Qaban-qaabada Soo Dhoweynta Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Kulmiye ee Dalka Canada Marwo Layla Nuur Amaan oo si Weyn Looga Dareemayo Caasimada Somaliland ee Hargeysa…

0
Saturday October 14, 2017 - 01:21:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaban-qaabada Soo Dhoweynta Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Kulmiye ee Dalka Canada Marwo Layla Nuur Amaan oo si Weyn Looga Dareemayo Caasimada Somaliland ee Hargeysa…

    Qaban-qaabada Soo Dhoweynta Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Kulmiye ee Dalka Canada Marwo Layla Nuur Amaan oo si Weyn Looga Dareemayo Caasimada Somaliland ee Hargeysa…

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaban-qaabada Soo Dhoweynta Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Kulmiye ee Dalka Canada Marwo Layla Nuur Amaan oo si Weyn Looga Dareemayo Caasimada Somaliland ee Hargeysa…

Hargeysa(Xogreebnews)-Masuuliyiinta hoggaanka sarre ee Xisbiga Kulmiye, ayaa si weyn isaggu diyaariyey Soo dhoweyn balaadhan oo ay ku qaabilayaan Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Kulmiye ee Dalka Canada Marwo Layla Nuur Amaan, oo la filaayo inay gegeda Diyuuradaha ee Magaaladda Hargeysa, kasoo degto 18-ka Bishan October, saacaddu markay tahay 11;-ka duhurnimo.

Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Kulmiye ee dalka Canada Marwo Layla Nuur Amaan, ayaa kamid ah masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee dalka Kanada kuwooda ugu fir-fircoon, waxana lagu tilmaama xubnaha daacadda u ah Xisbiga, isla markaana ay ka go’an tahay inay guul gaadhsiiyan Murashaxa jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, sidoo kale, Gudoomiyaha garabka Haweenka ee Xisbiga Kulmiye ee Dalka Canada Marwo Layla Nuur Amaan, ayaa la sheegay inay dalka u imanaysoo sidii ay uga qayb-qaadan lahayd Oloollaha Doorashada Madaxtooyadda, waxana la filaya inay door lexaad leh ka ciyaarto oloolaha Doorashada ee la filayo inuu Bilowdo 21-ka October.

Masuuliyiinta Xisbiga tallada haya ee Kulmiye, ayaa mudooyinkii u dambeeyey si weyn ugu hawlanaa soo dhoweynta masuuliyiintooda dalka dibediisa, isla markaana masuuliyiin tiro badan oo Xisbiga Kulmiye uga wakil ah dalal badan oo ku kala yaala qaaradaha dunida lagu soo dhoweeyey Madaarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Hase-yeeshee weli ismay taagin masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee dalka dibediisa, ee usoo Xadhka xidhay inay ka qaybtaan oloolaha Doorashada Madaxtooyada oo la filay inay dalka ka dhacdo Bisha soo socota ee November 13-keeda, waxana maalmaha soo socdaa dalka imanaya Gudoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye ee Dalka Canada Marwo Layla Nuur Amaan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured