Muuse Biixi oo Magacaabay Guddi Suxuufiyiin Fulin Doona Falal Lidku ah Amniga Qaranka iyo Kan Musharaxiinta la Tartamaya Warbixin Caalami ah.

0
Friday October 20, 2017 - 21:51:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3095
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi oo Magacaabay Guddi Suxuufiyiin Fulin Doona Falal Lidku ah Amniga Qaranka iyo Kan Musharaxiinta la Tartamaya Warbixin Caalami ah.

    Muuse Biixi oo Magacaabay Guddi Suxuufiyiin Fulin Doona Falal Lidku ah Amniga Qaranka iyo Kan Musharaxiinta la Tartamaya Warbixin Caalami ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi oo Magacaabay Guddi Suxuufiyiin Fulin Doona Falal Lidku ah Amniga Qaranka iyo Kan Musharaxiinta la Tartamaya Warbixin Caalami ah.

Nairobi (Xogreebnews/East Africa Media Center)-Xisbiga tallada Jamhuuriyada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa 21-ka Maalmood ee Oloolaha Doorashadda Madaxtooyadda u socdo, waxa uu qorsheeyey inuu Boro-bagaanadada iyo hawlaha dhinaca Warbaahinta ee xilliga doorashada kaga qaybqaato 200 oo Maqaal, oo isagu jira Faalooyin iyo aragtiyo, iyo sidoo kale 20 Xidhmo oo Muuqaalo Fidyow ah, kuwaasoo lagu weeraarayo Musharaxiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro iyo musharaxiisa ku-xigeen Maxamed Cali.

Xoggo iyo macluumaad arrimahaa ku saabsan oo Xarunta War-qabadka Geeska Africa (East Africa Media Center) uu helay, ayaa daboolka ka qaaday fulinta hawlgalada Xisbiga Kulmiye inuu magacaabay 9 xubnood, oo ka kooban Agaasimaha guud iyo madax-waaxeedada Wasaaraadda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland, kuwasoo u dhisan qaab guddi ahaaneed, waxay kala yihiin Gudoomiye Xasan Cumar Hoori, ahna agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, xubin Khadar Maxamed Cakule, ahna Maareeyaha Telefiishanka Qaranka, xubin Cabdilahi Aadan Cumar (Wayab), ahna lataliyaha Wasiirka Warfaafinta, xubin Maxamuud Xuseen Faarax (Cadaani) ahna maareeye ku-xigeenka Telefishanka Qaranka, xubin Xuseen Kurdi ahna Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja, sidoo kalena ah shaqaalaha Wakaaladda Wararka Somaliland, xubin Abiib Iiman Xasan ahna Madaxa Barnaamijyada Tv-ga Qaranka, xubin Suxufi Yoonis Cali Nuur ahna lataliyaha Wasiirka Warfaafinta iyo laba xubnood oo weli aan magacyadooda la aqoonsan.

Guddiga istaraajiyadda olollaha Doorashada, waxay hawshooddu tahay ururinta iyo la socodka waxkastaa oo laga baahiyo, lagana qoro Xisbiga Kulmiye, iyo sidoo kale dejinta Istaraajiyadda Siyaasadeed ee loo maraayo jawaab celintooda. Geesta kale Guddida oloollaha Doorashada ee Kulmiye oo xaruntoodu noqon doonto Wasaaradda Warfaafinta, waxay abuurayaan ama curinayaan halku dhigyo lagu kaabayo qorshaha ka dhaadhicinta bulshada ee Musharaxiinta Kulmiye, sidoo kale xubnaha guddidu waxay hawlgalo u diyaariyeen 30-kooxood oo ka tirsan Fanaaniinta waaxda fanka iyo wacyigelinta ee Wasaaradda Warfaafinta, kuwaasoo ka qayb-qaadan doonaa masrax fanneedyo bulshada loo qaban doono maalmaha oloollaha Kaltanka ee Xisbiga Kulmiye, xubnaha guddigan mudada 21-ka cisho ee oloolluhu socdo oo ku kala beegan bilaha 10-aad iyo 11-aad, waxa mudadaasi mushahar ahaan loogu qoondeeyey midkiiba in la siiyo gunno hawleed dhan $1500.

Tallaabadan oo ah mid lidku ah hanaanka geedi-socodka Dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland, sidoo kalena baal-marsan wareegtooyinkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku amray shaqaalaha dawladda inaanay ku milmin loollanka asxaabta qaranka. Sidaas daraadeed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, Gudoomiyaha Hay’adda shaqalaha Sharmarke Geelle iyo xubnaha Koomishanka Doorashooyinka, waxa la gudboon inay tallaabo adag oo degdeg ah ka qaadan Guddidaas, kuwasoo ka sekow jebinta sharciga hawshoodu sababi doonto khalkhal iyo xasilooni darro soo wajahda Somaliland, hadii lagu daawado oo aan waxba laga qaban.

Source;

Xarunta War-qabadka Geeska Africa (East Africa Media Center)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured