Wararkii u Dambeeyey ee Qaraxii Lagu Hoobtay ee ka dhacay Muqdisho Dhimashada, Dhaawaca iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0
Sunday October 15, 2017 - 00:44:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii u Dambeeyey ee Qaraxii Lagu Hoobtay ee ka dhacay Muqdisho Dhimashada, Dhaawaca iyo Khasaaraha Ka Dhashay

    Wararkii u Dambeeyey ee Qaraxii Lagu Hoobtay ee ka dhacay Muqdisho Dhimashada, Dhaawaca iyo Khasaaraha Ka Dhashay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii u Dambeeyey ee Qaraxii Lagu Hoobtay ee ka dhacay Muqdisho Dhimashada, Dhaawaca iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Muqdisho(Xogreebnews-Qarax Xoogan, ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Somaliya, kaasoo sababay khasaare isaggu jira naf iyo maal. Qaraxan ayaa ka dhashay gaadhi xamuul ahaa oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo ku qarxay afaafka hore ee Hotel Safaari, oo ku yaala Isgoyska Zoope ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo lagu sheegeenkii ugu xooga badnaa ee muddooyinkan ka dhaca Magaalada Muqdisho, ayaa burburiyay dhismooyinkii ganacsi ee ku yaalay Isgoyska Zoope, oo uu ku jiro Hotel Safaari. Gaadiid fara-badan, ayaa waxaa la sheegay inay ku burbureen qaraxaasi. Kuwasoo maraayey xilliga uu qaraxu dhacayay wadada. Sidoo kale, Shaqaalaha caafimaadka, ayaa goobtaasi ka daad-gureeyay ugu yaraan meydadka 30-ruux oo ku naf-waayey masiibada qaraxan iyo dhaawaca 70 kale, iyadoo shaqaalaha caafimaadku u daabuleen goobaha dhakhaatiirka magaalada ku yaala. Khasaaraha, ayaa waxaa kordhiyay qaraxa oo saameeyay goob shidaalka lagu iibiyo, waxayna dadku arkayeen fuustooyinka shidaalka oo qarxaaya. Qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay, kuna dhaawacmay qaraxan, ayaa waxay buuxiyeen Isbitaalada Daaru Shifaa & Madiina, oo la gaadhsiiyay inta badan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Dadka ku dhintay qaraxan waxaa ka mid ah Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda Ganacsiga, Abuukar Daahiye, sidoo kale dadka ku dhaawacmay waxaa ku jira Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka. Dhaawaca Xildhibaanka wallow la sheegay inuu dhaawaca Xildhibaanku yahay mid fudud. Wariye-yaasha ka hawlgala Magaalada Muqdisho, ayaa kusoo waramayaan inaan meydadka qaarkood la aqoonsan waayay, isla markaana ay jiraan meydad kale oo ku hoos jira burburka dhismooyinkii uu qaraxu saameeyay.

Qaraxan, ayaa dareen argagax leh ku dhaliyay bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho, iyadoona ay dadku si weyn u hadalhayan waxyeelada xoogan ee uu qaraxaasi gaystay. Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in khasaaraha uu qaraxu gaystay uu yahay mid iyaga ka tan weyn, waxaana uu shacabka Somaliyeed ugu baaqay inay gurmad la soo gaaraan dhibane-yaasha dhaawaca ah ee lagula tacaalayo Cisbitaalada Magaaladda Muqdisho.

Saraakiisha Booliska & Nabad Suggida Gobolka Banaadir, ayaa wadaa baadhitaano ku aadan qaraxaasi, iyadoo su’aalo la weydiinayo nin la socday gaadhi NOAH ahaa oo qarax siday, kuna sii jeeday goobtii uu qaraxa hore ka dhacay. Ciidanka NISA, ayaa gacanta ku soo dhigay Ninkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured