Xisbiga KULMIYE oo Soo Dhaweeyey Garabka Raadinta Guusha Qaranka oo ay Ku Bahoobeen Siyaasiyiin Miisaan leh oo Kasoo Digo-rogtay UCID

0
Saturday October 14, 2017 - 15:43:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga KULMIYE oo Soo Dhaweeyey Garabka Raadinta Guusha Qaranka oo ay Ku Bahoobeen Siyaasiyiin Miisaan leh oo Kasoo Digo-rogtay UCID

    Xisbiga KULMIYE oo Soo Dhaweeyey Garabka Raadinta Guusha Qaranka oo ay Ku Bahoobeen Siyaasiyiin Miisaan leh oo Kasoo Digo-rogtay UCID

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga KULMIYE oo Soo Dhaweeyey Garabka Raadinta Guusha Qaranka oo ay Ku Bahoobeen Siyaasiyiin Miisaan leh oo Kasoo Digo-rogtay UCID
Hargeysa(Xogreebnews)-Xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey garabka Raadinta guusha qaranka oo ay ku bahoobeen siyaasiyiin miisaan leh oo kasoo digo-rogtay xisbiga mucaaridka ah ee UCID, kuna soo biiray KULMIYE.
Munaasibad si heersare ah loosoo agaasimay oo ay kasoo qaybgaleen guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan, xildhibaanno, siyaasiyiin, haween, siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ku bahowday madasha Raadinta guusha qaranka, taageerayaashooda iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu soo dhaweynayey cudduda cusub ee xisbiga kusoo biirtay, isla markaana lagu iftiimiyey inuu KULMIYE yahay xisbi aan la kala sheeganin, balse loosoo kala horreeyey.
Xubnaha garabka Raadinta guusha qaranka ee xisbiga UCID kasoo baxay oo ay kamid yihiin xildhiban Xaamud Cismaan Cigaal oo golaha wakiillada katirsan,guddoomiyihii hore ee xisbiga UCID u qaabilsanaa gobolka Togdheer Md. Aadan Xuseen Maxamed, wasiirkii hore ee macdanta iyo Biyaha Md. Axmed Maxamed Buuni, xogyahihii hore ee xisbiga UCID u qaabilsanaa gobolka Togdheer Md. Saleebaan Maxamed, Suldaaan Jimcaale Maxamed Ciise, siyaasi Cabdiraxmaan Axmed Cali, siyaasi Cali Aadan Seed, Siyaasi Maxamed Mahdi Buubaa, Caaqil Cabdiraxmaan Siciid Axmed, Suldaan Cabdiraxmaan Ibraahim, Cabdifataax Muuse iyo Xubno kale oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday siyaabihii ku kallifay inay ka baxaan xisbiga UCID, kuna biiraan KULMIYE, waxana ay sheegeen inay si wada jir ah u go’aansadeen inay codkooda iyo cududoodaba ku dhisaan xisbiga talada haya ee KULMIYE.
Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal oo kamid ah golaha wakiillada, isla markaana hormuud ah siyaaisyiinta cusub ee kusoo biiray KULMIYE, ayaa hadal dheer madasha ka jeediyey, waxana uu bulshada u soo bandhigay qardoofooyin sharci oo uu ku kacay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waqtigii uu golaha wakiillada hoggaaminayey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,"Waxan hayaa khiyaano uu WADDANI galay oo qofka gala ee masuul ah ay tahay in maxkamad la taago, taas oo ahayd inuu guddoomiye Cirro wax ka beddelay xeerka gobollada iyo degmooyinka, waxana uu is-weydaariyey qoddobka Toddobaad oo ahayd Lix bilood in lasoo gudbiyo oo uu u beddelay Lixi bilood gudahood.”
Wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dhinaca Amniga Md. Maxamed Muuse Diiriye oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey siyaasiyiinta miisaanka leh ee xisbiga kusoo biiray iyo taageerayaashoodaba, waxana uu ku boorriyey inay
Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan oo kamid ah xisbiga KULMIYE, ayaa isaguna si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey garabka miisaanka leh ee UCID kasoo baxay, kuna soo biiray KULMIYE, waxana uu xusay in awoodooda, cududooda iyo codkoodaba xisbiga KULMIYE dhexdiisa looga baahan yahay.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in siyaasiyiinta cusub ee xisbiga kusoo biiray la xuquuq yihiin kuwii hore usii joogay, isla markaana aanay marnaba qariibnimo dareemi doonin, waxana uu yidhi, "Dhaqanka xisbiga KULMIYE ayaa ah in dadka ka tirsani ay xuquuq siman wada leeyihiin, taladiisa iyo arrinkiisana meel bay uga soo wada jeedaan, idinkuna qariib kuma tihidine shidhkaad saaran tihiin.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu guddoomiye ku-xigeenku ka digay tallaabooyin la sheegay inay xisbiga WADDANI kaadhadhka cod-bixinta kaga urursanayaan meelaha ay ku badan yihiin taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxana uu tilmaamay inaanu dhaqankaasi dimuqraaddiyadda ku haboonayn, isla markaana aanu KULMIYE dhaqankaas lahayn, "Haddii aynu bahda KULMIYE nahay waxa la doonayaa inay doorashada si nabadgelyo ah ku galno oo qof KULMIYE ahi aanu maalintaas codkiisa la seexanin, warbaahintuna waxa ay qoraysaa inuu xisbiga WADDANI doonayo in meelaha taageerayaasha KULMIYE ku badan yihiin uu kaadhadhka ka iibsado, innaguse dhaqankaas ma lihin,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.
Image may contain: 2 people, people smiling, people standingImage may contain: 1 person, smiling, sitting and suitImage may contain: 2 people, indoorImage may contain: 3 people, people smilingImage may contain: 2 people, crowd and outdoorImage may contain: 18 people, people standing



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured