KULMIYE oo Maalinta Koowaad ee Ololihiisa Ku Daah-furay Mawjado Isu Soo Baxyo ah

0
Sunday October 22, 2017 - 18:44:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KULMIYE oo Maalinta Koowaad ee Ololihiisa Ku Daah-furay Mawjado Isu Soo Baxyo ah

    KULMIYE oo Maalinta Koowaad ee Ololihiisa Ku Daah-furay Mawjado Isu Soo Baxyo ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KULMIYE oo Maalinta Koowaad ee Ololihiisa Ku Daah-furay Mawjado Isu Soo Baxyo ah

Hargeysa(Xogreebnews.com)-Xisbiga Midnimada iyo horumarka ee KULMIYE, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay ololihiisa doorashooyinka madaxtooyada shalay dalka oo dhan ka bilaabmay, waxana caasimadda Hargeysa ku ibo furay kumanaan kamid ah taageerayaasha xisbiga oo ay wehelinayaan hoggaanka sare ee xisbiga iyo guddida ololahagobolka Maroodi-jeex.

Kumanaan kamid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo isugu jira, waayeel, dhallinyaro iyo haween, ayaa isagu soo baxay barxadda khayrida Hargeysa, waxan kala qaybgalay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, xubno kale oo hoggaanka xisbiga kamid ah, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo guddida ololaha KULMIYE ee gobolka Maroodijeex, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu guubaabinayo taageerayaasha, isla markaana loogu mahadcelinayo isu soo baxooda iyo taageerada ay xisbiga KULMIYE u muujiyeen.


Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex oo kusoo labistay astaanta uu xisbiga KULMIYE caanka ku yahay, isla markaana lulaya caleemo qoyan, wejiyadooda iyo shirkoodana kusoo xardhay calanka xisbiga KULMIYE, ayaa si waafi ah u muujiyey sida ay ula dhacsan yihiin taageerada KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.

Khudbado kooban oo macno iyo miisaanleh, ayaa loo jeediyey shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa ee la dhacsan taageerada KULMIYE, waxana xubnihii halkaas ka hadlay oo ay kamid yihiin guddoomiyaha ololaha KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex Md. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Yoonis Cali Nuur iyo guddoomiyaha xisbiga ee gobolka Maroodijeex Md. Maxamed Iid Dhimbiil, waxana ay taageerayaasha ku guubaabiyeen inay maalinta codka ku hubsadaan xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna halkaas kala hadlay taageerayaasha KULMIYE, ayaa si mugleh ugaga mahadceliyey taageerada laxaadka leh ee ay muujiyeen, waxana uu sheegay inay shacabka reer Maroodi-jeex caan ku yihiin taageerada KULMIYE, kuna suntan yihiin guulihii uu KULMIYE kasoo hoyn jirey doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka qabsoomay.

Image may contain: 1 person, standing, crowd and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, crowd and outdoorImage may contain: one or more people, crowd and outdoorImage may contain: 3 people, people standing, crowd and outdoorImage may contain: 4 people, people standingImage may contain: 2 people, people smiling, people standing, crowd and outdoorImage may contain: 1 person, standing, crowd and outdoorImage may contain: 6 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 6 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 2 people, people walking, people standing and outdoor


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured