Telefiishanka HCtv oo Sas ka qaaday Dood Wada-reed Ururka Telefiishanada Madaxa-banaani u qabanayo Murashaxiinta iyo Madaxtooyada oo Faro-gelin ugu Xaglinaysaa Tv-ga HCtv+ Dooda oo dib loo dhigay iyo Buuq labada dhinac ku dhex-maray Madaxtooyadda…

0
Tuesday October 17, 2017 - 01:38:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Telefiishanka HCtv oo Sas ka qaaday Dood Wada-reed Ururka Telefiishanada Madaxa-banaani u qabanayo Murashaxiinta iyo Madaxtooyada oo Faro-gelin ugu Xaglinaysaa Tv-ga HCtv+ Dooda oo dib loo dhigay iyo Buuq labada dhinac ku dhex-maray Madaxtooyadda…

    Telefiishanka HCtv oo Sas ka qaaday Dood Wada-reed Ururka Telefiishanada Madaxa-banaani u qabanayo Murashaxiinta iyo Madaxtooyada oo Faro-gelin ugu Xaglinaysaa Tv-ga HCtv+ Dooda oo dib loo dhigay iyo Buuq labada dhinac ku dhex-maray Madaxtooyadda&hel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Telefiishanka HCtv oo Sas ka qaaday Dood Wada-reed Ururka Telefiishanada Madaxa-banaani u qabanayo Murashaxiinta iyo Madaxtooyada oo Faro-gelin ugu Xaglinaysaa Tv-ga HCtv+ Dooda oo dib loo dhigay iyo Buuq labada dhinac ku dhex-maray Madaxtooyadda…

Hargeysa(Xogreebnews)- Madaxda Telefishanka HCtv, ayaa ku goodiyey inaan ciddina u qaban-karin Murashaxiinta Xisbiyada, hadii aanay iyaggu daadihinayn. Muranka arrinkan ee dooda, ayaa salka ku haya dood-wadareed Ururka Telefishanada Madaxa-banaani ee Somaliland 17-ka bisha u asteeyeen inay u qabtaan Murashaxiinta Saddexda qaran, kaddib markii ay Musharaxiinta ka heleen ogollaansho, sidoo kalena Ururka ay ku middeysan yihiin Telefishanada madaxabanaani, waxa kaloo qabashada doodan ka wada-shaqaynayaan Akaademiga nabada iyo horumarinta Somaliland, kuwasoo iyaggu u xil-saaran dhamaystirka qaban-qaabada hawlaha dooda.

Haddaba, Muranka arrinkaa ku saabsan oo Xalay ka dhacay qasriga Madaxtooyadda, ayaa salka ku hayey sas uu Telefiishanka HCtv ka qaaday Ururka lagu bahoobay ee Telefiishada dalka iyo hawl wadareedka qabashada dooda ay ku jiraan, waxanay maamulka sare ee Telefishanka HCtv uu Xalay Madaxtooyadda kaga dhex-goodiyey inaan la qaban Karin doodaas la’aantood, waxanay Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi ka dalbadeen inuu joojiyo, iyagoo ku beer-laxowsanaayey inay si dhow ula shaqeeyan Madaxtooyadda.

Dhinaca kale Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud, ayaa isna dhinac u xagliyey, kaasoo ku dhex-dhexaadiyey in baahinta la siiyo Telefiishanka HCtv oo keliya, waxana arrinkaa ganafka ku dhuftay ururka ay ku middeeysan yihiin Telefiishanada madaxabanaan, kuwasoo sheegay inay xaq u leeyihiin inay baahiyaan doodaas cidna aanay u daba fadhiisanayn, sida uu telefishanka HCtv-ba xaqa ugu leeyahay.

Buuq iyo sawaxan ka dhex istaadhmay Mulkiilayaasha Warbaahinta Telefiishanada iyo sidoo kale hawlwadeenada ama madaxda Tv-ga HCtv, ayaa waxa markii dambe soo dhexgalay Murashaxiinta Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye, kuwasoo ka dalbadday in laga war sugo, waxana la baajiyey doodii ku astaysayn inay habeen dambe dhacdo, loona qabto Murashaxiinta Xisbiyada. La soco wixii kasoo Kordhaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured