Dhaq-dhaqaaqyada Ganacsi ee Dekedda Berbera oo Cirka Isku Shareeraay, Maareeyaha Mudada Kooban Joogay Siciid Xasan Cabdilahi oo Ku Guuleystay Xalinta Mushkiladihii kala Erdheeyey Ganacsatada iyo DP World…

0
Wednesday October 18, 2017 - 01:33:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaq-dhaqaaqyada Ganacsi ee Dekedda Berbera oo Cirka Isku Shareeraay, Maareeyaha Mudada Kooban Joogay Siciid Xasan Cabdilahi oo Ku Guuleystay Xalinta Mushkiladihii kala Erdheeyey Ganacsatada iyo DP World…

    Dhaq-dhaqaaqyada Ganacsi ee Dekedda Berbera oo Cirka Isku Shareeraay, Maareeyaha Mudada Kooban Joogay Siciid Xasan Cabdilahi oo Ku Guuleystay Xalinta Mushkiladihii kala Erdheeyey Ganacsatada iyo DP World…

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaq-dhaqaaqyada Ganacsi ee Dekedda Berbera oo Cirka Isku Shareeraay, Maareeyaha Mudada Kooban Joogay Siciid Xasan Cabdilahi oo Ku Guuleystay Xalinta Mushkiladihii kala Erdheeyey Ganacsatada iyo DP World…

Hargeysa(Xogreebnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa 10-kii September, 2017-ka u Magacaabay Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, xilligaasoo uu jiray khilaaf albaabada u xidhay Marsada Caalamiga ah ee Berbera. Khilaafkaasoo saameeyey dhinacyo badan, isla markaana u dhexeeyey Ganacsatada wax kala soo degta, waxna ka dhoofisa Dekeda iyo Maamulka Shirkadda gacanta ku haysaa dekedda ee DP World, iyo weliba sidoo kale khilaaf cakirnaa oo isna u dhexeeyey gaancsatada deegaanka Saaxil, bulshada gobolka iyo Shirkadda DP World, ayaa waxa uu Maareeyaha mudada yar joogay xafiiska faraca-dekeddu gabi-ahaanbaa ku guuleystay inuu Xaliyo mushkiladihii albaabada u xidhay Marsada Caalamiga ah ee Berbera.

Maareeyaha Dekedda Siciid Xasan Cabdilahi, ugu horayn waxa uu ku guuleystay inuu xaliyo mushkiiladihii kala erdheeyey Ganacsatada reer Somaliland ee wax kala soo degta Magaaladda Berbera iyo sidoo kale Shirkadda gacanta ku haysaa dekedda Berbera ee DP World, kaasoo ku guuleystay muddo kooban oo maalmo ah, waxanay tallaabadaasi keentay inay shaqayso oo albaabada loo furo marsada Magaaladda Berbera oo xidhnayd markii hore, sidoo kale waxa muddo yar gudahood si xawli ah cirka markeliya isku shareeray shaqadii mudada taagnayd ee Dekeda Berbera iyo dhaqdhaqaaqii ganacsi ee Magaaladaas.

Sidoo kale, Maareeyaha Dekedda Berbera, waxa uu mar kale ku guuleystay inuu xaliyo khilaafadyo gooni-gooni ah, oo u dhexeeyey Ganacsatada Gobolka Saaxil iyo shirkadda DP World, isagoo meesha ka saaray cabashadii mudada badan, kaasoo yeedhaysa Bulshada deegaanka iyo sidoo kale shaqaalaha dekedda iyo weliba ganacsatada Gobolkaas. Tallaabooyinkaas uu qaaday Maareeyaha afartanka cisho shaqada Dekedde Berbera hayey, ayaa keentay inuu laban-laabmo dhaqdhaqaqyada ganacsi ee guud ahaan mandaqada geeska Africa oo dalal ku yaala wax kala soo deggaan Marsada Berbera iyo sidoo kale guud ahaan shaqo maalmeedka dekeda oo sidii looga bartay kusoo laabatay sideedii caadiga ahayd.

Teeda kale, waxqabadkaas iyo guulaha uu mudada kooban ku tallaabsaday Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, waxay meesha ka saartay dhaliishii asxaabta mucaaridku Xukuumadda ugu jeedin jirtay wareejinta iyo shaqada Dekedda ee mudada dhexe istaagtay, waxa kaloo meesha iyadduna ka baxday dacaayadihii lagu bartilmaameedsanaayey Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ee ahayd inay dekeddii xidheen. Isku soo wada-xooriyo Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan cabdilahi waxa uu noqday masuul ay kala badnaatay shaqada uu ku qabtay mudada kooban iyo waxtarkiisa shaqsiyadeed ee ku tallaabsadday derejo ahaanna ku noqday masuul sharaftiisu cirka isku shareertay. La soco Warbixino daaha ka faydaya dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee Dekedda Berbera.

Cabdifatax Cali faarax.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured