumarka ee Kulmiye, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay ololihiisa doorashooyinka madaxtooyada shalay dalka oo dhan ka bilaabmay, waxana caasimadda Gobolka togdheer ka daahfurey Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Halkaas oo ku ibo furay kumanaan kamid ah taageerayaasha xisbiga oo ay wehelinayaan hoggaanka sare ee xisbiga iyo guddida ololaha gobolka Togdheer.
Kumanaan kamid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo isugu jira, waayeel, dhallinyaro iyo haween, ayaa isagu soo baxay barxadda khayrida Hargeysa, waxan kala qaybgalay Madaxweynaha Qaranka, Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Cali Xasan Maxamed, xubno kale oo hoggaanka xisbiga kamid ah, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo guddida ololaha KULMIYE ee gobolka Togdheer. Ugu Horeyn waxan halkaas laga jeediyey hadallo lagu guubaabinayo taageerayaasha, isla markaana loogu mahadcelinayo isu soo baxooda iyo taageerada ay xisbiga Kulmiye u muujiyeen.
Taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee gobolka togdheer oo kusoo labistay astaanta uu xisbiga Kulmiye caanka ku yahay, isla markaana lulaya caleemo qoyan, wejiyadooda iyo shirkoodana kusoo xardhay calanka xisbiga Kulmiye, ayaa si waafi ah u muujiyey sida ay ula dhacsan yihiin taageerada Kulmiye iyo murrashaxiintiisa. Khudbado kooban oo macno iyo miisaanleh, ayaa loo jeediyey shacabka ku dhaqan Degmadda Burco ee la dhacsan taageerada Kulmiye, waxana xubnihii halkaas ka hadlay oo ay kamid yihiin guddoomiyaha ololaha Kulmiye ee gobolka Togdheer, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Gobolka Togdheer Maayarka Degmadda Burco, Iyo Gubno Kamid Golaha Wasiirada.
Wasiirka Hawlaha Guud oo isaguna halkaas kala hadlay taageerayaasha Kulmiye, ayaa si mugleh ugaga mahadceliyey taageerada laxaadka leh ee ay muujiyeen, waxana uu sheegay inay shacabka reer Togdheer ku yihiin taageerada KULMIYE, kuna suntan yihiin guulihii uu Kulmiye kasoo hoyn jirey doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka qabsoomay.
Wasiir Cali Xasan Maxamed Ayaa Dhinaca Kale Sheegay Guulaha Xisbiga Kulmiye Kasoo hooyay Siyaasadda Arimaha Dibadda, Waxaanu Si Weyn Utaxay xafiisyada siyaasadeed Ee Somaliland ka furatay Intuu Talada dalka hayey Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa Khudbad Weyn ka Jeediyey madasha, Waxaanu Amaanaya Dadweynaha Gobolka Togdheer, Waxaanu uga Mahadceliyey taageeradii ay siiyeen markuu musharaxa ahaa, Waxaanu madaxweynuhu Dadweynaha Reer Togdheer Usheegay Inuu Taladda Dalka kaga tagayo Masuul hanankara, Hogaamin kara, saaxiibna ahaayeen mudooyin badnaa kaasna yahay Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Image may contain: 4 people, crowd and outdoorImage may contain: one or more people, crowd and outdoorImage may contain: 2 people, crowd and outdoorImage may contain: one or more people, crowd and outdoorImage may contain: one or more people, crowd and outdoorImage may contain: one or more people, crowd and outdoorImage may contain: 2 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, sunglasses


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured