Saraakiil ka Tirsa Xisbiga KULMIYE oo Hawlo Dardargelin ah ka Sameeyey Degmada Ceegaag ee Gobolka Sool

0
Monday October 16, 2017 - 00:38:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 979
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil ka Tirsa Xisbiga KULMIYE oo Hawlo Dardargelin ah ka Sameeyey Degmada Ceegaag ee Gobolka Sool

    Saraakiil ka Tirsa Xisbiga KULMIYE oo Hawlo Dardargelin ah ka Sameeyey Degmada Ceegaag ee Gobolka Sool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil ka Tirsa Xisbiga KULMIYE oo Hawlo Dardargelin ah ka Sameeyey Degmada Ceegaag ee Gobolka Sool
Ceegaag (Xogreebnews)- Saraakiil ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa hawlo dardargelin la xidhiidha u diyaargarowga doorashada ka sameeyey degmada Ceegaag ee ka tirsan Gobolka Sool ee Somaliland.
Wefti uu hoggaaminayey Mr. Khadar Muxumed Maxamuud (Galbeedi) oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa booqday degmada Ceegaag, halkaasi oo si wayn loogu soo dhaweeyey, isla markaana ay u kuurgaleen xaaladaha kala duwan ee shacabka iyo heerka wacyigelinta bulshada ee doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan inay qabsoonto 13-ka November 2017.
Cuqaasha, odayaasha, waxgaradka iyo guud ahaan dadweynaha ku dhaqan eegaannada degmada Ceegaag, ayaa dhammaantood caddeeyey inay taageero buuxda u hayaan xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE oo ay ku majeerteen waxqabadka iyo horumarka uu dalka ka fuliyey muddadii hore ee uu xilka hayey iyo siyaasadda murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka xisbigu damacsanyihiin inay ku sii hoggaamiyaan waddanka mustaqbalka.
Siyaasi Khadar Muxumed Maxamuud (Galbeedi) iyo xubnaha wehelinayey, ayaa iyaguna uga mahadceliyey dadweynaha ku dhaqan degmada Ceegaag taageerada aan kala hadhka lahayn ee ay la barbartaaganyihiin xisbiga KULMIYE.
Waxa kaloo weftigu ay qalab ciyaaraha kubadda Cagta ah ku wareejiyeen kooxaha dhallinyarada ka dhisan degmada Ceegaag, si ay ugaga mashquulaan balwadaha xun xun ee Qaadku ka mid yahay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured