"..Waan ogahay kuwa ugu Boogaha badan SNM ee tooska ugu lug lahaa Dagaaladii sokeeyuhu inay iyagu yihiin kuwa ugu faanka badan...Waar ha iska dhigina wax aydaan ahayn waa ogtihiin waxa ummadan yeesheen". Siyaasi Cali Guray

0
Monday October 16, 2017 - 01:22:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "..Waan ogahay kuwa ugu Boogaha badan SNM ee tooska ugu lug lahaa Dagaaladii sokeeyuhu inay iyagu yihiin kuwa ugu faanka badan...Waar ha iska dhigina wax aydaan ahayn waa ogtihiin waxa ummadan yeesheen". Siyaasi Cali Guray

    "..Waan ogahay kuwa ugu Boogaha badan SNM ee tooska ugu lug lahaa Dagaaladii sokeeyuhu inay iyagu yihiin kuwa ugu faanka badan...Waar ha iska dhigina wax aydaan ahayn waa ogtihiin waxa ummadan yeesheen". Siyaasi Cali Guray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"..Waan ogahay kuwa ugu Boogaha badan SNM ee tooska ugu lug lahaa Dagaaladii sokeeyuhu inay iyagu yihiin kuwa ugu faanka badan...Waar ha iska dhigina wax aydaan ahayn waa ogtihiin waxa ummadan yeesheen". Siyaasi Cali Guray
Hargeysa(Xogreebnews)-"..Anigu ma jecli qof keligii isa siiya guul aanu lahayn ama wax yar uun ku lahaa. Oo intii la lahayd eenu ka lahayn ka dhiga wax aan jirin oon iyagu waxba ahayn. Kuwa aan la hadlayaa kuma dhacaan inta ay aniga iyo qayrkay soo hor fadhiistaan aanu si furan anaga oo is horfadhina oo lana wada dhegeysanayo aanu dhacdootinkii taariikhiga ahaa ee xiligii halganka iyo xumaan iyo samaan wixii dhacay aanu runta ka shaagno oo qalad iyo sax qofba intii uu ku lahaa la qirsiiyo oo hortiisa laga cadeeyo. Laakiin waan ogahay kuwa ugu boogaha badan SNM ee tooska ugu lug lahaa dagaaladii sokeeyuhu inay iyagu yihiin kuwa ugu faanka badan hadana aanay ogolayn inay dood furan ka galaan waayo iyagu way is ogyihiin aniguna ceeb Alleh ha asturo eh ma jecli in aan wax ka sheego oo weliba run ka sheego. Lakiin waxan kula talin lahaa waar ha iska dhigina wax aydaan ahayn waa ogtihiin waxa ummadan yeesheen iyo intaa hadimo u geysateen eh. Waa ogtihiin faylashiina in la hayo oo in badan oo runta ogi ay noolyihiine. SNM waxa kala yaqaan kuwii ay dagaalameen ee ka soo horjeeday. Dib u akhri warqaddii Moorgan ee runta badani ku jirtay iyo waraysigii Cabdicaziiz Cali Bare oo isagu ahaa sarkaakii ugu dagaalka adkaa SNM ee bari ilaa galbeed isaga dabqaadi jiray ugu dambaystiina lagu jebiyay dagaalkii Berbera. 
Godabaynta maalmaha gudbiyo, galaha taariikhda
Gadood dhacayba sheekuu lahaa, geyfan iyo raade
Ganba-xoorka waayaha haddii, laysu minan guursho
Dad uun baa ma guurtada lahaa , goobihii baxaye.
Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide
Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede
�Nin uun baa guddoonsha’e xil waa, laysu gororshaaye
�Galladduna waxay saaran tahay , wax isu geygeyne
�Inkastuu wax galo ama wax gudo , ama wax weyn gooyo
�Inkastuu galool mudhay ka yahay, dhiraha gaagaaban
�Hadduu geel abuuriyo hadduu, gaas cartama beero
Inta ruux wax gaadhsiin karaa, way gun dhowdahaye
�Noloshana galgalaheeda iyo, gebi ahaanteeda
�Waxaan geesi karin baa jiroon, gaar ninawfaline,
�Xaajaba gan baa loo unkaa, talaba waa goore
�Ummadyahay tiraa kaa gedmane , wax isu geygeyso 
�Ninkii aad garaaddiyo shaxshaxo, saartay garabkiisa
�Kol hadduu dharaar goonya kulul, kaa gelgelin doontay 
�Waxaad galabsatuun baa jiree, gaado kale yeelo
Ninkii aan gondaha kaala dhayin, gololo hawsheeda
�Gardaadkaaga yuu baran inaan, taada lagu gaadhin
�Hadday gibili kaa saarantahay, gocomo hooseeya
�Waxaan geedna kaa qarin indhuhu, yay ka gabargaalin
�Hadba soo gadaal eeg ninkaad, gadato hiilkiisa
�Gol dalooladaaduu nin ogi, galagalaystaaye
Aduun bayse kaa go’an yihiin, maalmahays guraye�
Godan baa la yeeshaa xadhkaha, haysku wada giijin



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured