Fadeexadaha iyo Waji-gabaxa Guuldarada Faysal Waraabe u Taag oo ay Dawladaha Deriska, Deeq-bixiyaasha Doorashooyinka, Wadamada S/land Xidhiidhka la lehi Al-baabada ka Xidheen Iyo Dawladda Itoobiya oo Xashiishka ku Dartay, kana Reebtay Marti-qaad ay u Fidisay Labada Murashax ee ku Loolamaya Doorashada Madaxtooyadda ee Waddani iyo Kulmiye+ Safar Bilaa-jiho ah oo u Nayroobi ku dhex-meehanaabayo…

0
Wednesday October 11, 2017 - 00:18:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1797
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexadaha iyo Waji-gabaxa Guuldarada Faysal Waraabe u Taag oo ay Dawladaha Deriska, Deeq-bixiyaasha Doorashooyinka, Wadamada S/land Xidhiidhka la lehi Al-baabada ka Xidheen Iyo Dawladda Itoobiya oo Xashiishka ku Dartay, kana Reebtay Marti-qaad ay u Fidisay Labada Murashax ee ku Loolamaya Doorashada Madaxtooyadda ee Waddani iyo Kulmiye+ Safar Bilaa-jiho ah oo u Nayroobi ku dhex-meehanaabayo…

    Fadeexadaha iyo Waji-gabaxa Guuldarada Faysal Waraabe u Taag oo ay Dawladaha Deriska, Deeq-bixiyaasha Doorashooyinka, Wadamada S/land Xidhiidhka la lehi Al-baabada ka Xidheen Iyo Dawladda Itoobiya oo Xashiishka ku Dartay, kana Reebtay Marti-qaad ay u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexadaha iyo Waji-gabaxa Guuldarada Faysal Waraabe u Taag oo ay Dawladaha Deriska, Deeq-bixiyaasha Doorashooyinka, Wadamada S/land Xidhiidhka la lehi Al-baabada ka Xidheen Iyo Dawladda Itoobiya oo Xashiishka ku Dartay, kana Reebtay Marti-qaad ay u Fidisay Labada Murashax ee ku Loolamaya Doorashada Madaxtooyadda ee Waddani iyo Kulmiye+ Safar Bilaa-jiho ah oo u Nayroobi ku dhex-meehanaabayo…

Addis-sababa(Xogreebnews)-Dawladda Itoobiya, ayaa casuumada gooni-gooni ah u fuddisay labada Murashax ee Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, iyadoo Murashaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi uu kulan saacado qaatay la yeeshay shalay ilaa Xalay Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumada Federaalka Itoobiya, sidoo kale waxay Dawladda Itoobiya casuumad taas lamid ah ku marti-qaaday Murashaxa jagadda Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro, kaasoo galabta ka duulay gegeda Diyaaraddaha ee Cigaal ee Magaaladda Hargeysa, isagoo kusii jeeda caasimadda dalka Itoobiya ee Addis-sabab, isla markaana waxa uu Kulamo-diblumaasiyadeed la qaadan doonaa Raysal wasaaraha Itoobiya iyo madaxka tirsan Xukuumadiisa.

Hase-ahaatee, waxa isaggu waji-gabax iyo guuldarro afka saaray Murashaxa waraabe-u-taaga ah ee labada jeer ee hore guuldaraystay Faysal Cali Warabe oo haddana bulshada la hor-caraaraya Musharaxnimo usoo dhacay, kaasoo dawladda Itoobiya dhabarka u jeedisay, isla markaana laga furi-waayey hal-albaab oo nooca uu doone ha noqdee xafiis dawladda Itoobiya ah, waxanu markii uu laba maalmood sil-caayey caasimadda Itoobiya ee Adis-sababa uu u dhoofay dalka Kenya, isagoo halkaasna ay gabi-ahaanbaa dhabarka u jeediyeen Dawladda Kenya iyo sidoo kale safaaradaha diblumaasiyadeed ee daneeya arrimaha doorashooyinka Somaliland fadhigoodu yahay Nayroobi, kuwasoo diiday inay albaabada ka furan, isla markaana wax ka waydiiyan arrimaha Somaliland nooc kastoo ay yihiinbaa.

Dawladda dunida ee saaxibka la ah Somaliland iyo kuwa la jaarka ahba, ayaa isha ku hayey bar-bilow ilaa hadda Taarikhda dhiciska ah ee Siyaasadda ma dhalayska ah ee Faysal Cali Waraabe, oo isaggu hore usoo dhacay laba xilli doorasho oo u tartamay kursiga Madaxtooyadda, sidoo kale inshaha dawladda jaarka iyo kuwa caalamkuba waxay si dhow ula socdeen dhacdadii Inqilaabka la fudaydiyey ee Faysal Cali Waraabe ku inqilaabay Murashaxii Xisbiga Ucid ee xaqa ahaa Md. Jamaal Cali Xuseen, oo isaggu intaa uu ururnimo kala soo baxay Xisbigaas, sabab u ahaa inuu noqdo markale Xisbi, hase-ahaatee khilaafkii inqilaabka kaddib waa uu burburay Ucid, mana jiro mana shaqeeyo, balse ma gudbaha Siyaasadeed ee Curyaamiyey ee haddana ah Murashaxa Waraabe-u-taaga Faysal Cali Waraabe, ayaa dadka ku nool gudaha Somaliland iyo kuwa caalamkuba waxay ku qaabileen diidmo, kaasoo Maanta ka dhigtay inuu noqdo Haad Geed waayey, isla markaana Cidla Ciirsi la la meehanaabaya.

Faysal Cali Waraabe, ayaa laba jeer oo hore waxa uu mar kastaa noqday Murashaxa ugu codka yaraa, kaasoo doorkastaa geli-jiray kaalinta aanay cidi ka dambayn ee Saddexaad, isagoo codadka uu heli jiray ay ahaayeen boqolkiiba laba codadka la dhiibtay,waxa’se hadda la filayaa inuu doorkan uu sito Musharaxnimo uu inqilaabay uu waayo labadii uu heli jiraynaa. La soco waji-gabax Faysal Cali waraabe ee dalka iyo dibedaba.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured