Suuqyada Hargeysa oo si Weyn Looga Dareemayo Qaban-qaabada Soo Dhoweynta Gudoomiyihii ugu Waxqabadka Badnaa Wajaale Aadan Shiine oo Arbaçada 18-ka Bishan Dalka kusoo Laabanaya, Masuuliyiin, Siyaasi iyo Hoggaanka Sare ee Kulmiye oo Ka Qayb-qaadan doona Soo Dhoweyntiisa.. .

0
Monday October 16, 2017 - 02:53:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1129
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suuqyada Hargeysa oo si Weyn Looga Dareemayo Qaban-qaabada Soo Dhoweynta Gudoomiyihii ugu Waxqabadka Badnaa Wajaale Aadan Shiine oo Arbaçada 18-ka Bishan Dalka kusoo Laabanaya, Masuuliyiin, Siyaasi iyo Hoggaanka Sare ee Kulmiye oo Ka Qayb-qaadan doona Soo Dhoweyntiisa.. .

    Suuqyada Hargeysa oo si Weyn Looga Dareemayo Qaban-qaabada Soo Dhoweynta Gudoomiyihii ugu Waxqabadka Badnaa Wajaale Aadan Shiine oo Arbaçada 18-ka Bishan Dalka kusoo Laabanaya, Masuuliyiin, Siyaasi iyo Hoggaanka Sare ee Kulmiye oo Ka Qayb-qaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suuqyada Hargeysa oo si Weyn Looga Dareemayo Qaban-qaabada Soo Dhoweynta Gudoomiyihii ugu Waxqabadka Badnaa Wajaale Aadan Shiine oo Arbaçada 18-ka Bishan Dalka kusoo Laabanaya, Masuuliyiin, Siyaasi iyo Hoggaanka Sare ee Kulmiye oo Ka Qayb-qaadan doona Soo Dhoweyntiisa.. .
Hargeysa(Xogreebnews)-Gudoomiyihii hore ee Magaaladda Wajaale Md. Aadan Muuse Cilmi (Aadan Shiine), oo in muddo ahba Safar ugu Maqnaa Uk, ayaa la filaya inuu dalka kusoo laabto 18-ka Bishan Maalinta Arbacada fooda inagu soo haysa Saacaddu Markay tahay 11:-ka Duhurnimo. Iyadoo si weyn looga darreemayo gudaha Magaaladda Hargeysa qaban-qaabada iyo soo dhoweynta Gudoomiyaha, isla Markaana waxa Baaburta iyo goobaha lagu Kulmo lagu dhejiyey Istiikaro lagu soo dhoweynaayo Gudoomiyihii hore ee Magaaladda Wajaale Mujaahid Aadan Shiine.
Sidoo kale, hoggaanka Xisbiga Kulmiye, Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo Iyo, Siyaasiyiin Miisaan culus, Xildhibano iyo weliba qaybaha Bulshada, ayaa la filaya inay gudaha Madaarka Hargeysa ku sugaan, isla markaana dalkiisa Hooyo kusoo dhoweeyan Maayirkii Hore ee Magaaladda Wajaale Md. Aadan Muuse Cilmi.
Gudoomiyihii hore ee Magaaladda  Wajaale Md. Aadan Shiine, ayaa Kamid ah Madaxda sare ee Xisbiga Kulmiye, isagoo Kamid ah Siyaasiyiinta miisaanka Culus ee tiir dhexaadka u ah Xisbigaas, sidoo kale, Maayirkii hore ee Magaaladda Wajaale, ayaa ku suntanaa mudadii uu xilka hayey Waxqabadkii ugu balaadhnaa ee laga fuliyo degmada Wajaale, waxanay Bulshada reer Wajaale ku xasuustaan Maayirkii hore ee degmadaas Mashaaric tiro badan oo ka fuliyey oo u dhamaytiray, halka qaarnaa uu shaqada ka tagay iyagoo socdaa, Mashaaric ugu waaweyn ee guushooda uu ku suntana Md. Adaan Shiine waxa Kamid ahaa Mashruuca Biyo-gelinta Wajaale, oo u ku guuleystay, iyo weliba Samaynta Wadaada isku xidha. Waxa kaloo Kamid ahaa Waxqabadka Taarikhda galay ee lagu Xasuusto Aadan Shiine Ilaalinta hantida qaranka sida dhulka, deeganka iyo weliba cashuuraha oo wax ugu qaban jiray.
Si kastaba ha ahaatee Gudoomiyihii hore ee Magaaladda Wajaale Aadan Muuse Cilmi, ayaa la filayaa inuu Kaalin weyn oo waxku ool ah ka qaato Oloolaha Doorashada Madaxtooyadda ee la filayo inay dalka qabsoonto 13-ka Novomber, isagoo Guusha la baadi goobi doonaa Xisbigiisa Kulmiye, waxana lagu tiriyaa Gudoomiyihii hore ee Magaaladda Wajaale Aadan Shiine inay saaxib dhow yihiin Murashaxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye Muuse Baixi Cabdi, isla markaana uu Kamid yahay dadka daacadda u ah Xisbiga Kulmiye.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured