Madaxweyne Siilaanyo Iyo Murashaxiinta Xisbiyada oo Kulan Xasaasi ah ku Yeeshay Madaxtooyadda

0
Tuesday October 17, 2017 - 00:50:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo Iyo Murashaxiinta Xisbiyada oo Kulan Xasaasi ah ku Yeeshay Madaxtooyadda

    Madaxweyne Siilaanyo Iyo Murashaxiinta Xisbiyada oo Kulan Xasaasi ah ku Yeeshay Madaxtooyadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Murashaxiinta Xisbiyada oo Kulan Xasaasi ah ku Yeeshay Madaxtooyadda

Hargeysa(Xogreebnews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa qasriga Madaxtooyadda casho-sharaf, waxa uu ugu sammeeyey lixda murashax ee saddexda Xisbi qaran ee dalka, hoggaanada Ciidamada qaranka, Shir-gudoonka labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland iyo gudida Doorashooyinka, waxaanu Madaxweynuhu hadallo isaggu jiray dardaaran iyo digniino faray ama u jeediyey musharaxiinta ku tartamaya hoggaaminta tallada dalka, iyo sidoo kale Taliyaasha Ciidmada kala duwan.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu ku dheeraaday arrimo dhowr ah, oo ay kamid yihiin inay Murashaxiintu aqbalaan natiijadda kasoo baxda Doorashadda, maadaama cidda guulaysan doontaa tahay laba kamid ah lixda Murashax, balse lixdaba aanay guulaysanayn doonin, waxa kaloo Madaxweyne Siilaanyo hoggo tusaaleeyay inaanay guuldaraddu ceeb ahayn, balse natiijadda oo la diida ay ka xun tahay guuldarada, sidoo kale Madaxweynuhu khudbadiisa qoraalka ah, waxa uu kusoo qaatay Ciidamada qaranka iyo hoggaanadooda, kuwasoo uu faray inay si dhow ula shaqeeyan Guddida doorashooyinka qaranka, sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu uga digay Ciidamada inay ku dhex milmaan Siyaasadda Asxaabta loolamaya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu ku dardaaray saddexda Murashax inay taageerayaashooda dejiyan, kana ilaaliyan waxkastaa oo kicin keeni karaa, ugu dambayn Madaxaweyne Siilaanyo waxa uu Tacsi tiiraanyo badan u diray Xukuumadda Somaliya, isagoo ka tacsiyadeeyey Qarax bahalnimada ahaa ee lagu laayey boqolaalka shacabka ah, isagoo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi;

"..Waxaan hoggaanka dalka ku wareejin doonnaa, labada musharax ee doorashada sifo sharci ah ugu guulaysta, insha Allah. Sidaa darteed, saaxiibada loolamaya, waxaan leeyahay, marka ay soo baxdo natiijada doorashadu, waa in aad aqbashaan oo ogolaataan natiijada doorashada. Qarankani, wuxuu ku soo meel-maray, hab-dhaqan ku dhisan tudhaale, talo-wadaag, tawfiiq iyo isu-tanaasul..”.

Sidoo kale, Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa uu dardaaray Musharaxiinta Saddexda Xisbi Qaran inay u hogaansamaan natiijada doorashada kasoo baxda marka xubnaha guddiga doorashooyinku soo saaraan natiijadda doorashada, waxaana hadal-qoraalkii arrinkaasi u dhignaa, sidan; "…Ma aha, guuldarada siyaasaddu, in doorashada lagaaga adkaado, balse waxa guul darro iyo garaad xumo ah, in aad ku gacan-saydho go'aanka Guddida Doorashooyinka iyo Maxkamadda Sare…”.

Dhanka kale, Madaxweyne Siilaanyo oo la hadlayey Ciidamadda Qaranka iyo hoggaanadooda, waxa uu yidhi; "…Taliyayaasha Ciidammada Qaranka, waxaan kula dardaarmayaa, in ay dedaalkooda laban laabaan xilligan, iyo in ay si buuxda ula shaqeeyaan Guddida Doorashooyinka Qaranka. Dhinaca kale, waxaan farayaa in ay gacan bir ah ku qabtaan, cid kasta oo isku dayda, in ay fawdo iyo fad-qalallo ka abuurto dalka. Ciidammada Qaranka, waxa ka reebban, in ay ku dhex milmaan ololaha doorashada, iyo Xisbiyada intaba.

Waxaan shacbiga Somaliland leeyahay, musharixiintu xaq idiin kuma laha, in ay idin dhex-dhigaan colaad iyo ciil-qab. Balse waxay xaq idiinku leeyihiin oo keliya, in ay idin weydiistaan caawimo iyo cod. Sidaa darteed, waxaan idiinku baaqayaa, in aad xil weyn iska saartaan, ilaalinta midnimada, wada-jirka, nabadgelyada iyo qaranimada dalka.

Guntii iyo gabe-gebadii, anigoo munaasibaddan ka faa'iidaysanaya, waxaan cambaareynayaa, falka argagixisada foosha xun, ee ka dhacay caasimadda dalka aynu deriska nahay ee Soomaaliya. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa, Qoysaskii iyo Qaraabadii, ay ka baxeen dadkii rayidka ahaa, ee halkaa ku geeriyooday…”.

Ugu danbayna Madaxweynuhu waxa uu Tacsi u diray shacbiga Koonfurta Soomaaliya, isagoo ka tiirayaysan qaraxii foosha xumaa ee ka Magaalada Muqdisho Toddobaadkan, waxaanu yidhi Madaxweynuhu, "…Guntii iyo gabe-gebadii, anigoo munaasibaddan ka faa'iidaysanaya, waxaan cambaareynayaa, falka argagixisada foosha xun, ee ka dhacay caasimadda dalka aynu deriska nahay ee Soomaaliya. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa, Qoysaskii iyo Qaraabadii, ay ka baxeen dadkii rayidka ahaa, ee halkaa ku geeriyooday…”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured