Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Finland Marwo Saamiya Muuse ahna Gudoomiyaha aqoonsi-raadinta oo Axadda Kusoo Fool-leh Hargeysa Iyo Soo Dhoweynta Dalkeeda Hooyo

0
Thursday October 05, 2017 - 02:36:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Finland Marwo Saamiya Muuse ahna Gudoomiyaha aqoonsi-raadinta oo Axadda Kusoo Fool-leh Hargeysa Iyo Soo Dhoweynta Dalkeeda Hooyo

    Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Finland Marwo Saamiya Muuse ahna Gudoomiyaha aqoonsi-raadinta oo Axadda Kusoo Fool-leh Hargeysa Iyo Soo Dhoweynta Dalkeeda Hooyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Finland Marwo Saamiya Muuse ahna Gudoomiyaha aqoonsi-raadinta oo Axadda Kusoo Fool-leh Hargeysa Iyo Soo Dhoweynta Dalkeeda Hooyo

Hargeysa(Xogreebnews)-Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Finland Marwo Samiya Cumar X. Muuse, ayaa Axadda Todobaadkan 8-ka Bishan 10;-da subaxnimo lagu soo dhoweyn doonaa gegida Diyaaradaha ee Magaaladda Hargeysa, halkaasoo la filayo inay kusoo dhoweeyan masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Somaliland, Siyaasiyiin iyo dadweyne aad u tiro badani. iyadoo kasoo duuli doonta dalka Kuweyd, halkaasoo ay hadda u joogo hawlo shaqo.

Marwo Saamiya Cumar X. Muuse oo ah Wakiilka Somaliland ee Dalka Finland, ayaa xubin ku-xigeen ka ah golaha deegaanka ee Helsinki Finland, sidoo kalena Marwa Saamiya Sheekh Cumar X. Muuse, ayaa ah Gudoomiyaha Ictiraaf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Finland, isla markaana waxay muddo badan kasoo shaqeynaysay arrimaha aqoonsi goobida Somaliland, iyadoo marar badan qadiyada madax-banaanida u bandhigay Xisbiyada Finland iyo Xukuumada wadankaas iyo weliba shucuub badan oo kala qoomiyaddo ah.

Marwo Samiya X. Muuse waa haweenay Siyaasad ah, oo si weyn looga wada-yaqaano arlada Somaliland, isla markaana ku leh sumcad iyo magac qaybaha bulshada aqoonta leh ee isticmaasha baraha Bulshada, waxana ujeedada socdaalkeeda lagu sheegay mid iska caadi ah, waxana la filaya mudada ay Marwo Samiya dalka ku sugan tahay inay arrimo badan u kuur-gasho sidoo kale waxa la filaya inay si weyn u indho-indhayso dhaq-dhaqaaqyada oloolaha doorashada Somaliland, iyadoo si weyn uga qayb qaadan doontaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured